Guddoomiye deegaan oo isku day DIL ka bad-baaday

0
Saturday March 21, 2020 - 12:18:12 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye deegaan oo isku day DIL ka bad-baaday

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ahaa oo saacadihii la soo dhaafy lagu qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha deegaanka Qooqaani, xilli uu marayey duleedka degmada Afmadoo ee gobolka J/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ahaa oo saacadihii la soo dhaafy lagu qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha deegaanka Qooqaani, xilli uu marayey duleedka degmada Afmadoo ee gobolka J/Hoose.

weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga dhaqaaqay falka kadib.

               Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ilaalo u ahaa guddoomiyaha, sida ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu si dirqi ah weerarkan uga badbaaday, guddoomiyaha deegaanka Qooqaani ee maamulka Jubbaland.

        Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in halis weerarkaan lagu gaarsiiyey guddoomiyahaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan weerarka oo uu xigay iska hor imaad kooban.

             Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada la wareeray halkoodii ay ka soo wateen socdaalka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

        Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee inta badan isaga kala goosha gobollada Jubbooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip