Taiwan oo diiwaan galisay kiisas hor leh oo Caabuqa Coronovirus

0
Thursday March 26, 2020 - 18:28:14 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taiwan oo diiwaan galisay kiisas hor leh oo Caabuqa Coronovirus

    Toddoba iyo toban kiis oo cusub oo cudurka COVID-19 ah ayaa laga xaqiijiyay Taiwan maanta, taasoo ka dhigeysa wadarta guud 252 tan iyo markii uu cudurku bilaabmay, Xarunta Taliska Dhexe ee Cudurada faafa (CECC) ayaa sidaas sheegay. Dhamaan bukaann

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddoba iyo toban kiis oo cusub oo cudurka COVID-19 ah ayaa laga xaqiijiyay Taiwan maanta, taasoo ka dhigeysa wadarta guud 252 tan iyo markii uu cudurku bilaabmay, Xarunta Taliska Dhexe ee Cudurada faafa (CECC) ayaa sidaas sheegay. Dhamaan bukaannada cusub ayaa isugu jira sagaal rag ah iyo sideed dumar ah oo dhamaantood u dhashay Taiwan. Laba kamida Bukaanada maanta la xaqiijiyey in ay ku qaadeen 15 kale oo Dibedda ka yimid waxaana ay kala ahaayeen Arday iyo Haweeney 40 jir ah. Wadamada ay booqdeen waxay kala ahaayeen Mareykanka, Uk, New Zealand, Spain, Malaysia, Monaco iyo Mexico, sida uu sheegay guddiga CECC. Ilaa Khamiista lasoo dhaafay waxaa la xaqiijiyey 212 tirada guud ayaase ah 252 kiis. 29 bukaannada COVID-19 qaba ee ku nool Taiwan ayaa laga qaaday xaaladda karantiilka, halka labana ay u dhinteen. Kuwa kale wali waxay ku jiraan qolal karantiil ah laakiin dhammaantood waxay ku sugan yihiin xaalad deggan. Caalami ahaan, COVID-19 waxa uu ku dhacay 455,753 qof oo ku kala nool 176 wadan, oo ay kujiraan 81,285 gudaha Shiinaha, 74,386 gudaha talyaaniga iyo 65,174 gudaha Mareykanka, oo ay kudhowaad 20,740 u dhintey ilaa hada, sida lagu sheegay diiwaanka CECC. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip