SHEEKH SHAKUUL: "Dalka Malesia waxaa lagu qabtay wadaado tabliiq ah oo lagana helay cudurka Crona"

0
Saturday March 21, 2020 - 12:26:04 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHEEKH SHAKUUL: "Dalka Malesia waxaa lagu qabtay wadaado tabliiq ah oo lagana helay cudurka Crona"

    Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya degan ayaa ka wabixiyay khilaaf ka taagan in la xiro masaajida dalkaasi oo ka mid ah meelaha ay bulshada isugu timaado. Dowladda Malesia oo la tacaaleys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya degan ayaa ka wabixiyay khilaaf ka taagan in la xiro masaajida dalkaasi oo ka mid ah meelaha ay bulshada isugu timaado. Dowladda Malesia oo la tacaaleysa faafitaanka cudurka Crona Virus ayaa bilowday dadaallo kala duwan oo ay wax uga qabaneyso sidii loo hakin lahaa meelaha ay bulshada isugu timaado.

                      Sheekha Shakuul ayaa sheegay in ciidamada dalka Malesia ay gacanta ku dhigeen wadaado tabliiq ah, kuwaasi oo ciidamada ay ka xireen masaajid ay ku sugnaayeen kaddibna baaritaanno lagu sameeyay laga helay cudurka Crona Virus.

                 Waxa uu sheegay isagu inuusan arrintaasi aaminsaneyn, hase yeeshee loo baahan yahay tallaabooyin kale oo looga hortegayo in cudurkaasi lagula tacaalo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la hagaajiyo nadaafadda masaajida iyo waxyaabihii kale ee lagama maarmaanka u ah.

                     "Dalka Kenya dadkiisu waa 45-milyan qof, inta uu ku dhacay cudurka Crona ma dhama 7-ruux” ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo u waramayay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga.

                         Waxaa kale oo uu sheegay in cudurka Crona Virus uu ka daran yahay cudurka Daacuunka oo ka mid ah cudurrada qasaaraha badan ka geystay dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in qofka uu ku dhaco jirkiisa ku jirayo 9-maalin, wuxuuna ku wacyi geliyay bulshada inay feejignaan muujiyaan, iyadoo tan iyo markii cudurkaasi ka dillaacay magaalada Wuhan ay u geeriyoodeen dad fara badan, kuwaasi oo qaarkood u geeriyooday halka kuwo kalena ka caafimaadeen.

       Culimada Tabliiqa ah ayaa lagu soo eedeeyay inay faafinayaan cudurka Crona bacdamaa ay jebiyeen awaamiir dowladda Malesia ka soo saartay kadib markii la qabtay iyagoo si dhuumaaleysi u yeelanayay kulan wadareed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip