C/qaadir Shariif Sheekhuna oo Xil Wasiir Dowle looga magacaabay Xukuumadda Kheyre

0
Monday April 06, 2020 - 20:31:45 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/qaadir Shariif Sheekhuna oo Xil Wasiir Dowle looga magacaabay Xukuumadda Kheyre

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye xilka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye xilka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya.

      Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uu noqon doono Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo bedelaya Daahir Cabdi Cabdullaahi (DR GO) oo horay xilkaas u hayay.

       C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ahaa Guddoomiyihii u horreeyay ee Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaana dhowaan uu iska waayay Liiskii Xildhibaannada Koofur Galbeed, iyadoo xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

         Ninkan ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ugu saameynta badnaa ee maamulka Koofur Galbeed, laguna xusuusto kaalintii taageeradii uu siiyay dowladda Federaalka xilligii doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee uu ku soo baxay C/casiis Lafta Gareen oo ahaa Musharaxii dowladda wadatay, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu wax ka ogaa qorshihii dowladda Federaalka ku soo xirtay Mukhtaar Roobow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip