Al-Shabaab oo weerar ka fulisay dalka KENYA iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Sunday March 22, 2020 - 17:06:55 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weerar ka fulisay dalka KENYA iyo wararkii ugu dambeeyey

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu dagaal xigay oo saacadihhii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku qaaday dalka Kenya. Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dhacay waddada isku xirta Lamu iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu dagaal xigay oo saacadihhii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku qaaday dalka Kenya. Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dhacay waddada isku xirta Lamu iyo deegaanka Garsen. Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa halkaasi uu weerarka kadib, dhex-maray iska hor imaad muddo socday.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu Moses Murithi oo la hadlay warbaahinta maxaliga Kenya ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday shaqaalo dhismo ka waday jidka dheer ee isku xira Lamu iyo deegaanka Garsen.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayey dhismaha waddada ay ka hortageen weerarkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay kordhin doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, islamarkaana ay kor kala socon doona gaadiidka isaga kala goosha gobolka Lamu, si looga hortago weerarada qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah labada dhinac ka soo gaaray weerarka iyo dagaalka ka horreeyey.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gudaha dalka kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip