Wasiir Saalax Jaamac oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Xogahaya Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga
Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb
James Swan, labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarka laga gaaray
geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka dastuurka.
Ugu horeyn, Wasiir Saalax oo ay shirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo
dhaafay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo labada guddi ee qaran ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.
"Waxaan aaminasanahay sanadkii aan joogay xafiiskan waxa inoo suurtagashay qabsoomidda howlo muhiim ah inaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee qaran ee ku shaqada leh dib-u-eesgita dastuurka, sido kale waxaa howsha ku soo biiray in kabadan 20 wasaarad oo katirsan XFS
si ay howlaha kaga aadan dhameeystirka dastuurka ay uga qeybqaataan;
arrimaha awood qeybsiga waa wadnaha dib-u-eegista dastuurka waxaana
wasaaradaha kala doodnay qeexidda awoodahaas, sida loo kala la
leeyhaay, halka ay awooduhu yaallaan iyo qodobo kale" ayuu yiri Wasiir
Saalax.
Intaa kadib, Amb James Swan ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay
hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxa uuna soo hadal
qaaday howlaha harsan ee u baahan in la qabto.
"Waxa aan idinku hambalyeeynayaa howlaha aad qabateen oo ay ka mid
yihiin safarada dhowaan aad ku tagteen seddexda dowlad goboleed ee
Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo aad kala hadasheen aragtida ay ka qabaan arrimaha dastuurka, Waxaan is aragnay qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada iyo dad kale oo Soomaali ah waxaana kala hadlay muhiimadda dhameeytirka dastuurka iyo inay doorkooda ka qaataan; Waxaan idinku garab taagannahay sidii hore loogu sii wadi
lahaa arrimaha dib-u-eegista dastuurka si guul looga gaaro geedi-socodkan soo socday muddo dheer" ayuu yiri Amb James Swan.
Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradaha XFS ee ku lugta
leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wanaagsan ka
qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadashaqeyn iyo
dhanka awoodaha ah ula galeen wasaaradaha dowlad goboleedyada, dhanka
kalena ay ku gacan siinayaan Wasaaraadda Arrimaha Dastuurka sidii loo
dhameeytsiri lahaa dastuurka. Wasiirka waxa uu sidoo kale soo hadal
qaaday banbax howled ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada kaasoo looga
arinsan doono arrimaha dib-u-eegista dastuurka.
Wasiir Saalax waxa uu dhinaca kale ka hadalay howlaha baaxadda leh ee
wacyigelinta dadweynaha ee qabsoomay, waxa uuna sheegay in howlaha
wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka la dardargelin doono isla markaana ay si joogta ah u socon doonaan si wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha dastuurka kor loogu qaado.
Gebogabadii, Wasiirka waxa uu ka mahadceliyay taageerada Qaramada
Midoobay ay la garabtaagantahay dowladda federaalka gaar ahaan hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo isugu jira
arrimaha is-dhaafsiga khibradda oo ay ka gacan-geystaan hay'adaha UNka
iyo arrimaha Wacyigelinta Dadweynaha oo iminka uu soocdo olole ay si
gaar ah u taagereyso UNSOM. .
Wasiir Saalax Jaamac oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Xogahaya Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan, labada masuul ayaa ka wa