Senator Nadiir: Deni wuxuu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo DF

0
Wednesday March 18, 2020 - 21:37:09 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Nadiir: Deni wuxuu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo DF

    Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ka tirsan golah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirka wadatashiga Puntland ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe. Senator Nadiir oo wareysi siiyey Idaacadda K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ka tirsan golah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirka wadatashiga Puntland ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe. Senator Nadiir oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa ka horyimid warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaasi, isagoona tilmaamay in uusan wax macne ah u laheyn dowlad goboleedka Puntland iyo sidoo kale guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim aheyd in Puntland laga tala galiyo sharciga doorashooyinka qaranka ee dhowaan la meel mariyey. Axmed Macalin Cumar Nadiir oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Deni uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, sida uu hadalka u dhigay. "Waa run doorbey ku leeyihiin oo in laga tala geliyo ayey aheyd sharciga doorashooyinka, Madaxweynaha Puntland waxa uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, shuruucdii uu meel mariyey baarlamaanka ayuu rabaa in uu duro" ayuu yiri Senator Axmed Nadiir oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowlad goboleedka Puntland ay ku dhawaaqday shirweyne looga hadlayo khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, inkastoo aysan weli dhankeeda ka hadlin dowladda dhexe. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip