Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku raadjoogta dad la kulmay qof lagu sheegay cudurka Coronavirus

0
Monday March 23, 2020 - 22:30:08 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku raadjoogta dad la kulmay qof lagu sheegay cudurka Coronavirus

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka. "Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka. "Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama xiriir toos ah la sameysay arintaas wey socotaa waxaa naga kaalmeyneysaa WHO" ayay tiri wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiya Nuur Abiikar la hadashay BBCda. Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diyaaradda la saarna qofka laga helay cudurka ay gaareen deegaanno ka tirsan dalka. "Dabcan dadkii diyaaradda la soo raacay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfurta..waa la wada wacaya, waa la raadinaya , waxaa lagula talin doonaa inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan" ayay tiri Fowsiya . 16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba'an ku haya. Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haatan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip