Wararkii ugu dambeeyay fadeexada musuq maasuq ee hareeyay Wasaaradda Caafimaadka

0
Tuesday April 07, 2020 - 17:24:21 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay fadeexada musuq maasuq ee hareeyay Wasaaradda Caafimaadka

    Iyadoo maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay fadeexad musuq maasuq oo hareeyay wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, taasoo keentay in la xiro Agaasimihii Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa waxaa laga yaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay fadeexad musuq maasuq oo hareeyay wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, taasoo keentay in la xiro Agaasimihii Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa waxaa laga yaabaa in fadeexadaas musuq maasuq lugaha la gasho Mas'uuliyiin hor leh. Fadeexadan ayaa soo baxday 4-tii bishan markii Ciidamada Booliska ay xireen Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Maxamed Buule, kaasoo lagu soo eedeeyay arrimo ku aadan musuq maasuq iyo lacago la lunsaday. Sidoo kale maalintii shalay oo taariikhda ku beegneyd 6 April Ciidamada Booliska ayaa xafiiskiisa ka kaxeystay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka C/llaahi Xaashi Cali, kaasoo isna la sheegay inuu soo galay kiiska musuq maasuqa ee loo xiray Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda. Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar oo ka hadashay xariga Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa sheegtay in aanay wax ka ogeyn xarigga agaasimaha, balse uu socdo baaritaan, kalana shaqeynayaan arrintan Hanti dhowrka Guud iyo xeer Ilaalinta. Baaritaanka Kiiska Musuq maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa baaraya Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Booliska CID, waxaana la baarayaa dhaqaale la lunsaday oo ka mid ah lacag loogu tala galay dhismaha Machadka Caafimaadka Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in markii su'aalo laga weydiiyay arrintan musuq maasuqa agaasimiha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda uu sheegay inay kula jiraan Mas'uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa baaritaanka uu saameyn doonaa Qandaraas ku saabsan Kiiska Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar oo ay dhowaan maamushay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, kaasoo la siiyey qandaraasle Soomaali ah bishii hore, iyadoo aanu quseyn kiisaska loo xiray labada aagaasime.


Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan kiiska musuqa ah ee mas’uuliyiinteeda ay ku dhammaadaan xal hoose iyo culeys beeleed oo keena in marka danbe lasii daayo mas’uuliyiintaasi.

xigasho:- jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip