Puntland oo Walaac ka muujisay Ciidamada loo tababarayo dowladda Federaalka Soomaaliya
Dowladda Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku
eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu' dheelli tirnayn,
islamarkaana Khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida dalka.
War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii Garoowe, ayaa
qodob kamid ah lagu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay baal-martay
Heshiiskii dhismaha Ciidan Qaran oo la saxiixay sannadkii 2017, kaasi dhigayay
in dalka loo dhiso Ciidamo Qaran oo midaysan.
"Wuxuu Shirweynuhu walaac ka muujiyey in ay dowladdu dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu'dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland.
Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu
xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada, si wax
looga weydiiyo Ciidamada halka dhinac ah ee la hubaynayo.
Xukuumadda Puntland, waxay marar kala duwan ku cel-celisaa, in Hannaanka Tababaridda iyo Qalabeynta Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, uu yahay mid dhinac u raran oo Beelo gaar ah la hubaynayo, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo Ciidamo Qaran oo midaysan. .
Puntland oo Walaac ka muujisay Ciidamada loo tababarayo dowladda Federaalka Soomaaliya
Dowladda Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu' dheelli tirnayn, islamarkaana Khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida dalka. War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii