Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray Wanlaweyn

0
Tuesday April 07, 2020 - 17:55:11 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray Wanlaweyn

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute & Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Ciidamada ayaa gaaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose. Wanlaweyn waxaa horay u gaaray Ciidamada Dana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute & Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Ciidamada ayaa gaaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose. Wanlaweyn waxaa horay u gaaray Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo sugaayay ammaanka Magaaladaasi, kalana dhex galay beelihii dagaalamaayay.       Ujeedada wafdigan ay u gaareen Magaalada Wanlaweyn ayaa waxa ay tahay sidii loo dabageli lahaa falal tacadi ah oo ka dhacay Degmada Wanlaweyn oo ay gaysteen kooxo hubaysan oo aano qabiil ka duulaya.

          Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baraha Bulshada lagu faafinaayay Falal argagax leh oo laga soo duubay tuulooyin hoostagga Degmada Wanlaweyn, waxaana muuqaalo lagu arkaayay shaqsiyaad la gubaayay.

            Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya oo qaada kiisaska Ciidamada la xiriira ayaa lagu wadaa inay soo dhageysto fal dambiyeedyada ka dhacay Wanlaweyn, kadibna maxkamadda dad ay u soo qabato.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip