Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka Corona
Nadia, iyo 6 xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta.
Shabeelkan ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka sida qufac qalalan dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay.
"Waa markii ugu horeysay guud ahaan caalamak ee la ogaaday in qof xanuunsan cudurkii hayay uu u gudbiyo xayawaan,” ayuu yiri Paul Calle, oo ah madaxa beertaasi oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.
Waxaa uu intaa ku daray in uu doonayo in macluumaadka uu la wadaago xarumaha cilmi-baarista ee baaraya qabka la isugu gudbiyo cudurka Covid-19.
Nadia, walaasheed Azul, labo Shabeel oo kale oo ah nooca loo yaqaano Amur iyo saddex libaax ayaa dhammaantood lagu wadaa in imika ay soo kabsadaan, sida ay sheegeen sarakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta.
Cudurkan safmarka ayaa markii hore waxaa isu gudbinayay bina’aadamka, balse in laga helay Shabeelka lagu magacaabo Nadia ayaa keenaysa su’aal ah in bina’aadamku uu u gudbin karo xayawaanka.
Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka Corona
Dalka Mareykanka waxaa cudurka Corona laga helay Shabeel. Shabeelkani Dhiddiga ah oo dad'diisa lagu sheegay 4 sano islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx. Shabeelkan, ayaa i