Xildhibaano kasoo horjeeday doorashadii Galmudug oo sheegay in xal la gaarey

0
Sunday March 22, 2020 - 20:45:32 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano kasoo horjeeday doorashadii Galmudug oo sheegay in xal la gaarey

    Magaalada Dhuusamareeb e Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa gaarey wafdi Xildhibanao ah oo kamid ah Xildhibaannada kasoo horjeedey doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey. Xildhibaannadaan ayaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb e Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa gaarey wafdi Xildhibanao ah oo kamid ah Xildhibaannada kasoo horjeedey doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey. Xildhibaannadaan ayaa waxaa ay kala yihiin,Xildhibaan Mahad Salaad,Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye iyo Xubno kale,kuwaas oo sheegay in xal laga gaarey khilaafkii jirey. Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in u jeedka Dhuusamareeb ay u tageen ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa wada-hadallo socdey oo ku saabsanaa xal ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada Galmudug iyo tabashadii ay ka qabeen. Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in inta badan xal laga gaarey arrimihii jirey,isla markaana ay go'aansadeen inay u tanaaslaan Shacabka deegaannada Galmudug si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deegaanka. Ugu dambeyn Xubnaha Xildhibaannada ah ee Maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip