SAWIRO:-Howlgal dad lagu qabqabtey oo laga sameeyey Muqdisho

0
Sunday March 22, 2020 - 08:26:08 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Howlgal dad lagu qabqabtey oo laga sameeyey Muqdisho

    Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa howlgal dad badan lagu qabqabtey ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir,kaas oo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayey. Howlgalka oo ay horkacayeen mas'uuliyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa howlgal dad badan lagu qabqabtey ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir,kaas oo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayey. Howlgalka oo ay horkacayeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa sigaar ah looga fuliyey Waaxda Xalane ee degmadaasi,waxaana uu ahaa howlgalka mid Wadooyinka iyo Guryaha qaar laga sameynayey. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in howlgalka lagu qabqabtey dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la isugu geeyey Goob,hayeeshee muddo kadib qaarkood la sii daayey halka qaarkood la geeyey Saldhiga Booliska degmada wadajir. War kooban oo kasoo baxay Maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa lagu shegay in dadka howlgalka lagu qabtey ay yihiin kuwo looga shakisan yahay inay ka qeyb qaateen falal amnidarro oo ka dhacay degmadaasi Wadajir. Shalay Gelinkii hore ayaa Xarunta degmada Wadajir waxaa lagu qabtey kulan looga hadlayey Amniga Degmooyinka Qeybta Galbeed Gobolka Banaadir,kas oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho Cumar Filish,waxaana looga hadley dardargelinta qorshayaasha Amniga degmooyinkaas. Si kastaba howlgalka ay xalay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ay ka sameeyeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Tira ahoobiyeyaal ah lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip