Dowladda Canada oo magangalyo siisay Wiil Soomaali ah oo qaab dabaal ah ku galay dalkaasi.

0
Thursday October 01, 2015 - 10:02:48 in Wararka by
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Canada oo magangalyo siisay Wiil Soomaali ah oo qaab dabaal ah ku galay dalkaasi.

    Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa qaab dabaal ku galay dalka Canada isagoo ka baxay dalka Mareykanka waxaana laga aqbalay in qaab magangalya doon ah uu ku joogo dalkaasi Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa qaab dabaal ku galay dalka Canada isagoo ka baxay dalka Mareykanka waxaana laga aqbalay in qaab magangalya doon ah uu ku joogo dalkaasi Canada.


Golaha socdaalka ee Canada ayaa waxa ay dhagesteen su’aalo way waydiiyeen sida uu uga jawaab celiyay Yaxye Samatar oo 32-sano jir ah waxaana loo sheegay in uu qaab magangalyo ah kujoogi karo gudaha wadankaasi Canada.

Samatar ayaa mudo sanad ka badan ku sugnaan kara dalkaasi Canada waxana awood u leeyahay in xaaskiisa iyo caruurtiisa uu geeyo wadankaasi.

Samatar ayaa ka baxsaday gacanta Al-shabaab isagoo Soomaaliga uga howlgalaayay arimaha xaquuqda aadamaha.

Waxa Samatar safarka ka bilaabay dalka Soomaaliya uu ka tagay waxana uu gaaray Brazil,kadib keenta Colombia waxana kadib uu sii amba baxay wabiga mara Mareykanka iyo Canada.

yahya-samatar





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip