Ciidamo ka qeyb qaatey dagaal beeleedyo oo Xabsiga la dhigey

0
Tuesday March 24, 2020 - 11:11:52 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka qeyb qaatey dagaal beeleedyo oo Xabsiga la dhigey

    Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay wax ka qabteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb qaadan jirey dagaal beeleedyada. Waxaa uu sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay wax ka qabteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb qaadan jirey dagaal beeleedyada. Waxaa uu sheegay in inta aan xilka Taliyaha qeybta 60aad loo dhiibin ay jireen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo iyaga oo wata hubka Dowladda ka qeyb qadan jirey dagaal beeleedyada,hayeeshe arrintaasi la xakameeyey oo la sameeyey wacyi gelin dhinaca Ciidanka ah. Taliyaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay jireen Ciidamo ka dhega adeegay Amaro kasoo baxey saraakiisha Sar sare ee Ciidamada iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dagaalka Beelaha,hayeeshee ay Xabsiga dhigeen. Hadalka Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Ciidamada Dowladda ay si toos ah uga qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca meelo kamid ah dalka,iyaga oo wata hubka dowladda. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip