Wasiiro & Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo u ambabaxay Baydhabo

0
Sunday March 22, 2020 - 16:31:30 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro & Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo u ambabaxay Baydhabo

    Wafdi isugu jira Wasiiro, Senataro & Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay kula soo kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi isugu jira Wasiiro, Senataro & Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay kula soo kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulkaasi.

Ujeedada safarka xubnahan ka socda Beelaha Hawiye ayaa waxa ay tahay sidii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay ugala soo hadli lahaayeen saamiga Beelaha Hawiye laga siiyay Kuraasta Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

             Beelaha Hawiye ayaa waxa ay si wayn kaga soo horjeedaan tirada xubnaha laga siiyay Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo si wayn ay u saluugeen.

                 Beelaha Hawiye ayaa Kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ku lahaayeen 20 Xubnood, balse waxaa hadda laga siiyay kaliya 9 Xubnood.

               Guud ahaan waxaa la dhimay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu soo koobay kaliya 95 Xildhibaan.

                    Lama oga waxa ay kala soo kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen, xubnaha Beelaha Hawiye ee wax tirsanaya.

           Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip