Safiirka Soomaaliya ee Cummaan oo ka dhega adeegay u yeeriddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Akhriso Sababta)

0
Saturday March 21, 2020 - 12:02:48 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Soomaaliya ee Cummaan oo ka dhega adeegay u yeeriddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Akhriso Sababta)

    21-kii bishii hore ee February ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqado u kala dirtay labada Safiir ee Soomaaliya u kala fadhiyay Cummaan iyo Suudaan C/weli Cali Axmed Jeylaani iyo Maxamed Isaaq Ibraahim, iyadoo loo qabtay in muddo afar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

21-kii bishii hore ee February ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqado u kala dirtay labada Safiir ee Soomaaliya u kala fadhiyay Cummaan iyo Suudaan C/weli Cali Axmed Jeylaani iyo Maxamed Isaaq Ibraahim, iyadoo loo qabtay in muddo afar cisho inay dalka ku soo galaan.

            Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Isaaq ayaa soo ajiibay u yeeritaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo mudada loo qabtay ku soo galay dalka, dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

             Hase ahaatee Safiirka Soomaaliya ee Cummaan C/weli Jeylaani ayaa mudada loo qabtay ku imaan, iyadoo la sheegay inuu ka dhega adeegay oo aanu u hoggaansamin u yeeritaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee aheyd inuu dalka ku soo galo muddo 4 cisho ah.

              Safiirka Kuxigeenka Safaaradda Cummaan, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda iyo Qunsulka Guud ayaa la sheegay inay u hoggaansameen amarka Wasaaradda, iyadoo mudadii loogu tala galay ku soo galay dalka, waxaana ay muddo bil ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

                 Mr Jeylaani ayaa saddex jeer oo loo yeeray aanu dalka imaan, kaddib markii ay dacwado ka gudbiyeen Diblomaasiyiinta Safaaradda Cummaan oo ay sheegeen in xadgudub shaqo iyo gabood fallo ku kacay.

                    Ilo wareedyo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u sheegay Jowhar.com in markii u horeysay oo Safiirka loo yeeray ay aheyd 19 bishii December 2019, sidoo kale 6-dii bishii January 2020 ayaa sidoo kale loo yeeray, intaasna kama soo jawaabin, iyadoo mar kasta oo culeys uga yimaado Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu adeegsanayay si culeyska looga furo dhinacyo kala duwan oo gudaha dalka ku sugan, kuwaasoo saameyn ku leh siyaasadda.

            Wararka qaar ayaa sheegaya in Safiir Jeylaani uu isticmaalayo awoodaha ay dowladda ku leeyihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudeey iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ay isku heyb yihiin, waxaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Safaaradda ay aaminsan yihiin in Safiirka buurta uu ku tiirsan yahay ay tahay mas’uuliyiintaas, taas darteed tallaabo looga qaadi la’yahay.

                 Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkii gacan ka hadalka ahaa ee bishii hore ka dhacay Xarumaha Safaaradda Soomaaliya ku laheyd dalalka Suudaan iyo Cummaan ayaa bannaanka soo dhigay heerka diblomaasiyadda dhinaca dibadda ee dowladda Soomaaliya in aanay ku saleysneyn aqoon iyo khibrad, marka loo eego xubanaha la geeyay oo dad kala duwan oo dowladda galaangal ku leh ay geysteen.

xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip