Hir-Shabeelle oo ka digtey fatahaado markale ka dhaca deegaanada Maamulkaas

0
Monday March 23, 2020 - 22:00:13 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hir-Shabeelle oo ka digtey fatahaado markale ka dhaca deegaanada Maamulkaas

    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim(Daqare) ayaa sheegay in xilligaan ay jirto cabsi ku aadan in Wabiga Shabeelle uu fatahaad markale ka sameeyo deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim(Daqare) ayaa sheegay in xilligaan ay jirto cabsi ku aadan in Wabiga Shabeelle uu fatahaad markale ka sameeyo deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle. Wasiir kuxigeenka oo shir jaraa'id u qabtey Warbaahinta waxaa uu sheegay in dhawaan la guda geli doono xilli roobaad wabigana uu biyo badan keeni doono,isla markaana ay jiraan 51 Goobood oo Wabiga uu ka fatahi karlo,kuwaas oo ku yaalla laga soo bilaabo deegaanka deefoow ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Isaga oo sii hadlayey Wasiir kuxigeenka ayaa waxaa uu ku eedeeyey Hay'adda FAO in ay tartan furan u sameyn weysay Hay'adaha ku Shaqada leh ka hortegida fatahaadaha deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana ay keentey hay'addo ay madax ka yihiin dad aan kasoo jeedin deegaannada Hir-Shabeelle kana yimid deegaannada Galmudug iyo Koonfur Galbeed waa sida u dhigey. Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqaay Hay'adaha Caalamiga ah,madaxda Dowladda iyo Madaxda Hir-Shabeelle inay ka qeyb qaataan sidii looga hortegi lahaa fatahaad uu markale Wabiga Shabeelle ka sameeyo deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip