Amb Gelle:" waan bogaadinayaa heerka deyn cafinta Soomaaliya ay soo gaartay"

0
Thursday March 26, 2020 - 18:35:30 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb Gelle:" waan bogaadinayaa heerka deyn cafinta Soomaaliya ay soo gaartay"

    Waan ku bogaadinayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka ay soo gaarsiisay geeddiga deyn cafinta Soomaaliya, oo maanta jooga heer dhiirri gelin leh. Way ku mahadsan tahay xukuumadda hadda jirtaa dadaalka weyn ee ay galisay howshaas waxtarka u l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan ku bogaadinayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka ay soo gaarsiisay geeddiga deyn cafinta Soomaaliya, oo maanta jooga heer dhiirri gelin leh. Way ku mahadsan tahay xukuumadda hadda jirtaa dadaalka weyn ee ay galisay howshaas waxtarka u leh mustaqbalka dhaqaale ee dalkeenna. Waxaan kaloo bogaadin mudan xukuumadihii tan ka horreeyay oo howshan soo bilaabay meel wanaagsanna soo gaarsiisay. Mahadda ugu weyn waxaa mudan shacabka Soomaaliyeed oo kaalinta ugu wayn, lagama maarmaankana ah ku lahaa in la soo gaaro heerkaan. Lama yimaadeen halkaan haddii aysan canshuur bixin. Waliba marka lagu badiyo sabrin si dowladdu u fuliso shuruudaha hay'adahaas oo aan naxariis badnayn mararka qaar. Sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa hay'adaha IMF iyo World Bank oo ay shaqaalahoodu waqti galiyeen howshaan. Waxaan aad ugu baahnayn taageeradooda, caawinta ay noo waydiiyeen dalalka daynta nagu leh. Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay ku dadaasho fulinta shuruudaha ku gadaamman heerka aan gaarnay oo ay ugu hooreyaan ammaanka iyo xasilloonida, laga fogaado wax kasta oo keeni kara in dib loo laabto ama la gaari waayo halka la higsanayo. Sidoo kale, dowladdu waa in ay shacabka siisaa macluumaadka runta ah ee ku saabsan barnaamijkaan dayn cafinta, oo ay shaqadaan u aqoonsataa mid qaran oo ka horreysay, kana dambayn doonta, abaalkeedana loo hayn doono dhammaan intii ka soo qeyb qaadatay billow ilaa dhammaad. Sidaas darteed, waa in laga fogaado in shacabka la siiyo macluumaad qabyo ah ama la marin habaabiyay oo u horseedi kara niyad jab ama dhaawici kara rajadooda, rummaysashadooda iyo hankooda mustaqbalka. Dadaalka deyn cafinta wali waa qabyo, inta dhiman ayaana ka badan inta qabsoontay waxaanna rajeynayaa in aan si wada jir ah yoolkaas u gaarno inshaa allaah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip