Dhaqaatiir & kalkaaliyaal Caafimaad oo la geeyay Garoonka Aadan Cadde

0
Sunday March 22, 2020 - 16:54:21 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaatiir & kalkaaliyaal Caafimaad oo la geeyay Garoonka Aadan Cadde

    Kadib markii dowladda Somaliya muddo laba cisho ah ay fasaxday inay dalka soo galaan duulimaadyada Caalamiga ah, ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxa ay gaysay Garoonka Aadan Cadde kalkaaliyaal Caafimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii dowladda Somaliya muddo laba cisho ah ay fasaxday inay dalka soo galaan duulimaadyada Caalamiga ah, ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxa ay gaysay Garoonka Aadan Cadde kalkaaliyaal Caafimaad.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa ay ku sheegtay liiska dalalka dadka ka yimaado la karantiili doono muddo 14 cisho ah.

"Iyada oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay ka qaaday xayiraaddii saarneed duulimaadyada caalamiga ah muddo 2 maalmood ah ayay Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada waxa ay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah geysay garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay ugaliso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.”Ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Dadka karantiilka la galin doono, ayaa waxa ay yihiin dadka ka yimaadaa dalalka hoos ku qoran.

  1. Shiinaha
  2. Yurub
  3. Maraykanka
  4. Koonfurta Kuuriya
  5. Australia
  6. Canada
  7. Turkiga
  8. Iiraan
  9. Pakistan
  10. Masar
  11. Hindiya
  12. Imaaradka Carabta
  13. Malaysia
  14. Sacuudiga
  15. Koonfur Afrika



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip