HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 4-APRIL-2020

0
Saturday April 04, 2020 - 10:22:29 in Wararka by
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 4-APRIL-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka magaalada Kismaayo. Madaxweyne M.C/hi Farmaajo oo ku tilma amay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga M/Kismaayo, wa xa u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka magaalada Kismaayo. Madaxweyne M.C/hi Farmaajo oo ku tilma amay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga M/Kismaayo, wa xa uuna ku baaqay in si de g-deg ah oo shuruud la'aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la'aanta ku daadanaya ee beelaha wal aala ah dhexmaraya. "Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo Haatan loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan". Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaa nnadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajay nayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan.

Wasaarada cafimaadka oo qalab muhiim ah gaarsisay cisbitalada Hirshabelle

Wasaarada cafimaadka Federalka oo gar absaneeysa hay’ada WFP ayaa qalab muhiim ah gaarsiisay cisbitaalada Jowhar iyo Beledwe yne xili cabsi badan laga qabo xanuunka COV ID19. Qalabkan ayaa isugu jira kuwa lagu oga ado heerkulka qandhada, dharka aay xertaan dhaqaatirta iyo kal-kaaliyaasha iyo marada ya re ee afka lagu xerto.

Qalabkan ayaa muhiim u ah howlwadenada cafimaadka G/Hiraan maadama aaysan hore u haaysan, waxaana la gusoo bandhigay cisbi taalka guud ee B/weyn.

Isku duwaha W/cafimaadka ee G/Hi raan Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay inaay u mahad celinayaan W/Cafimaadlka Hir shabelle iyo federalka, waxana uu intaas ku da ray in kaalmadan aay muhiim u tahay howlwa denada cafimaadka.

"Kaalmadan waxay isugu jirtaa dharka aay xertaan dhaqatiirta iyo kalkaaliyaasha, qalabka lagu ogaado qandhada iyo agab kale oo muhiiI m ah, waxaay waxbadan ka tari doonan in la kordhiyo wacyigalinta cudurkan COVID19 iyo in si hordhac ah loo ogaado qofka looga shiki yo inuu qabo xanuunkan” ayuu yiri Axmed Kha liif. Inkastoo cudurkan uu ku yaryahay Somaliya hadana waxaa jira cabsi weeyn oo laga qabo inuu faafo, waxaana dhamaan lafasaxay goo baha waxbarasha,waxana sidoo kale dadka la gu wacyigaliyay inaay ka fogaadaan goobaha leeysugu yimaado.

R/w/ Soomaaliya Md.Xasan Cali Kheyre oo ma almo ka hor lahadlay dadweynaha ayaa ugu baaqay in dadku aay qaataan talooyinka iyo wacyigalinta W/Caafimaadka, waxaana uu intaas raaciyay in weli aay sii xernaan doona an goobaha waxbarashada dalka.

Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay hannaanka deyn Cafinta

R//Wasaaraha JFS Md. Xasan Cali Kheyre iyo W/Arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Sor eide oo Shalay yeeshay kul anka dhanka internet-ka ah (video conference), ayaa ka wada hadlay xoojinta xarii rka 2da dowladood,dadaallada lagu xaka mey nayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

R/W.Kheyrre oo dowladda Norwey uga mah ad celiyay taageerada hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta la ga gaarayo Barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide oo dowladda iyo sha cabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guu sha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dha mmeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Norway ayaa qayb ka ah wadda mada D/Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta

Tirada uu ku dhacay Corona Virus ee Soomaaliya oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay soo kordheen 2kiis oo Covid-19 ah, mid waa muwaadin Soo maali ah, midna waa Ajna bi. Tirada guud ee dadka qa ba Coronavirus ee Sooma aliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaa ngeliyay oo Covid-19 gudaha Somaliya.

"Waxaa soo kordhay 2 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah, 1 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah ee ku sugan Muqdisho,Tirada guud ee la xaqii jiyey 7 ,Tirada bogsatay,1 Tirada dhimashada waa 0 ” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaa radda Caafimaadka.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa Kisaska ugu yar dadka uu sameeyay Cudurka Corona Virus ee dalalka geeska Afrika.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay hawlahoodii shaqo

Guddiga Wadajirka KMG ee Diyaarinta Xee rarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in si KMG ay u jooj iyeen hawlahoodii shaqo.

Guddiga ayaa bishii February loo igmaday hawlo ay ka mid yihiin jaangoynta qoondada haweenka ee B/Somaliya iyo goobta lagu soo dooranayo Xildhibaanada 2 Aqal. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Gudoomiyaha Gu ddigan Wadajirka ayaa sheegay in hawlahoodii shaqo ay u hakiyeen cabsida laga qabo faaf itaanka Coronavirus awgii.

Gudoomiyaha ayaa sheegay marka loo fiiriyo xaaladda adag ee lagu jiro inaanay guddiga u saamixi karin in uu sii wado kulamada wadata shadiya ah, ee la xiriira Dorashoyinka Qaranka

Isagoo la hadlayay BBC ayuu sheegay in ay soo xoogeysatay arrinta ku aaddan caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska dilaaga ah ee Corona, isla-markaana ay dadku kala xayi rmayn. Gudoomiye Yarow ayaa intaa ku daray in caabuqan uu ka hor istaagay in kulamadii wadatashiyada ay sii wadaan, loona baahan yahay in feejignaan laga muujiyo faafitaanka caabuqaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida oo la xirey

Wararka laga helayo M/Jigjiga ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray madaxii hab-maam uuska ee madaxtooyada maamulka DDS/ C/dir Sh. Axmed Bisle. Sidoo kale wararka ayaa wa xaa ay intaasi ku darayaan in la xirey Madaxii hoggaanka Nanadgelyada ee DDS Md. Caabdi Caadil,ka dib markii xilka qaadis lagu same eyey.

Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo aaddey xilli inta badan xilalkii laga qaadey Xubnaha Sar sa re ee Hoggaanka Nabadgelyada DDS,isla mar kaana la Magacaabey Xubno Cusub oo kale.

Sababta tallaabooyinkan loo qaaday ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo shaacin, waxaana la filayaa in maamulku saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinkan.

Dalka Itoobiya gobolladiisu waxay leeyihiin hoggaan amni oo ka mid ah jagooyinka ugu awoodda badan marka laga reebo madaxwe ynaha maamulka

2 qof oo midi haweeney tahay oo lagu dilay Magaalada Kismaayo

2 qof ayaa Habeen hore siyaabooyin kala duwan lo ogu dilay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhinaca kalena aanu wax war ahi ka soo saarin Maamulka Jubba land. 2da qof ee la dilay ayaa kala ahaa haw eeney xaamilo ahayd iyo wiil 15 jir ahaa, ku waa oo ay dilkoodu gaysteen maleeshiyo hub eysan.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu dilay halka loo yaqaano (Derisoonka Leegada), maleeshiy adaasi ayaana goobtaasi ka baxsaday.

Sidoo kale wiilka ayaa waxaa lagu dilay aga gaarka Xaruntii Shirkadda Isgaariinta Olympic ee xaafadda Farjano. Kuwii wax dilay ayaa si doo kale cagaha wax ka dayay.

Dadka reer Kismaayo ayaa kuu sheegaya in dilka labadaasi qofba, ay la xiriiraan dagaal beeleedyada maalmihii la soo dhaafay ka soc onayay duleedka Magaalada Kismaayo.

2da qof ee Habeen hore lagu dilay M/Kisma ayo ay aa ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha ku dag aalamaya duleedka magaal adaasi.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Ma amulka D/kismaayo ayaan weli ka hadlin dil alka aanooyinka beelaha la xiriira, ee markii u gu horeysay in muddo ahba laga soo wariyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Coronavirus ma sababi karaa in dib loo dhigo Doorashada Soomaaliya?

Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diy aarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doo rashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa she egay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howl ihi ay wadaan, coronavirus awgiis.

Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xu lay labada aqal ee baarlam aanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray wa xaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarl amaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan.

Su'aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay ka dib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal ta hay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorshe eyay.

Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Ya roow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan ha da xisaabta ku jirin.

"Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baar lamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo na ga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xak ameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo inaan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal," ayuu yiri.

Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen.

Mar uu arrintaas sharraxayay ayuu yiri: "Guddiga meel ma kala jiro, magaalada Muqd isho ayuu joogaa oo aqlabiyaddiisa ugu badan tahay, shaqadiisuna halkaasi ayuu ka wataa… laakiin isu keenidda dadka iyo hawlihii iyo saf arradii aan geli lahayn baan suuroobeynin , ta as baan hakinnay kaddib markii aan la tashiyo sameynay. Waan wadi doonaa shaqadeenna, haseyeeshee qoraal iyo in shaqadii aan gurya heenna ka sii wadno innaga oo qalabkii tiknoo lajiyadda adeegsanayno aan wadno ma reeba na. Waana ku ballannay, xubnihii guddigana waa ay iska warqabaan waa ayna soconaysaa hadduu Alle idmo".

Ilaa hadda maxaa u hirgalay guddiga?

Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystir ka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Soma aliya, oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: "Guddiga wax badan baa uga qabsoomay qo rshihiisi. Markii uu isku yimid oo doorasho sameeyay oo uu is-dhisay oo gudihiisa is doo rtay, xeer-hoosaad buu sameystay oo loo mar ayo habraacii lagu diyaarin lahaa shuruucda asi, qorshe hawleedkii guddiga oo waqtiyaysan ayuu sameystay oo noo soo dhammaan lahaa haddii cudurkan uusan na dhexgeli lahayn, taa sna bisha May baan ku soo dhameyn lahayn".

Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay wax aa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sa meynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso.

"Guddigu ma rabo inuu kaligiis iska tashado oo intuu waraaqo qoro baarlamaanka geeyo. Gud digu wuxuu rabaa in talooyinka dadka wax leh oo saamileyda siyaasadda ahi oo axsaabta xi taa ku jiraan intay ka uruuriyaan in ay baarlam aanka geeyaan. Markii ugu horreysayba wax aa shaqadeenna ka billownay inaan la tashan no dhinacyada ay ka mid yihiin guddiga doora shooyinka madaxa bannaan ee qaranka iyo hay'adihii kale oo arrimahaasi ay khuseeyeen oo ururada bulshada ay ka mid yihiin iyo gu ddigii markii hore sharciga doorashooyinka soo diyaariyay ee labada aqal," ayuu yiri Ibraahim.

Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay.

Ilaa hadda shan kiis oo cudurkan ah ayaa la ga soo tabiyay Soomaaliya, sida lagu muujiyay liiska tirakoobka kiisaska coronavirus ee ay sameysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday talla abooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cud urkan ku faafo dalka.

Dowladda waxay ku dhawaaqday in la xiro dugsiyada Qura'aanka

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka.

Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doo nto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiy ada iyo haddii waqti kale lagu darayo.

XFS ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur 'aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca ka le carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go'aankan shaaciyay ayaa shirkada ha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baa qay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah.

Sharikadaha Flydubai iyo Air Arabia oo laga joojiyey garoomada Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa kala laabtay shatigii (License) duulimaad ee sharikadaha Fl ydubai iyo Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta. Somaliland ayaa warqad qoraal ah udirtay labadan shirkadood waxaana lagu amray inaaysan duulimaadyo ka sameeyn karin deeganada Somaliland.

Hay’ada garoomada Somaliland ayaa ama rka qoraalka ah u dirtay labada shirkadood ka dib markii Sharikadahaas u hogaansameen amarkii dowlada federaalka oo ahaa in hawad a Soomaaliya laga xiray duulimaadyada dibad da oo dhan oo ay ku jirto hawada Somaliland.

Bishii March 19keedii ayeey DFS ammar ku sii say in dib uga laabato sharikadda flydubai oo ku soo jeeday garoonka Egal ee M/Hargeysa. Arrintaas ayaa ka xanaajisay maamulka Som aliland oo u arkay xadgub lagu sameynayo ha wada Somaliland.

2da shirkadood ee laga xayiray duulimaad ka Somaliland ayaanan weli wax war ah kasoo saarin warka kasoo yeeray maamulka.

Sidoo kale wararka aan ka helnay M/ Hargeeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheeg aya in weli si caadi ah aay u socdaan duulim aadyadii shirkada Ethiopian Airlines islamark aana ay maalin dhaaf u timaado garoonka Cig aal ee M/Hargeysa. Hay’adda Duulista Sooma aliya ayaa amar ku bixisay xirtaanka hawada dalka Soomaaliya si looga hor-tago faafidda cudurka COVID 19 oo dhibaato ba’an ku haya dunida.

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saartay Mowqifkeeda Doorashoyinka Qaran

War Saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran kana kooban 14 qodob ayaa loogaga hadlay mowqifka madasha ee qabashada doorashada qaran.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in dowlada federalka ay ka cagajiideyso habsami u socodka doorashada waxaana lagu cadeeyay talooyin ku aadan qabashada doorashada qaran ee la qorsheeyay in dhamaadka sanadkan ama horaanta sanadka soo socda ay ka dhacdo Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran;

Dowladda Somaliya oo shaacisey Tirada dadka laga helay COVID19

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaal Martiini ayaa sheegay in xa runta karantiilka Muqdisho lagu hayo 5-qof oo laga helay Coronavirus iyo 15 kale oo baar itaan lagu hayo.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa ays heege en in marnaba aan la inkiri karin in uu jiro Cud urka,hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn kar in in dalka Somalaiya uu ku faafey Cudurka COVID 19.

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin kamid ah Guddiga sare ee loo xilsa aray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVI D19 ayaa sheegay in Cudurkaan uu yahay mid jira oo duniada ku baahey,isla markaana Shac baka looga baahan yahay inaysan inkirin.

Waxaa uu cadeeyey in Soomaaliya 5 qof ood oo qaba Cudurka Corona laga helay oo laba qof ay yihiin Ajanbi shantaasi qof mid ka mid ah uu ka bogsoodey,sidoo kalena la haayo 17 Qof oo Cudurka looga shakiyey baaritaana lagu haayo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xanu unka Coronavirus uu yahay mid qofka uu ku dhici karo,hayeeshee Shacabka Soomalaiyeed looga baahan yahay in qofkii iska shakiyo uu tago Xarumaha Caafimaad.

Coronavirus: Tabliiq loo haysto soo laba kaclaynta fayraska ee Hindiya

Hindiya waxaa ka taagan xanaaq ka dha shay isu imaatin ay sameeyeen jameeco Tabli iq ah oo loo maleynayo in ay sabab u noqdeen soo laba kacleynta kiisas cusub oo fayraska Covid-19 ah.

Arrintaas waxay dhalisay Islaam-naceyb. Gobollada Hindiya oo dhan waxaa muddo isbu uc ah laga soo weriyay illaa 300 oo kiis oo cusub.

Hal ku dhigyo Islaam-nac eyb ah ayaa aad la isu gula wadaagayaan barta twitter-ka ee Hindiya.

"Halkii aan gali lahayd karantiilka fayraska co rona, waxay ahayd in aan nacyo karantiilka oo dhan", ayuu yiri Taariikhyahan Rana Safvi.

Kooxda Tabliiqa ah ee Jamaat ayaa kullan wayn ku qabteen caasimadda Hindiya ee De lhi, kaas oo ah isu imaatin 100 sano soo socd ay. Goobta ay isugu tagaan waa markaz ku yaalla caasimadda Hindiya oo lagu magaca abo aagga Nizamuddin.

Haddaba, yey yihiin kooxdan maxayse isu soo bax ballaaran ugu qabteen Delhi? Weriya ha BBC-da ee Laanta Hindiga Zubair Ahmed ayaa warbixintan ka qoray.

Waa kuwama Tabliiq Jamaat?

Ururkan ayaa sannadkii 1926 lagu aasaasay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Me wat, waxaana aasaasay wadaadka caanka ah ee Muslimka ahaa ee Maulana Moxamed Ilyas Kandhlawi.

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu diinta Isla amka ku faafiyo dunida - Muslimiin badan aya ana xilligaas dareemayay in siyaasaddooda iyo diintooda uu saameyn ku yeeshay taliskii British Raj.

Ururka ayaa saameyn weyn ku lahaa Hin diya oo aan xilligaas kala qeybsaneyn. Tani is ma beddelin kaddib markii dalkaasi la kala qey biyay, xornimadii ka dib, sannadkii 1947. Wa xay taageero xooggan ku haystaan gudaha Pakistan iyo Bangladesh.

Maxay tahay shaqadooda?

Aasaasaha Jamaat, Moxamed Ilyas, ayaa lagu xusuustaa inuu yiri: "Muslimiintu waa inay noqdaan Muslimiin wanaagsan," - taasina waa hadafka ugu weyn ee ururka - inay Muslimiinta ku dhex faafiyaan ku dhaqanka diinta Islaa mka.

Xubnaha ururka ayaa sheegta inuu yahay mid ka madax bannaan siyaasad, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay inuu dhiso ummad Musl imiin ah oo ku dhaqanta Qur`aanka Kariimka ah.

Jamaat ayaa wufuud u kala dirta dalal kala duwan muddo 40 maalmood ah sannadkiiba, mararka qaarna muddo intaas ka yar. Kuwa da dka wax u sheega ayaa aaminsan inay qof-qof dadka ula kulmaan, sidaas darteed waxay garaacaan guryaha dadka Muslimiinta ah si ay ugu gudbiyaan farriinta Islaamka.

Maxaa ka dhacay Delhi?

Shirka Delhi, oo ah isu soo bax sanadeed - waxaa xafladda sannad-guuradiisa la dhigayaa 3-dii March, inkastoo ay jireen aragtiyo kala du wan oo ku aaddan xilliga ay dhammaan doon to. Waxaa muuqatay in markii ay soo gabagab owday ay dad badan - oo ay ku jireen 250 aja anib ah - ay doorteen inay sii joogaan.

Waxaa loo maleynayaa in qaarkood ay qabeen xanuunka Covid-19, kaas oo hadda ku faafay gudaha dalkaas.

Mid ka mid ah xubnaha ururka oo lagu magacaabo, Waseem Axmed, ayaa u sheegay BBC Hindi in boqollaal wufuud ah ay baxeen ka hor inta aysan dhaqan gelin xayiraadda 24-kii March, balse inka badan 1,000 taageeraya al ah, oo ay ku jiraan ajaanib badan, ayaa Hin diya ku xannibmeen, maaddaama la xiray dhammaan isu socodka.

Wixii intaas ka dambeeyay, booliiska ayaa ka saaray dhismooyiinkii ay ajaanibtu deggan aayeen kaddibna ku karantiilay meel kale oo ka tirsan Delhi. Waxaa haatan gobol walba oo dalkaas ka tirsan ka socda dadaallo lagu baadi goobayo laguna baarayo dadka ka qeyb galay isu imaatinkaas, iyadoo ay sii kordheen kiisas ka Covid-19 ee lala xiriirinayo in kullankaas oo ka sii faafay. Subixii Khamiista, warbaahinta Hindiya ayaa tirada kiisaskaas ku sheegtay inay gaarayaan 389.

Baaxadda ururka halkey gaarsiisan tahay?

Tabliiq Jamaat hadda waa dhaqdhaqaaq diim eed oo caalmi ah, wuxuuna taageerayaal ku leeyahay in ka badan 80 dal, oo ay ku jiraan Indonesia, Malaysia iyo Mareykanka.

Jamaat ayaa hadda xarumo waaweyn ku leh dal walba oo uu ka howlgalo, balse saldhi ggiisa weyn wuxuu ku yaallaa Delhi.

Waa dabaq ku yaalla Nizamuddin, oo ah meel ay ku badan yihiin Muslimiinta kuna taalla Delhi. Saldhiggan wuxuu ka kooban yahay masaajid iyo qolal qaadaya ilaa 5,000 oo qof.

Ururka Jamaat ayaa sidoo kale isu imaatinno ballaaran ku qabta dalal kale.

Dalka Bangladesh, waxay ku qabtaan isu soo bax loogu magac daray Biswa Ijtema oo la rumeysan yahay inuu yahay isu soo baxa lab aad ee ugu weyn ee Muslimiinta marka laga soo tago Xajka.

Ururka waxaa sidoo kale taageerayaal u ah shakhsiyaad caan ah oo ka soo jeeda Koofurta Aasiya.

Taageerayaashooda waxaa ka mid ah xub no ka tirsa kooxda kubbadda gacanta ee Paki stan, sida xiddigaha Shahid Afridi iyo Inzamam ul-Haq. Cayaaryahanka kubbadda gacanta ee Koofur Afrika Hashim Amla ayaa sidoo kale taabacsan kooxda.

Madaxweynayaashii hore ee Pakistan, Far ooq Legari iyo Mohammed Rafiq Tarar ayaa si doo kale la rumeysan yahay inay taageerayaal u yihiin kooxda, halka madaxweynihii hore ee Hindiya Dr Zakir Hussain lala xiriirin jiray urur ka.

Nin jebiyey amar guri-joog ah oo toogasho lagu dilay

Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa toogasho lagu dilay kadib markii lagu eedeeyey inuu jebi yey amarka guriga-joog ah, ee looga gol leey ahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Jimcaha sheegay booliska iyo sharci-dejiye.

Nigeria ayaa soo rogtay tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan magaalooy inka waa weyn oo la go’do omiyey, si la isugu dayo in la xakameeyo fayruska, oo dalkaas ku saameeyey 184 qof, oo laba ka mid ah ay u dhinteen.

Joseph Pessu, oo deganaa M/shidaalka la ga soo saaro ee Warri ee G/ Koonfureed ee Delta, ayaa waxaa Khamiistii dilay askari ka mid ah ciidanka Magaalada loogu daadiyey inay dhaqan-geliyaan amarka guiga-joog ah.

"Dhacdadan waxay dhacday Dorraad xilli ay dhallinyaro banaan-baxayeen,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska gobolka Onome Onowakpoyeya oo la hadlay AFP.

Dhallinyaro careysan ayaa jidadka ku gub ay taayaro, balse booliska ayaa dib u soo cel iyey xasiloonida, sida uu sheegay. Bayaan oo uu goor dambe oo khamistii ahayd soo saaray, ayaa sharci-dejiye matala deegaanka waxa uu ku cambaareeyey dhacdadan, wuxuuna ku ba aqay in la maxkamadeeyo kuwa gaystay.

"Kuwa sharciga u oggolaaday siiyey inay hu bka qaataan si ay u difaacaan qaranka, waa in ay fahmaan in tani ay la socoto mas’uuliyad, gaar ahaan marka nolosha bani’aadamka ay ta hay mid aad u qiimo badan,” ayuu yiri Senator Senator Ovie Omo-Agege.

"Dilka ka dhacay Warri…waa mid xitaa had dii hal uu yahay aad u badan, sababtoo ah arir ntan ma ahayn inay hoggaamiso, wax aniga fikir ahaan ay ila tahay inuu ahaa dil ka baxsan sharciga.”

Waxa uu intaas ku daray inuu maqlay in askariga dilay Pessu la xiray. Wuxuu ku baa qay baaritaan dhameystiran iyo ciqaabta qof kasta oo mas’uul ka ahaa.

 

Somaliland oo u hanjabtey Odayaal ka hadley wada-hadallada DFS & Somaliland

Wasiir kuxigeenka W/arrimaha Dibadda So omaaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiig san doonaan Odayaal dhamaqamEed ka had ley in dib loo bilaabo wada-hadalladii DFS iyo Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Odayaal dha qameed iyo dad kale oo inta badan ka gudba xeeyndaabka dhaqanka,sidoo kalena ka hadla Arrimaha Soomaaliland,hayeeshee qadiyadda soomaaliland uusan go’aan ka gaari karin Od ay Dhaqameed.

Waxaa uu sheegay in cid kasta oo ka had asha arrimaha wada-hadallada ay tallaabo ka qaadi doonaan,sidoo kale uu sheegay in DFS ay wado qorshooyin ay danahooda ku marsii nayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dad kale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo arrimaha Soomal ailand iyo DFS ay tahay wa da-hadal,isla mark aana meel kasta oo lagu gelayo ay diyaar u yihiin.

Dad ku xayiran xadka Jabuuti iyo Somaliland

Shacab u dhashay dalka Jabuuti ayaa ka cawday dhibaata ku haysata magaalada Low yacadde ee xadka ku taallo oo ay maalmo ku go’doonsan yihiin.

Dadka cabanaya oo u badan dumar oo ku xayiran magaalada xuduudeedka Lowyacadde oo ganacsi u aaday dhinaca Somaliland ayaa dwladda Jabuuti ka codsaday iney dhibaatada haysata degdeg wax uga qabtaan oo loo oggo laado iney dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Jabuuti wax ay dalkeeda kaga dhawa aqday banddow 2 toddobaad soconayo si loo ga hortaggo faafidda Covid-19.

"Waxaan imika ku suganahay muddo shan habeen ah iyo shan dharaarood ah xadka Lo owya cadde,warna ma heyno madaxda reer Ja buuti waxaan leenahay, nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishiin oo aad noo timaaddiin oo aad na aragtiin oo wax na weydd iisiin, maxaad u diideen oo inoo dhageysaney saan” waxaa sidaas tiri, Sucaado Daahir Jaam ac oo ku xayiran xadka Loowya-Cadde xilli ay BBC-da la hadleysay.

Dalka Jabuuti dadka uu cudurka Coronavirus ku dhacay waxay gaareen 40 qof iyada oo 2-di qof ee ugu horreysay ee laga helay cudurka ka bogsatayna laga fasaxa xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.

Tirada Soomaalida uu Yurub ku diley Cudurka COVID 19

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Corona virus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya wax aa xanuunkan ugu geeri yooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iya da oo ay tobannaan kal ena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarugay dowlado ay ka mid tahay dowladda Sweden oo billowday barnaamijyo si toos ah loogu wac yigelinayo Soomaalida halista faafitaanka cud urkan.

Dadka Caanka ah ee Soomaalida ee Yurub ugu geeriyoodey Coronavirs ayaa waxaa ka mid ah R/W Somaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka C/dir Maxamed Faarax (Biriq) iyo dad kale.

Puntland oo beenisey warar laga faafiyey qarixii Garoowe

Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland Cabdi Waaxid Cabdulle Muuse ayaa beeniyey warar lagu baahiyey Baraha Bulshada,kaas oo lagu sheegay in askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu isku qarxiyey Guddoomiyihii G/Nu gaal ee ku dhintey qarixii ka dhacay Garoowe.

Waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid sal iyo raad midna aanan laheyn,isla marka ana dadka baahiyey ay yihinin kuwo doonaya inay ku ciyaaraan Sharafta Puntland.

Afhayeenka oo uu garab taagnaa askarigii la sheegay ina uu is qarxiyey ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Puntland ay yihiin uwo u taagan difaaca Puntland sidoo ka lena Shacbaka looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan.

Si kastaba qarixii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay M/Garoowe ayaa waxaa ku dhintey guddoomiyihii G/Nugaal Cabdi Sala an gu’jir,waxaana mas’uuliyada qaraxaas shee gtay Al-Shabaab.

Dowladda oo ka digtay in la qarsado Cudurka Coronavirus

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini ayaa sheegay in Soomaaliya laga helay 5-Qof oo qabta Corona Virus, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo Da lka oo dhan.

Dr; C/rizaaq Yuusuf Axmed (Jalaalu-diin) oo xubin ka ah Guddiga sare ee Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa Bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay in aysan qarsan haddi ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoo sheegay inuu ka baqdin qabo in uu Dalka ku Laba qarxo ma addaama ay Dadka qaarkii qarsanayaan.

"Wuu jiraa xanuunka ha inkirin, Dadka ka il aali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qor walbana ku dhici kara, waa farrinta aan kecelnahay inaan Dadka la wadaagno, ayuu yiri Dr, Cabdi rizaaq.

Wuxuu Dadka ugu baaqay inaysan ka baqin xanuunka, kuna daydaan sida ay Bulshada ca alamku u soo bandhigaan, wuxuuna baaq u dir ay Dadka isaga shakiyay ama ay tuhmayaan ee ku sugan Guryahooda iyagoo ka baqaya in la takooro macna qaldanna ka aaminsan.

D/Somaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dad ka qaba Cudurka Corona virus ka hirgelisay Is bitaalka Martiini ee M/Muqdisho, waxanay ho wl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bul dhada inay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimadka ee Dalka

Erdogan oo amray in aysan guryaha kasoo bixin dadka ka yar da’da 20 sano

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku soo rogay bandow qayb ahaan ah muwaaddiniinta da’doodu ka yarta-hay 20 sano taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynaayo faafitaanka Cudurka cor-onavirus-ka.

Bandowga khasabka ah ayaa la fu-liyay saqdii dhexe ee xalay ka dib markii Er-dogan uu jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay in la xiro xuduudaha 31 magaalo isku socodka gaadiidka dadweynaha marka laga reebo kuwa wadda Qorshayeyaasha muhiimka ah.

Magaalooyinka bandowga lagu soo rogay waxaa ku jira Ankara iyo Istanbuul.

"Waxaan go’aansanay in aan ban-dooga qeyb ahaan dhaqan galino dadka ka yar da’da 20 sano illaa saqda dhexe ee jimc-aha,” ayuu yiri Erdogan.

"Xiritaanka xuduudaha magaalada ay-aa dhaqan galaya 15 maalmood . Si kastaba ha noqotee, muddadan waa la kordhin karaa haddii loo baahdo,” ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa’id.

Turkiga ayaa horay dadka da’dooda ku weyn tahay 65 Sano ku amray in aysan guryaha kasoo bixi karin.

Tiradda uu sameeyay Corona dalka Turkiga waa 20,921, tiradda dhimashada waa 425 tirada ka bogsatay waa 484.

Wasiir Oomaar” Si shuruud la’aan ah ha lagu joojiyo dagaalka duleedka Kismaayo”

Dowladda Soomaaliya ayaa markale dalbatay joojinta dagaal beeleedka Duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sh-eegay in dowlada dhexe iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ay dalbayaan in dagaalka la joojiyo.

Waxaa uu ugu baaqay dirirta sokeeye ee ka taagan duleeedka Kismaayo, in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo co-laadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daa-danaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

Wasiir Oomar ayaa ugu baaqay wax-garadka iyo odeyaasha dhaqanka deegaan-nadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhi-igga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal markale ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Maalmihii lasoo dhaafay waxaana ku guuldareystay joojinta dagaalkasi maamulka Jubbaland.

 


 


SOOMAALIYA

 

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

 

ORACLE

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LAGA HELAY in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

 

Oracle International Corporation, a corporation organised and existing under the laws of California, U.S.A. of 500 Oracle Parkway, Redwood City, California 94065, United States of Americ

 

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

 

Cilmiga, nafaqaynta, sahaminta, sawir qaadista, shaleemada, indhaha, miisaamida, cabirka, calaamadaynta, hubinta (kormeerka), badbaadinta nafta iyo qalabka wax lagu baro; qalab iyo qalab loogu talagalay qabashada, wareejinta, beddelashada, aruurinta, nidaaminta ama xakamaynta korantada; qalab loogu talagay duubista, gudbinta ama dhalinta codka ama sawirrada; sideyaasha xogta magnetic, cajaladaha duuban; makiinadaha iibinta tooska ah iyo farsamooyinka aaladda qadaadiicda ku shaqeeya; diiwaangelinta lacagta, mashiinada xisaabinta, qalabka macluumaadka iyo kumbuyuutarrada; Qalabka dab-bakhtiinta; qalabka kombiyuutarka, kombiyuutarka kombiyuutarka, qalabka kombiyuutarka; adeegyada kumbuyuutarka, adeegyada waxbarashada iyo la-tashiga ee kambuyuutarka.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsi kasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee lagu sheegay ama ku dayacanaysa ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay

 


MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA CIYAARYAHAN SICIID DUCAALE.


Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halye eygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacs iyeyay geeridan xanuunka badan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marx uum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee guda ha iyo dibadda.

"Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicu un. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Duc aale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bah da Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.”

Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.


LAACIBKII KOOXDA HORSEED FC IYO XULKA QARANKA SOOMAALIYA SICIID DUCAALE OO YEMEN KU GEERIYOODAY


Laacibkii hore ee kooxda Horseed FC ee horyaalka dalkeenna iyo xulka qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale ayaa ku geeriyooday magaa ladda Cadan dalka Yemen, halkaas oo uu ku xanuusanaa muddooyinkii ugu dambeeyay

Aaska marxuumka ayaa Shalay ka dhacay masaajidka Al-ixsaan, ee xaafadda Tawila ee M/Cadan, halkaas oo boqolaal muslimiin ah ay kula tukadeen salaadda jinaasada. Wuxuu ahaa 73-jir.

Allaha u naxariistee marxuum Ducaale oo ka mid ahaa ciyaarto oyda ugu wanaagsan qaaradda Africa iyo dalalka carabta wuxuu ku dhashay magaaladda Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1947, wuxuu muddo 10-san adooda ahaa laacibka ugu sarreeya horyaalka K/cagta Soomaaliya.

C/caziiz Xaaji Gifin oo ka mid ah aa laaciibiintii kooxdii FIAT oo ay Sic iid Ducaale isku xilli ahaayeen ayaan HOL u sheegay inuu ahaa laa cib ay ka cabsan jiraan dhammaan koo xaha ka soo horjeeda.


"Siciid Ducaale iyo Ismaaciil Girille waxay ahaayeen labada ciyaary ahan ee ugu laacibsanaa Soomaaliya, gaar ahaan Siciid wuxuu ahaa nin laga cabsado, haddii uu heli lahaa fursad uu dibadda uga ciyaaro isaga ayaa Shalay ka caansanaan lahaa Maradona" ayuu yiri C/caziz Giftin."Siciid Ducaale wuxuu ahaa laacib weyn, wuxuu ahaa nin aan loo babac-dhici karin, markii aan la ciyaareyno aniga yaa raaci jiray, laakiin wuxuu ahaa laacib xirfaddiisu aad u sareyso" ayuu Shabakadda Hano olaato u sheegay Axmed-nuur Maxamed Xaashi (Sayga Ruushka) laac ibkii hore ee kooxda Jeenyo.

Cayaarahaan Axmednur M. Xaashi (Seyga Ruushka) oo ka warbixi naya Saciid Ducaale Guulihii ugu caansanaa ee Siciid Ducaale waxaa ka mid ahaa inuu kooxda Horseed keenay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA sanadkii 1972, wax aana 2-1 koobkii ku qaaday kooxda Luo Union ee dalka Kenya. CIyaar taas kaddib, waxaa Siciid Ducaale loo magacaabay ciyaaryahanka san adka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee 1971-1972 (CECAFA best player of the Year).

Wuxuu ahaa ciyaaryahan mucjiyo ku ahaa gool dhalinta, gaar aha an laadka xorta ah ee Free-Kick, iyadoo taageereyaashu ugu yeeri jir een (Boqorkii kubadda cagta) ama Maliku alKura, waana ciyaaryahan xushmo weyn looga hayo Africa iyo Carbta intaba.

Soomaaliya kaddib, Siciid Ducaale wuxuu markii dambe u ciyaaray ko oxda Zamaleh SC ee dalka Masar iyo kooxda Al-Jazira ee dalka Imaark aadka Carabta, in kastoo dhaawacyo la soo gudboonaaday aawadood uu wakhti kooban la qaatay kooxahaas.

Markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu Cadan ka noqday macallin dhiga waxbarashada jirdhiska. Sidoo kale wuxuu Tababare iyo wakiil u noqday kooxda ugu faca weyn ciyaaraha dalka Yemen ee Al-tilal FC.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Hiiraan Online
fblue@hiiraan.com

 

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka iyo Howladeennada Wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoysk Ma rxuum,Bahda sportiga iyo dhammaan ba ummadda soomaaliyeed, iyagoo ugu tacsiyadeyana Geerdii ku timid Laacibkii kooxda qaran ka soomaaliyeed iyo naadiga horsed ee dalkeenna Marxuum SACIID DUCAALE oo Dorraad ku geeriyooday Magaalda Sanca ee dalka yeman waxaana maamulka howladdenada wargeyskani alle ugu baraya yaan inuu Marxuumka saciid ducaale uu jannada Fardowaza ka waraabiyo ehelka iyo axsabta uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin

INAA LILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJICUUN



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip