Jarmalka :Wiil Soomaali ah oo laga helay Coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale

0
Sunday March 22, 2020 - 13:12:04 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka :Wiil Soomaali ah oo laga helay Coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale

    Dalka Jarmalka waxaa uu ka mid yahay dalalka ku yaal qaaradda Yurub ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee corona ee faraha ba'an ku haya dalal ka badan 150. Dalkaas Jarmalkana waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jarmalka waxaa uu ka mid yahay dalalka ku yaal qaaradda Yurub ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee corona ee faraha ba'an ku haya dalal ka badan 150. Dalkaas Jarmalkana waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaar ka mid ah la sheegayo in laga helay cudurka Corona. Maxamed Cabdi Jaamac, oo ku nool magaalada Hamburg ee waddankaas, ayaa markii cudurkaasi laga helay kaddib waxaa uu ka hadley wada uu maray markii cudurkan lagu sheegayay. "Isbitaalkii baan tagay dhacaan bay iga qaadeen kabacdi xaafadaan iska aaday oo annagaa ku soo wacayno ayey dhaheen, ileen jawaabta waxa ay qaadanaysaa 24 saacadood, marka waxyar bay kuu dhiibayaan guuntaad iska galinaysaa waad ku celinaysaa, annagaa ku soo wacayno ayey igu dhaheen oo numbar ayey iga qorteen, hadda dhaw bay isoo waceen oo cudurkii baad qabtaa bay igu dhaheen, laba todobaad waa inaad gurigaaga joogtaa oo aadan bixin." Maxamed ayaa waxa uu ka warramay calaamadaha uu isku arkay ka hor inta uusan baaritaanka samayn: "Waxaan isku arkay riiraxyo iyo dhuunta oo i xanuunayso, kabacdi hergab inuu yahay baan aaminay, waxaan dareemay wareer, dhegaha oo i xanuunaya, labada dhafoor oo aad ii xanuunaya, tabar darro qufac iyo qandho aan jirkayga ka baxayn." ayuu yiri Maxamed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip