HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 23-MARSO-2020

0
Monday March 23, 2020 - 10:02:50 in Wararka by
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 23-MARSO-2020

    Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadley Arrimo muhiim ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Md.Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay Ca asimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriya dda Shacbiga ee Shiinaha ee Jamhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadley Arrimo muhiim ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Md.Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay Ca asimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriya dda Shacbiga ee Shiinaha ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Md.Qin Jian, waxaana uu kala hadlay xiriirka labo geesoodka ee labada dal u dhexeeya iyo horumarka laga sameeyay xakama ynta iyo ka hortagga faafidda caabuqa dilaaga ah ee "Corona virus". Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa wa xaa la iskula eegay iskaashiga dhinacyada kala duwan leh iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa si loo gaaro danaha wadaagga ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo Shiinaha, waxaa kale oo ay la falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka mahad celiyay taageerrada kala duwan ee Shiina ha u fidiyo Soomaaliya iyo hey'adaheeda dowladeed, isagoo bogaadiyay tabaruca adda bani'aadannnimo ee agabka caafim aad ee ay ku deeqeen hey'adaha Ma Yun iyo Alibaba wadamada qaaradda Afrika ee 54 dal ah si xad loogu yeelo faafidda Koro ona feyrus. Hey'adaha Ma Yun iyo Alibaba ayaa ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dhar ka ka hor tagga iyo walxo kale oo la gaar sii nayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dow ladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wad amadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo. Agabka oo ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka ka hortagga ah , 60,000 oo maaskaro ka hortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay Caas imadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla beri oo ah Isniin (23 Maarso) looga ka la daabuli doono agabkaasi wadamada Afrika sida la qorsheeyay.

WARGEYS MAREYKAN AH OO SOO JEEDIYEY TALADII UU NABI MUXAMED SCW BIXIYEY SI LOOLA DAGAALAMO CORONAVIRUS

Wargeyska Newsweek ee dalka Mare ykanka ayaa warbixin uu qoray ku ifti imiyey in dhaqaatiirta adduunka ay bilaabeen inay ku baaqaan taladii uu Ras uulka SCW uu sheegay 1400 sano ka hor, taasoo looga hortagayo cudurada faafa.

Arrintaan ayuu wargeyska ku sheegay ma qaal uu sameeyey cilmi-baare Mareykan ah oo lagu magacaabo Dr. Craig Con si dine, kaasoo sheegay in cudurka ka dila acay adduunyada ee Coronavirus uu ku qasbayo dowladaha iyo aaladaha warbaa hinta kala duwan inay bixiyaan talo sax ah oo ka caawineyso bulshada adduunka in ay wax ka qabtaan cudurkaan faafayo ee khatarta gelinayo aadanaha oo dhan.

Cilmi-baarahaas ayaa intaas ku daray, in Coronavirus dartiis ay sare u kacday ba ahida loo qabo talada khubarada darye elka caafimaadka iyo sidoo kale seynis ya hanada ku lugta leh daraasadaha cudur ada faafa iyo saameyntooda.

Cilmi-baarahaan Mareykanka u dha shay oo soo xiganayo Dr. Anthony Fossey oo ku takhasusay cilmiga difaaca Jirka iyo Dr. Sanjay Gupta, oo ah wariye dhanka ca afimaadka ayaa yiri "Joogteynta Nadaaf adda, karantiilnimada, ama ku-dhaqanka kala fogeynta bulshada, iyadoo la raj eynayo ka-hortagga faafidda cudurrada fa afa, waa tallaabada ugu waxtarka badan gaar ahaan waqtigaan hadda la joogo oo adduunyada la tacaaleyso Virus-ka cusub ee Corona”.

Considine, oo horey u qoray laba bu ug oo uu kaga hadlayey Islaamka ayaa la waydiiyey su’aal uu isku dayey inuu ka jawaabo oo aheyd "Ma taqaanaa cidda ku talisay nadaafad iyo karantiil marka uu dillaaco cudur faafa? wuxuu ku jawaabay isagoo leh ” Nabiga Islaamka Muxumed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee 1400 sano ka hor”.

Qoraaga ayaa hadalkiisa kusii daray "Inkastoo Nabiga Islaamka uusan aheyn khabiir dhanka arrimaha la xiriira cudurada dilaaga ah, haddana wuxuu bixiyey talo fiican oo looga hortagi karo faafitaanka cudurada faafa sida Virus-ka cusub ee Corona”.

Qoraaga ayaa sheegay in Nebi Muxa mmad SCW uu ku taliyay in laga fogaado kuwa cudurada faafa qabo si looga ilaaliyo kuwa caafimaadka qaba, sidoo kalo wux uu sheegay in Nabiga SCW uu ku boori yay aadanaha inay raacaan caadooyinka nadaafadeed ee maalin walba, taasoo aw ood u siineyso inay iska difaacaan cudurka isagoo soo daliishanayo dhawr xadiis oo la xiriira Nadaafadda.

Wuxuu intaas ku daray: "Nabi Muxa med SCW wuxuu yiri: Haddii aad maqa sho dhul gaar ah oo uu ku faafay cudurka Daacuunka ha gelina, balse haddii uu cu durka ku faafo meel aad joogto haka soo bixin, Wuxuu kaloo yiri: Kuwa cudurrada faafa qabo waa in laga ilaaliyaa dadka ka le ee caafimaadka qaba.”

Qoraaga oo sii wado su’aal is waydiinta ayaa yiri "Haddiiba uu qof xanuunsado, waa maxay talada uu Nabi Muxammad SCW ku taliyey in la siiyo dadka xanuus an? Qoraaga wuxuu ku jawaabay:

Runtii wuxuu ku dhiirigaliyey inay raad sadaan dhakhaatiir iyo dawo” wuxuuna qoraaga soo daliishaday Xadiiska uu Nab iga ka wariyey Usaama Bin Sharik ee uu ku yiri ” Acraabi ayaa saruulka ku dhahay "Rasuulkii Allow miyaan is daaweynaa?

Rasuulka ayaa yiri: Addoomihii Allow is daaweeya, Ilaahey ma keenin cudur illaa wuxuu u dajiyey daawo hal cudur maah ane, waxay Rasuulka ku dhaheyn waa kee cudurkaas, wuxuu ku yiri ” duqn imada”

Qoraaga ayaa sheegay in Nabiga Isla amku uu ahaa mid ay ka buuxdo Xikmad isku dheeli tireyso Iimaanka iyo Caqliga, wuxuuna sheegay in asbuucyadii lasoo dhaafay ay qaarkood arkeen in Salaadda kaligeed ay awood u leedahay inay dadka ka ilaaliso Coronavirus, iyadoo aan loo ho ggaansamin xeerarka aasaasiga ah ee go’doominta bulshada iyo karantiilka.

Dhammaadka maqaalkiisa ayuu qoraa ga ku sheegay inay mudan tahay in lagu daydo qisadii uu soo wariyey Tarmadi ee uu ku sheegay in Maalin uu Nabiga u yi mid nin reer baadiye ah oo Nabiga kala ta shanayey arrin ku saabsan hashiisa:

"Nin baa yiri, Rasuulkii Ilaahayow, hashe eda ma xiraa kadibna alle maku kalsoon aadaa, mise waa sii daayaa oo Alle ayaa ku kalsoonaadaa, wuxuu yiri: Xir ka dibna Alle ku kalsoonow”.

Qoraaga ayaa sheegay inkasta oo uu Nabiga Maxamed SCW ku taliyay in diinta ay tahay dastuur dhameystiran oo dhanka nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale ku booriyay in taxadarka lagama maarmaan ka ah la qaado si loo hubiyo xasilloonida, nabadgeliyada iyo wanaagga dhammaan.


Dil ka dhacay Gaalkacyo & howlgal ka socda

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil xalay Waqooyiga M/ Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa Golaha De gaanka Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Puntland.

Rag ku hubeysnaa bustoolado sida la sheegay ayaa waxaa ay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cu mar (Tinle) waxaa ay ku toogteen Bartamaha M/Gaalkacyo,iyada oo dhaawac culus oo soo gaarey uu Isbitaalka Gaalkacyo ugu geeri yoodey.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheeg een in raga hubeysnaa ee dilay Xildhibaan ka ay sidoo kale dhaawaceen askari ka tir san Ciidanka Puntland oo ku sugnaa aga gaarka halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo isla goobta ka baxsadey.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay ma s’uuliyada dilka xalay M/Gaalkacyo loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha de egaanka degmadaas,hayeeshee dilalka noocaas oo kale ah ayaa waxaa mas’uul iyadiisa sheegta Al-Shabaab.

Wararka saaka aan ka heleyno Gaal kacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciida mo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay wada howlgallo kala duwan oo ay ku ba adi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Sarkaal Shabaab

Saraakiisha Ciidamada DFS ee G/Sh/ hoose ku sugan, ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Shabaab. Sarkaalka la qabtay ayaa la sheegay in lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay duleedka deegaanka Jannaale, halkaasi oo ciidama da Xoogga dalka Dorraad dhaq dhaqaaq ay ka sameeyeen.

Saraakiisha hawlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtey Madaxii amniyaadka Al-Sha baab ee G/Sh/Hoose, kaas oo magiciisa ay ku sheegeen Xasan Suleyt oo loo yaqa ano (Xasan Ganeey).

Taliyaha Ciidamada dhulka C.xamiid Dir ir oo la hadlay Warbaahinta dowladda ay aa sheegay inay gacanta ku hayaan Sark aalkaasi.

Waxa uu sheegay xaaladda Jannaale & nawaaxigeeda inay tahay mid aad u wa naagsan, islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Somaliya si wanaagsan is ku dhex galeen Bulshada deegaanka. Al Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Cii dan ka wadaan deegaano hoostagga Jann aale, halkaasi oo ay doonayaan inay wee raro ku qaadaan.

Dhaqaatiir & kalkaaliyaal Caafimaad oo la geeyay Garoonka Aadan Cadde

Ka dib markii dowladda Somaliya mu ddo laba cisho ah ay fasaxday inay dalka soo galaan duulimaadyada Caalamiga ah, ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxa ay gaysay Garoonka Aadan Cadde kalkaaliy aal Caafimaad.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa ay ku sheegtay lii ska dalalka dadka ka yimaado la karantiili doono muddo 14 cisho ah.

"Iyada oo dowladda Federaalka Soomaali ya ay Dorraad ka qaaday xayiraaddii saar need duulimaadyada caalamiga ah muddo 2 maalmood ah ayay Wasaaradda Caa fimaadka & Daryeelka Bulshada waxa ay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah gey say garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaan aya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay u galiso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bila abanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.”Ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Dadka karantiilka la galin doono, ayaa waxa ay yihiin dadka ka yimaadaa dalalka hoos ku qoran.

Shiinaha

Yurub

Maraykanka

Koonfurta Kuuriya

Australia

Canada

Turkiga

Iiraan

Pakistan

Masar

Hindiya

Imaaradka Carabta

Malaysia

Sacuudiga

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay xubno ka tirsan xildhibaano ka soo horj eeday doorashadii Galmudug

Waxaa Shalay gaaray magaalada Dhu usamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hanna ankii Doorashada Gal mudug ee DFS garw adeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoorqoor. Wadah adalo todobaadyadii u dambeeyay socday Md.Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ay aa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada sal luugsanaa hannaankii doo rashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabad aha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaarad ka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana ka mid ah Xildh ibaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana Xildhibaannadan iyo Madaxweynaha Gal mudug ka wada hadli doonaan dardar geli nta dib u heshiisiinta, xalinta tabashooyin ka ka dhashay Doorashada, si iyadoo loo dhan yahay Munaasabadda caleema saar ka M/naha Galmudug looga qeyb galo. Xildhibaannadan ayaa Shalay Dhuusamar eeb kula kulmay Md.Qoorqoor, iyagoo ka la hadlay sidii looga shaqeyn dib u heshii siinta wixii tabasho ee ka dhashay doora shadana loo xalin lahaa.

C/rashiid Janan oo Axmed Madobe ugu tegay Dhoobley iyo ujeedka ka dambeeya

Wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warra mayaa in Shalay uu gaaray D/Dhoobley ee G/J/Hoose, halkaasi oo uu ku sugan ya hay madaxweyne Axmed Madoobe.

Janan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Dhoobley ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan D/G/Jubbaland iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta ee maamulk aasi.

Wararka ayaa sheegaya in wasiir Jan an oo baxsad ka ah DFS uu kulan la qaa dan doono madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyey abaabullo iyo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday G/ Jubbada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasim ada Online u sheegay in 2da mas’uul ay ka wada hadli doonaan dhaqaaqyqada ay wado Jubbaland iyo xaaladda guud ee gobolka Gedo.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay, Axmed Ma doobe shirar gaar gaar ah iyo abaabullo ka dhan ah dowladda uu ka waday Jubb ooyinka, halka Janan iyo ciidamo uu wat ayna ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xadka Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo wixii ka da mbeeyey dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo. Janan ayaa tan iyo markii uu ka baxsaday dowladda federaalka ah ku sugnaa M/Mandhera CAASIMADDA.NET

Mas’uuliyin kormeerey Xarun lagu kara ntiilo dadka uu soo rito COVID 19

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bu lshada iyo Wacyi galinta Maamulka G/ Ba naadir Marwo Basma Aamir Jakeeti ayaa Shalay kormeertay Xarunta Qaran Ee Hu binta Bedqabka Dadweynaha Halkaas oo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo Rito Cudurka COVID 19.

Maamulka G/Ban aadir ayaa Shalay xaruntaas geeyay shaqaale ka tirsan waaxda nadaafad da Dowladda Hoo se ee Xamar, kuwaas oo loo diyaariyay tababar ku saabsan Nadaafadda looga baahanyahay xarunta karaantiilka iyo sidii ay iska ilaalinaya halista cudurkaan.

Xaruntaan ayaa waxaa dhawaan sid oo kale booqasho ku tegay Ra’iisul Was aaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khyere iyo Xubno kale,iyaga oo ku ba aqay in la dar dar geliyo howlaha loogu adeegayo Shacabka.

Wasiirro & Xildhibaanno ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo u ambabaxay Baydhabo

Wafdi isugu jira Wasiiro, Senataro & Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa u ambabax ay M/ Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka K/G, halkaasi oo ay kula soo kulmi do onaan Madax weynaha Maamulkaasi.

Ujeedada safarka xubnahan ka socda Beelaha Hawiye ayaa waxa ay tahay sidii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Gal beed ay ugala soo hadli lahaayeen saami ga Beelaha Hawiye laga siiyay Kuraasta Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Beelaha Hawiye ayaa waxa ay si wayn kaga soo horjeedaan tirada xubnaha laga siiyay Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo si wayn ay u saluugeen.

Beelaha Hawiye ayaa Kuraasta Xildh ibaanada Baarlamaanka Maamulka Koon fur Galbeed waxa ay ku lahaayeen 20 Xu bnood, balse waxaa hadda laga siiyay kaliya 9 Xubnood.

Guud ahaan waxaa la dhimay tirada Xil dhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu soo koobay kaliya 95 Xildhibaan.

Lama oga waxa ay kala soo kulmi doon aan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen, xubnaha Beelaha Hawiye ee wax tirsanaya. Wafdiga ayaa waxaa hogg aaminaayo Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abu ukar Islow Ducaalle. Booliska Soomaaliya oo soo saarey digniin ku socota Ganacsatada

Shir Jaraa,id ee uu Shalay qabtay Tali yaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka boolis ka Soomaaliye ed Janeraal Cabdu ll aahi Xasan Bariise ay aa ku saabsanaa dign iin uu u diray Ganacsat ada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loo gu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalin ta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qa adi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.Hadalka ka soo baxay Hogaan ka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Cii danka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu kusoo aadey xilli dad badan ay walwal ka qabeen in maciisha kala duwan qiimahoo da ay Ganacsatada kordhinayaan inta lagu guda jiro ka hortaga Caabuqa Cor onavirus.

Guddoomiye Xaliimo Yareey oo soo sa artey go'aan ku saabsan doorashada Somaliya

Guddoomiyaha Guddiga madaxa ban naan ee doorashooyinka qaranka xaliima Ismaaciil Ibraahi (Xaliima Yareey) oo shir jaraa'id Warbaahinta u qabatay Shalay ay aa waxa ay labada gole ee Baarlaaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel garnim ada uga soo gudb aan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021.

Xaliima yarey ayaa waxa ay shee gtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyay ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah.

Waxa ay ugu baaqday golaha isku dhafka ah ee u xilsaaran sugidda amniga doorashooyinka dalka in ay diyaariyaan qo rshayaasha ay ku howlgalayaan ee sug idda amniga dorashooyinka.

Sidoo kale waxa ay shacabka Soo maaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaa taan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhi ika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

Q/Midoobey oo boggaadisay booqa shada Madaxweyne Deni ee Muqdisho

Xafiiska Q/Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa boggaadiyay booqashada la filayo inuu dhowaan magaalada Muq disho ku tago Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Qoraal kooban oo barta Twitter-ka ee UNSOM lagu qoray ayaa lagu sheegay inay ammaanayaan in Madaxweyne Deni uu booqdo Muqdisho, kuna faraxsan yihiin wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay shirkii Wadatashiga Puntland inay arrintan soo dhoweeyaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu shee gay inay sugayaan kulanka u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farm aajo, si loo sii hormariyo wada hadalada danaha guud.Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhowaan sheegay inuu booqasho ku tagi doono magaalada Muqd isho iyo xarumaha dowlad goboleedyada, si uu ugu gogol xaaro wada hadalo la fil ayo in Garowe ku yeeshaan Madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada, si looga arrinsado khilaafka labada dhinac.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa ku til maamay kaalinta uu ciyaarayo Madax weyne Deni ay tahay tii laga sugayay Mad axda dowladda Federaalka oo dhowr jeer hore Beesha Caalamka ugu baaqday inay bilowdo hannaan ay ku wada hadli karaan DFS iyo dowlad goboleedyada oo khilaafk ooda heerkii ugu xumaa gaaray.

Ku dhawaad 800 oo qof oo Hal Maalin u geeriyootey Cudurka Covid 19

Dadka Talyaaniga ku nool waxaa lagu soo rogay bandowga Gawaarida gaarka loo leeyahay ayaanan shaqeyneynin, gaa diidkii dadweynaha ayaa gabi ahaanba la joojiyay Suuqyada ayaa xiran Hadana waxa uu wali yahay wadanka ugu badan ee saameynta xooggan ku yeeshay Caa lamka.

Dalka Talyaaniga, tirada dhimashada coronavirus waxay gaartay 793 24 saac gudahood.

Tirada dhimashada cudurkan ayaa guud ahaan gaartay ilaa 4825 dalka Taly aaniga kaliya. Tirada dadka uu ku dhacay fayraska Corono ee ku nool Talyaaniga ayaa gaaraya 53,578.


Koonfur Galbeed oo ka hadashay Qar ax lagu dilay taliyihii Booliska Afgooye

Taliyihii Booliska D/Afgooye ee G/Sh/ Hoose Marxuum Abdikadir Nuurow ayaa ku dhintay qarax miino.

Qaraxa ayaa lagula eegtay degaanka Xaawa Ca bdi ee duleedka D/Af gooye.

G/G/Sh/Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqii jiyay geer ida taliyaha, waxaana uu sheegay in laam aha Ammaanka ay waddaan baaritaano.

"Alle ha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Bool iska D/Afgooye Captan Cabdiqaadir Cism aan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee Shalay ku shahiiday qarax argagixisa da ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen, ja nada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri G/G/Sh/Hoose.

Inta badan Saraakiisha maamulka K/Galbeed ayaa Qaraxyo Miino ah Al-Sha baab kula eegtaan G/Sh/Hoose gaar ahaa waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Puntland oo kasoo horjeesatay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu ka soo horjeestay hadalkii Shalay kasoo ye eray Guddiga doorashooyinka Qaranka ee lagu taageeray Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay 2da Aqal horey u ansixiyeen sidoo kale Ma daxweyne farmaajo uu saxiixey. Qoraal kooban oo kasoo baxey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka Guddoomiyaha Guddi ga doorashooyinka usuan aheyn hadal la gu taageerayo Sharciga doorashooyinka ee horey loo ansixiyey balse uu yahay mid lagu joojinayo dadalada ay Puntland wado

"Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo da daalada ay Puntland wado, laguna fashilin ayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-goo yo ah, marka laga soo tago warsaxaafad eedkii ay Wasiiradu qabteen ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Puntland.

Dhinaca kale Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa kamid ah Si yaasiyiinta kasoo horjeestey hadalkii Gudd oomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ee Shalay ku sheegtay inay taageersan tahay ansixintii Sharciga doorashooyinka.

Kenya oo ka hadashay weerar ay Al-Shabaab ka geysteen Gobolka lamu

Xubno la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerareen Xarun ku taalla deegaanka Milihoi,halkaas oo ay ku sugnaayeen Sha qaalo u dhashay dalka Shiinaha oo dhis mo ka waday inta u dhaxeysa Laamu ilaa Garsen,waxaana weerarkaas ka had ley bBooliska Keny a. Wargeyska The Standard Media ay aa daabacey in uu jiro dagaal dhex-marey Ciidamada Kenya oo Shaqaalaha ilaalin ayey in Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kaas oo aan weli la werin khasaaraha ka dha shay.

Taliyaha Boliska G/Ceebta ah ee Laa mu Moses Murithi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Shaqaalaha wad dada dhisayey,isla markaan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey Taliyaha in ay xaqiijin doonaan Amn iga Gobolka Laamu gaar ahaan Basaska Rakaabka oo dhowr jeer ay Al-Shabaab ku qaadeen weeraro khasaaro geystay.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay weeraro kala duwan ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooy Bari ee dalka Kenya

Munaasabada Maalinta Biyaha Addu unka oo laga xusay magaalada Jowhar

Munaasabad lagu xusayay maalinta Bi yaha Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biy aha Hirshabelle ayaa Shalay lagu qabtay M/Jowhar ee xarunta dowla G/Hirshabelle.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qey bgalay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Hirshabelle,xildhibaano,Maamulka G/Sh /dhexe, Maamulka degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay maalinta Biyaha ee 22 March ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Jowhar Ci smaan Maxamed Muqtaar,duqa M/Jowhar Saalax Muudey Cali,Kusimaha Guddoo miyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socotay Hirshabelle.

Waxaa ugu horeyn goobta ka hadalay guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar waxana uu sheegay in maamulkiisu uu dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada reer Jowhar u heli lahaaye en biyo nadiif ah

Ku simaha gudoomiyaha maamulka gobalka shebeelaha dhexe maxamed ca bdi sheekh ayaa waxa uu tilmaamay in lag ama maarmaan ay tahay dhamaan bulshada ku nool Hirshabeele gaar ahaan kuwa Sh/dhexe inay helaan biyo nadiif ah.

Ugu dambeyn Wasiirka cusub ee wasaar ada biyaha iyo tamarta dowlad gobaleed ka Hirshabeelle Saalax Maxamed Xasan, ayaa sheegay wasaaradiisa door weyn iney ka qaadan doonto helida biyo wana agsan, waxana uu sheegay inay si dhaw ula socdaan biyo la’aannta ka jirta deega ano badan oo ka mid ah dowlad gobol eedka Hirshabelle.

Sanad walba ayaa waxaa caalamka la ga xusaa maalinta Biyaha oo ah 22ka March iyadoo sanadkan ay ku soo began tay xilli biyo la’aan badan ay ka jirto dee gaano badan oo ka mid ah dalka Soomaa liya.

Sabrina Dhowre oo fayraska corona laga helay ayaa tiri "Ma Dooneyn inaan ka tago"

Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaac ay go'aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, wax ay u sheegtay bar naamijka cusub ee Opr ah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ "In ay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dare emaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryee sho"

Lammaanaha ayaa ku sheegay ware ysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga fili mkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

"Dhab ahaantii, Shalay ayaan ogaaday ina an qabo fayraska" ayey Sabrina ugu she egtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facet ime-ka Sabtidii.

"Go'aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go'aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto" ayay tiri Sabrina.

Sabrina oo ka hadlayey caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tiri "Ma dareemayo wax dadku ay filan laha ayeen, sida calaamadaha fayraska coro na, taasi oo ah wax la yaab leh"

Waxay sii raacisay "Laga yaabee in ay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labad eennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay".

Xaaska aktarka ayaa aad loogu dhali ilay in ay nafteeda ka dheerayn wayday Idris markii laha helay fayraska covid-19.


Museveni”Dalkeen lama ogola in la soo galo laga bilaabo 23-ka Maarso si looga hortago in cudurka coronavirus..”

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqda y in aan qofna loo oggolaan doonin inuu galo dalkeeda laga bilaabo 23-ka Maarso si looga hortago in cudurka loo yaqaan "co ronavirus” ku faafo waddankaan ku yaal Bariga Afrika.

"Waxaan go’aansanay inaan ka mam nuucno dhammaan diyaaradaha rakaabka ee ka imaanaya dalka dibaddiisa inay soo degaan garoomada diy aaradaha ee Uganda, di yaaradaha xamuulka oo kaliya ayaa loo oggol ya hay inay ka soo dagaan kana baxaan Ugaandha, ”ayuu yiri Madaxweyne Yoweri Museveni oo khudbad ka siidaayay telefishanka NTV-Uganda.

Museveni waxa uu intaasi raaciyay in gargaarka iyo gurmadka deg-degga ah ee ay leeyihiin QM.iyo hay’adaha kale ee gar gaarka loo ogolaan doono in ay ku dagaan garoomo loo cayimay.

Uganda Allah naxariistiisa wali ma dii waan gelin hal kiis oo fayraskan argagaxa leh. Si kastaba ha noqotee, waa inaan si wanaagsan u habeynnaa istiraatiijiyadda aan ka hortageyno cadowgan (COVID-19), ”ayuu yiri.

Hogaamiyaha Uganda wuxuu kaloo amar ku bixiyay in aan loo ogolaan karin qof u dhashay dalka Uganda ama ajnabi ah in uu soo galo dalka gudahiisa ama deked aha laga soo galo, marka laga reebo dar awalada gawaarida xamuulka ah ee sha qaalahooda waajib tahay inaysan dhaafin seddex qof.

"Basaska,Tax-yada yaryar, gawaadhi khaas ah, ama tagaasida mootooyinka loo ma oggolaanayo in ay dalka soo galaan,” ayuu yidhi Museveni.

Uganda waxa ay xuduud la wadaagtaa wadama Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuq raadiga ah ee Kongo (DRC), Tansaaniya, Koonfurta Suudaan, iyo Kenya. Qaar ba dan oo ka mid ah wadamaasi ayaa horey u soo sheegay kiisaska la xariira cudurka COVID-19

Haraaga sigaar la isticmaalay oo horse day in la soo qabto eedeysane 35 sano la raadinayay

Caddeynta hiddo-sidaha DNA oo laga qaa day sigaar la isticmaalay ayaa hors eeday in booliiska Florida ay soo xiraan nin looga sha kisanaa inuu dilay haw eeney 35 sano kahor.

Daniel Wells, oo 57 sano jir ah, ayaa lagu xiray Pe nsacola horraantii toddob aadkan isagoo loo haysto dilka Tonya McKinley. Ms McKinley ayaa 1-dii January sana dkii 1985 la helay meydkeeda oo ay ka mu uqatay in la kufsaday, waxayna ka tagtay hal wiil.

Kiiskeeda ayaa noqday mid aan la xa llin, balse booliiska ayaa sheegay in DNA laga qaaday xogta bulshada ay sababtay in Mr Wells lala xiriiriyo dilkeeda.

"Ma ogeyn in ay tani dhacayso," ayay tiri Renee oo ah Ms McKinley walaasheed. "Runtii uma maleyneynin inay tani dha cayso intaan noolahay, iska daa 35 ka dib."

Booliiska Pensacola ayaa sheegay in ay wareysteen saaxiibbadeed iyo qoyskee da. Booliiska ayaa sidoo kale la hadlay dad kale oo u dabaaldegayay Sanadka Cu sub oo ku sugnaa maqaayad ay markii u gu dambeysay joogtay haweeneyda la dilay oo xilligaas 23 jir ahayd.

Balse wixii ka horreeyay toddobaad kan, lama sheegin cidda looga shakisan yahay. "Inkastoo la hayay caddeymo, war eysi bandanna la qaaday haddana kiiska ayaa laga gaabiyay," ayuu yiri booliiska. "Isla xilligaas, wiil yar ayaa hooyo la`aan koray, waaliddin ayaana duugay gabadho oda, dilaa ayaana si xor ah isaga socona yay". Sidee ayay booliisku ku heleen eede ysanaha?

Guusha booliiska ayaa timid ka dib mar kii ay iyagoo ku hubeysan DNA ee laga qa aday meydka McKinley iyo agagaarka go obta lagu dilay ay barbar dhigeen xogta fu ran e dadweynaha ee caddeynta DNA-da. Xogta ayaa u horseeday booliiska Pens acola inay ay helaan dad dhowr ah oo la rumeysan yahay inay qaraabo fog la yihiin Mr Wells. Kaddib markii la ogaaday' baari taan dheer ayaa horseeday in lasoo qabto Mr Wells.

Booliiska ayaa dabagaly ka dibna DNA ka qaaday sigaar uu ka soo tuuray gaarigi isa.

Mr Wells ayaa lagu soo eedeeyay dara jada 1aad ee dilka iyo darajada 1aad ee kuf siga, waxaana lagu hayaa Xabsiga Escambia.

Madaxweynihii hore Kooxda K/cagta Real Madrid oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Madaxweynihii hore ee Kooxda kubada cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa ge eriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sano, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Lorenzo Sanz ayaa Isbitaal loola cararay Talaadadii la soo dhaafay, kaddib markii ay qabatay xumad, waxaana baaritaan lagu sameeyay kaddib lagu ogaaday in laga helay cudurka Coronavirus.

Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Real Madrid sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay labo jeer Koobka Champions League.

Cudurka Coronvirus ayaa adduunka oo dhan si safmar ah ugu faafay, iyadoo uu soo ritay kumanaan ruux, waxaana cudurkan uu sababay in adduunka oo dhan ay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii isu socodka duulimaadka, si looga hortago faafida cudurkan.

.


NEW YORK TIMES:-SHABAAB WAXAY DIYAA RINAYAAN WEERAR LA MID AH KII SEPTEM BER 11


Wargeyska New York Times ee Mar eykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shab aab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Ma reykanka ee Bariga Africa iyo gudaha Mareykanka.

Warbixin dheer oo wargeyska uu qoray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay qor sheyneyso weerar la mid ah kii Al-Qacida ay sanaddii 2001 ka fulisay Mareykanka, ayada adeegsaneysa diyaarado.

Dhowaan, laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo baranayey habka loo duul iyo diyaaradaha ayaa lagu kala xiray dalka Philippines iyo dal kale oo African ah, oo aan la shaacin weli, sida ay saraakiil sir doon u sheegeen New York Times.

Qofka lagu xiray Philippines oo la qabt ay bishii July 2019, ayaa la sheegay inuu ahaa dagaal-yahan Shabaab ah oo kasoo jeeda dalka Kenya, kaasi oo dhiganayey iskuul lagu barto duulimaadka diyaarada ha.

Booliska Philippines ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeysanaha oo la gu magacaabo Cholo Abdi Abdullahi la og aaday inuu internet-ka ka raadinayey arr imo ay ka mid yihiin "sida loo afduubto di yaaradaha” iyo sida loo helo "dokumentiyo been abuur ah”.

Xarigyada labada qof ayaa saraaki isha Mareykanka xusuusiyey dhacdadii September 11, markaasi oo kuwa wee rar ka fuliyey ay bilo ka hor shirqoolkooda gal een iskuulo lagu barto duulimaadyada.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabab ay isku dayeyso inay hesho gant aallada lidka diyaaradaha oo Shiinaha uu sameeyey, si ay ula beegsadaan diyaarda ha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale ee Mareykanka ee Soomaaliya.

"Al-Shabaab waxay halis dhab ah ku tahay Soomaaliya, gobolka, beesha caal amka iyo xitaa dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM, Jeneral Stephen J. Townsend.

Sirdoonka Mareykanka iyo Reer Gal beedka ayaa sidoo kale walaac ka muuj iyey in Al-Shabaab ay halis gelin karto sha qaalaha 3,500 ah ee Pentagon-ka Marey kanka uu ku leeyahay Jabuuti, iyo sidoo kale maraakiibta ku safarta marinka Baab Al-Mandab. Hay’adda Sirdoonka Ciidamada Mar eykanka ayaa Pentagon-ka u sheegtay in inkasta oo fursadda Al-Shabaab ay weerar uga fulin karto gudaha Mareykanka ay yar tahay, haddana kooxda ay caddeysay in qorshaheedu sidaas yahay.

Mid ka mid ah halisaha muuqda ayaa ah in Al-Shabaab ay adeegsato qaar ka mid ah dhallinyarada la xagjireeyey ee bul shooyinka Soomaalida Mareykanka ee ku nool magaalooyinka Minneapolis iyo Colu mbus .

Mid kale waxay noqon kartaa in duu liyayaasha ay Al-Shabaab tababareyso ee Bariga Africa ay qaarkood soo geli karaan Mareykanka, taasi oo ka adag sidii ay sam eeyeen kuwii fuliyey weerarkii September 11 2001, balse weli dhici kartaa.

Si kastaba halista Al-Shabaab ay ku hay so Mareykanka, waxay hadda xooggeeda taallaa Bariga Africa, ayaa lagu yiri war bixinta.

Halistaas ayaa ku qasabtay in Jeneral Townsend uu bishii November abuuray u nug gaar ah oo qaabilsan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabab oo gaaraya 100 as kari, iyo tax liiliyayaal ay diiraddoodu tahay adkeynta amni ga Soomaaliya iyo ka hor-tagga Al- Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip