Puntland oo kasoo horjeesatay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka

0
Sunday March 22, 2020 - 20:47:48 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo kasoo horjeesatay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka

    Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kasoo horjeestay hadalkii Maanta kasoo yeeray Guddiga doorashooyinka Qaranka ee lagu taageeray Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay labada Aqal horey u ansixiyeen sidoo kale Madaxweyne farmaajo uu saxiixey. Qoraal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kasoo horjeestay hadalkii Maanta kasoo yeeray Guddiga doorashooyinka Qaranka ee lagu taageeray Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay labada Aqal horey u ansixiyeen sidoo kale Madaxweyne farmaajo uu saxiixey. Qoraal kooban oo kasoo baxey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka usuan aheyn hadal lagu taageerayo Sharciga doorashooyinka ee horey loo ansixiyey balse uu yahay mid lagu joojinayo dadaalada ay Puntland wado. "Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen ayaa lagu yiri" Warka kasoo baxay Puntland. Dhinaca kale Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeestey hadalkii Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ee Maanta ku sheegtay inay taageersan tahay ansixintii Sharciga doorashooyinka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip