Madaxweyne Xaaf "Wax badan ma aanan maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, Galmudug waa…"

0
Monday April 06, 2020 - 19:59:34 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf "Wax badan ma aanan maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, Galmudug waa…"

    Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug ay mid tahay oo aysan labo aheyn. Axmed Xaaf oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo u sameeyay Madaxweynaha Ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug ay mid tahay oo aysan labo aheyn. Axmed Xaaf oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay inuu u tanaasulay danaha Galmudug, intii uu maqnaa ay wax yar oo kululeysi aheyd. "Wax badan ma maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, saacaddaan laga bilaabo Galmudug waa mid, labo ma ahan, odayga waa tanaasulay hadana yaa la oran waa la tuuray"ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

                   Waxaa uu sheegay inuu sii joogi doono Galmudug oo aanu Muqdisho aadi doonin, kana shaqeyn doono dhismaha dekadaha iyo jidadka, isla markaana uu doonayo in lagu taakuleeyo.            


             Dadaalo uu waday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee doorashadiisa khilaafka dhalisay ayaa ugu dambeyn u muuqda mid soo afjari karta Galmudug-tii ku caan baxday khilaafaadka iyo xasilooni darada siyaasadeed, isla markaana Madaxweyne Qoorqoor uu sameeyay tallaab wanaagsan oo uu isugu keenay dhammaan dhinacyadii diidanaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip