Wararkii ugu dambeeyey Ciidanka Dowladda oo fuliyey howlgallo kala duwan

0
Tuesday March 24, 2020 - 11:14:32 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey Ciidanka Dowladda oo fuliyey howlgallo kala duwan

    Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay halkaasi weli ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay halkaasi weli ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir,waxaana howlgalka ay Cidiamada ka wadaan inta u dhaxeeysa deegaannada Janaale iyo Buufow. Dadka deegaanka Janaale qaarkood diidey in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Qalabka warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgalka maalintii labaad ay halkaasi ka wadaan. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyey,kadib markii shalay Gelinkii dmabe Gaadiid ay la socdeen ciidamada Dowladda lala eegtay qarax Miino oo khasaraha ka dhashay aan weli al ogeyn,hayeeshe ay Al-Shabaab sheegeen inay ku dileaen qaraxaasi 7 Askari. Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu sheegayaa in Ciidamada Dowladda oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM weli ay howlgalka wadaan,sidoo kalena mararka qaar la maqlayo rasaas ay ridayaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip