Mas'uuliyiin ku baxey deegaan ay ka jirtey Cabasho Maamul

0
Monday March 23, 2020 - 22:35:11 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin ku baxey deegaan ay ka jirtey Cabasho Maamul

    Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada GalMudug ayna wehliyaan Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ee Heer degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu horeeyey ee Maamulka Cusub ku gaaro meel ka baxsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada GalMudug ayna wehliyaan Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ee Heer degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu horeeyey ee Maamulka Cusub ku gaaro meel ka baxsan Magaalada Dhusamareb ku tagey Deegaanka Ceel-dheere oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb . Kormeerkan ayaa la xiriira sidii loo hagaajin lahaa Maamulka deegaankaasi iyadoo wadatashi mug leh lala sameynayo Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada . Xubnaha maamulka waxaa deegaanka Ceel-dheere Ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Deegaanka , Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo kaga xog waramey guud ahaan culeesyada wax ka qabashada u baahan waxaana goobtaasi ugu horeyn ka hadley Guddoomiyaha Ceel-dheere C/llaahi C/raxmaan Raage iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Dhamme Burhaan Axmed Rooble Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo isna Goobta ka Hadley ayaa Bulshada Deegaanka u diray Fariin Amniga la xiriirta, isagoo ka dalbadey Shacabku in uu la shaqeeyo laamaha Amaanka . C/casiis Aadan Afrax Xoghayaha Maamulka Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Caasimada Galmudug Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ugu dambeyn la hadley Bulshada Deegaanka Ceel-dheere waxa ayna u balan qaadeen inay ka shaqayn doonaa Horumarka Deegaanka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip