C/rashiid Janan oo Axmed Madobe ugu tegay Dhoobley iyo ujeedka ka dambeeya

0
Sunday March 22, 2020 - 16:24:16 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/rashiid Janan oo Axmed Madobe ugu tegay Dhoobley iyo ujeedka ka dambeeya

    Wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu gaaray degmada Dhoobley ee gobolkaasi Jubada Hoose, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweyne Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu gaaray degmada Dhoobley ee gobolkaasi Jubada Hoose, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweyne Axmed Madoobe.

        Janan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Dhoobley ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta ee maamulkaasi.

      Wararka ayaa sheegaya in wasiir Janan oo baxsad ka ah dowladda federaalka uu kulan la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyey abaabullo iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

       Ilo lagu kalsoon yahay ayaaCaasimada Onlineu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan dhaqaaqyqada ay wado Jubbaland iyo xaaladda guud ee gobolka Gedo.

 

       Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay, Axmed Madoobe shirar gaar gaar ah iyo abaabullo ka dhan ah dowladda uu ka waday Jubbooyinka, halka Janan iyo ciidamo uu watayna ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xadka Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo.

      Janan ayaa tan iyo markii uu ka baxsaday dowladda federaalka ah ku sugnaa magaalada Mandhera

Xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip