Xaaladda gabdhihii lagu kufsaday Degmada Afgooye oo adkaatay

0
Monday April 06, 2020 - 20:41:38 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda gabdhihii lagu kufsaday Degmada Afgooye oo adkaatay

    Waxaa liidata xaaladda caafimaadeed ee labadii gabdho ee walaalaha ahaa, ee maalintii Arbacada lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Gabdhahan oo saddex jir iyo afar sano jir kala ah ayaa muddo afar iyo labaatan saac ahaa la w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa liidata xaaladda caafimaadeed ee labadii gabdho ee walaalaha ahaa, ee maalintii Arbacada lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Gabdhahan oo saddex jir iyo afar sano jir kala ah ayaa muddo afar iyo labaatan saac ahaa la weysanaa, ka hor inta aan lagu soo tuurin goob cidlo ah.           

           Gudoomiyaha Ururka Midowga Dhalinyarada Soomaalida, Muna Cumar Xasan ayaa sheegtay inay xaaladooda liidato gabdhaasi, ka dib markii ay ku booqatay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Iyadoo la hadleysay Warbaahinta ayay tiri "Gabdhahan dhibaato xooganaa soo gaartay, aniga waxaan ka mid ahay dadkii ugu horeeyay ee u tagay/booqday, illaa iyo hadda kor jooggo, markastana xaaladooda ogaada.”

             Waxay sheegtay in Dr. Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Isbitaalka Madiina uu u sheegay in ay adag tahay in wax laga qabto xaaladda caafimaadeed ee hablahaasi.

               "Dhakhtar Maxamed Yuusuf oo aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay aad inay arrintan u xanuun badan tahay, aadna u dhib badan tahay, xitaa daweenteeda aad bay u dhib badan tahay, laakiin ay la tacaalayan.” Ayay tiri Muna Cumar.

                Waxa kaloo ay tiri "Gabdhuhu waxaa lagu khasban yahay labadooduba in qaliino inta lagu sameeyo, kilyaha laga dalooliyo, si saxaradii dhinacaas looga bixiyo, siduu dhakhtarka ii sheegay.”

            Muna Cumar ayaa intaa raacisay "Dhakhtar Maxamed Yuusuf, runtii aad buu u ilmeeyay markii uu noo sheekeynayay, uu nooga waramayay xaaladda gabdhahan.”

        Ma cadda cidda dhabta ahi ee kufsatay hablahan, balse waxaa falkaasi loo soo xiray sideed iyo toban nin, sida uu sheegay Ibraahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

           Hase yeeshee Muna Cumar ayaa ku warameysa in dadka reer Afgooye ay is garanayan, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la soo qabto kuwii dhibaatadaasi ka dambeeyay, si hablahaasi yar yar ay u cadaalad hellaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip