Shirkadda Hormuud oo ku guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ee Taya-Wanaagga

0
Wednesday March 25, 2020 - 07:45:03 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Hormuud oo ku guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ee Taya-Wanaagga

    Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka howlgasha dhul ballaaran oo ku yaal Soomaaliya ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay oo Soomaali ah oo la siiyo shahaadada caalamiga ee Taya-Wanaagga (ISO CERTIFICATION) Qoraal ay soo saartay Shirkadda Isga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka howlgasha dhul ballaaran oo ku yaal Soomaaliya ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay oo Soomaali ah oo la siiyo shahaadada caalamiga ee Taya-Wanaagga (ISO CERTIFICATION) Qoraal ay soo saartay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka hadashay qiimaha ay leedahay shahaadadan caalamiga ah iyo welib arrimihii ay ku muteysatay shirkadda. Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Hormuud;

Maamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wadaago macaamiisha, saamilleyda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaadada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO 9001:2015.

Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjumaya in adeegyada shirkadda, sida: Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka, EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaamiisha, iyo hab-maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ah ee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan.

Aqoonsigan ayaa ah natiijadii ka dhalatay sideed sano oo dadaal ah oo ay maamulka shirkadda Hormuud iyo waaxyeheeda kala duwan u galeen ka mira-dhalinta guushan. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa hubin iyo kormeer joogto ah (Internal Audit) ay samaynaysay Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale Hayadda Halbeegyada Aduunka (International Standard Organization) ISO ayaa u soo dirtay xafiisyada shirkadda khubaro sameeya kormeero kala duwan (External Audit).


Dhammaan Kormeeradaasi shirkadda Hormuud way ku guulaystay, waxayna ku mutaysatay shahaadada Hab Maamulka Tayaysan (Quality Management System Certificate) ee ISO 9001:2015.

Muddadii ay jirtay shirkadda Hormuud waxay in ka badan 35 kun oo shaqo ka abuurtay guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya.

Marka laga reebo bixinta adeegyada isgaarsiineed, waxay shirkadda Hormuud mar waliba qayb ka tahay samafalka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada abaaraha, fatahaadaha, iyo u-gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto.

Ugu dambayn, Shirkadda Hormuud waxay sii wadi doontaa xasilinta himilooyinkeeda fog ee ku aadan iney noqoto isgaarsiinta ugu fiican geeska Afirca. Waxayna mar waliba u taagan tahay daryeelidda macaamiisheeda iyo in ay ugu adeegto habka ugu fiican uguna tayada wanaagsan.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip