Dowladda Somaliya oo soo saartay awaamiir lagu joojinayo kulamada cayaaraha

0
Wednesday March 18, 2020 - 21:35:34 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo soo saartay awaamiir lagu joojinayo kulamada cayaaraha

    Dowladda Somaliya ayaa waxay qaaday tallaabooyin hor leh, oo ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo amaba lagula dagaalamo faafitaanka caabuqa Coronavirus. Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Somaliya ayaa waxay galabta soo saaray amar muddo shan iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya ayaa waxay qaaday tallaabooyin hor leh, oo ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo amaba lagula dagaalamo faafitaanka caabuqa Coronavirus. Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Somaliya ayaa waxay galabta soo saaray amar muddo shan iyo toban maalmood lagu joojinayo cayaaraha noocyadooda kala duwan, dhammaan dalka oo dhan, si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus. War ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha ayaa lagu sheegay in shan iyo toban cisho la joojiyo dhammaan cayaaraha dalka, noocyadooda kala duwan. Warka ayaa ahaa mid ku socday Wasaaradaha Dhalinyarada & Cayaaraha ee Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Warka qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyaradaha & Cayaaraha Somaliya ayaa lagu muujiyay laga bilaabo Khamiista berrito, oo taariikhduna ku beegan tahay 19-ka bishan in la joojiyay dhammaan cayaaraha kala duwan ee dalka. Cayaaraha la joojinayo waxaa ugu muhiimsan Horyaalka Somaliya, oo xilligan uu wareegiisii labaad si habsami leh uga soconayo Magaalada Muqdisho. Xiriirka Kubadda Cagta Dalka ayaa waxaa laga soo xigtay in laga bilaabo maalinta berrito ah ay u hoggaansami doonaan amarka ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha, oo ay Wasiir ka tahay Khadiijo Maxamed Diiriye. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhaqangalay amar xalay ka soo baxay Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada muddo 15 maalmood ah, halka saqda dhexe ee caawana la fillayo in uu dhaqangalo amarkii lagu joojinayo dhammaan duulimaadyadii dalka imaanayay iyo kuwii kale ee ka baxayayba. Caabuqa Coronavirus ayaa tan iyo Jimcihii ku fidaayay Wadamada Geeska Afrika, iyadoona laga diiwaangeliyay dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Itoobiya, Somaliya iyo Jabuuti oo maanta xaqiijisay.



 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip