Kheyre oo Xakameynta COVID-19 kala hadlay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed

0
Saturday March 21, 2020 - 12:28:40 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo Xakameynta COVID-19 kala hadlay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed

    Ra'iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyreyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyreyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamanayo COVID-19.

                    Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn dhaqaatiirta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurkaan ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan bed-qabka bulshada waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

                    Kulanka oo ay goob joog ka aheyd wasiirka caafimaadka XFS, ayaa lagu soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga qorshaha looga gaashaamanayo.

                      Wasiirka Caafimaadka oo kulanka la war bixisay ayaa caddeysay in si aad ah looga wada hadlay sare u qaadidda wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka.

                       Kulanka intii uu socday waxaa lasoo jeediyay in la adeekyo dhaqan gelinta tillaabooyinka xakameynta ee ay kamidka yihiin yareynta isu imaatinta Dadweynaha iyo Sare u qaadidda Nadaafadda maadaama Ka hor tagga cudurku ay ka wanaagantahay daaweynta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip