Mareykanka oo jawaab adag ka bixiyay eedeyntii NISA ee Harun Macruf

0
Monday April 06, 2020 - 20:34:58 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo jawaab adag ka bixiyay eedeyntii NISA ee Harun Macruf

    Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay warkii habeenimadii Khamiista ka soo baxay Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ee la xiriiray in Wariye Harun Macruf uu halis ku yahay amniga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay warkii habeenimadii Khamiista ka soo baxay Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ee la xiriiray in Wariye Harun Macruf uu halis ku yahay amniga dalka.

             Qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Harun Macruf uu yahay Wariye xushmad leh, kana tirsan VOA, sidoo kalena ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed, kuwooda ugu saamaynta badan.

                    "Harun Macruf waa Wariye ka tirsan VOAnews, xushmad leh, xirfadna leh, isla-markaana ka mid ah Wariye-yaasha ugu saamaynta badan Soomaalida.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

               Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarada Hay’adda Nabad Suggida, ay hanjabaad ku yihiin Saxaafadda iyo Warbaahinta xorta ah ee dalka ka hawlgasha.

               "Weerarada NISA waxay hanjabaad ku tahay Saxaafadda iyo Warbaahinta madaxabannaan, oo aas-aas u ah dimoqraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladnimada Somaliya.” Ayaa lagu yiri warka.

             Eedeynta NISA u jeedisay Harun Macruf ayaa u cuntami weyday shacabka Soomaaliyeed, balse taasi bedelkeeda waxay dhalleeceen xoog lihi kala kulantay dadka wax ku qora barraha bulshada.

            Eedeynta NISA ee lagu daabacay boggeeda Twitter-ka ayaa la aaminsan yahay in ay ka timid Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasoo aan wax cilaaqaad ahi la lahayn Warbaahinta dalka.

              Fahad Yaasiin waxaa lagu tilmaamaa milkiilaha aan la dooran ee Dowladnimada Somaliya, bacdamaa uu Madaxweyne Farmaajo ka gacan siiyay guushii uu ka gaaray doorashadii dalka ka dhacday February, 08, 2017.

            Mr. Yaasiin ayaan Warbaahinta madaxabannaan iyo midda qarankaba ka soo muuqan, mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip