WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU8 TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA OKTOOBAR 2015-KA

0
Thursday October 01, 2015 - 09:12:01 in Wararka by
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU8 TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA OKTOOBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY MARTI GELINTA JABUUTI SHIRKA MADAXDA DALALKA CIIDAMADA KA JOOGAAN SOOMAALIYA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Mad-axweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee martigeli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY MARTI GELINTA JABUUTI SHIRKA MADAXDA DALALKA CIIDAMADA KA JOOGAAN SOOMAALIYA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Mad-axweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee martigelinta shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciid amada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan haw-lgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Jabuuti.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadley kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joog aan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada New York, kaasoo lagu falanqeeyay qaabka ugu wanaags an ee la isugu dubbaridi karo hawlgalada milatariga iyo xasilinta ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidam ada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika (AMISOM).

"Waxaan walaalaheena Afrika uga mahad celineynaa dadaalka ay naftooda inoogu hureen, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta ee dowladda. Aad baan ugu ammaanayaa dadaalkooda geesinimada leh. Waan soo dhoweynayaa shir madaxeedka uu soo jeediyay walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle, si aan horey ugu sii wadno wadatashiga aan halkan ka bilowney ee lagu tayeynayo hawlaha AMISOM, isku dubbaridka wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidam-mada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo in la bilaabo diyaar garowga ka bixintaanka AMISOM ee Soomaaliya, si ciid ammo Soomaaliya ay leedahay ay hawsha ula wareegaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in gacan laga geysto dhismaha ciidam-ada Soomaaliya.

"Waa inaan xaqiijinaa dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo si tayo leh u shaqeynaya, baahidooda si wanaagsan loo daboolo, taageersanna rabitaanka nabadda ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona nabadda iyo xasiloonida Geeska iyo Bariga Afrika.Wadashaqeynta iyo talooy inka waddamada ciidanka noogu deeqay waa u muhiim qorshahan aan leenahay. Waxaan rajeynayaa in taageeradiina ay qeyb ka noqon doono Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno oo mabda’a uu ku shaqeynayo lagu saleynayo nabad iyo xasilooni” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta kale ee ka hadashey shirkan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan dhismaha ciidan qaran oo tayeysan oo Soomaal iya ay yeelato, si ay gacan uga geystaan amniga gobolka iyo kan caalamka.

Kulan madaxeedka la soo jeediyay ee waddamada ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu wa-daa inuu dhammaadka bisha October ka dhaco magaalada Jabuuti.

MAREYKANKA OO ARRIMO FULIYE CUSUB U SOO MAGACAABAY DALKA SOOMAALIYA

Xukuumadda Washington, ayaa David H. Kaeuper u magacawday arrimo fuliyaha cusub Mare ykanka ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka, ayaa 8-dii bishan shaaca ka qaaday in ay magacaabi doonto Sarkaal u qaabilsanaan doono dardargelinta arrimaha diblomaasiyadeed Mareykanka ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah Dowladaha Reer Galbeedka ee taageerada joogtada ah si iya Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa marar kala duwan sheegtay inay soo noollayn doonto xiriir kii diblomaasiyadeed la lahayd Soomaaliya.

Magacaabidda Sarkaalkan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Madaxweynaha Jamhuuri yadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu maalintii afaraad booqasho ku jooggo Magaalada New York Ee Xarunta Qaramada Midoobe.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa 17-kii bishan waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub Somaliya u fadhin doono Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad

Mareykanka, ayaa bishii May dib ula noqday Safiirkiisii Somaliya, uu u soo magacaabay 25-kii bishii Febraayo, haweeneyda lagu magacaabo Katherine Simonds Dhanani

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO UGU BAAQAY SARAAKIISHA AMNIGA IN AY ISLA SHAQEEYAAN

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ka warbixiyay kulan shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ka as oo ay uga hadleen sidii saraakiisha hay’adaha amniga ee Magaalada Muqdisho ay isula sha qeyn lahaayeen waxaana hoosta ka xariiqay in la isku waafaqay in hay’adaha amniga Gobolka ay ku shaqeeyaan xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay in loogu baaqay laamaha amniga in waqtiyada habee nkii ay dar dar geliyaan howl gallada ay ku sugayaan ammaanka taas oo uu tilmaamay in hagaajinta amniga Caasimadda Muqdisho kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto.

Masuuliyiinta kala duwan ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkiiba marwaxa ay yeeshaan kulan ay uga hadlaan arrimaha ka jira Magaalada Caasimadda Muqdisho gaar ahaan, dar dar gelinta amniga, adeegyada bulshada iyo shaqooyinka kale ee looga fadhiyo maamulka Gobolka Banaadir.

HRW OO KU EEDEYSAY MARAYKANKA IN AY KU GUUL DAREYSATAY KA JOOJINTA ASK AREYNTA CARUURTA DALAL AY KA MID TAHAY SOOMAALIYA

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee human right watch ayaa ku eedeysay dowladda Mareykanka in ay ku guul dareysatay ka hortagga Askareynta Caruurta ee ka jirta dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Yemen.

Hay,ada ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Obama uusan xil iska saarin in uu talaabo ka qaado yareynta caruurta ka qeybqaadata dagaalada.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo go’aan ka qaadashada in uu cuna qab ateyn ku soo rogo dalalka uu siiyo kaalmada Milateri oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaanta Koof ureed ,Syria iyo Yemen.

Warxbixin ay horay u soo saartay qarmada Midoobay ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dala lka ay ku dagaalamaan kooxaha hubeysan ay caruurta yar yar askar ahaan u qortaan oo ay u dagaala maan.

Dalka suudaanta koofureed ayaa lagu qiyaasay in sanadkii hore ay dagaalka dhinacyadi dalka asi ku dagaalamayey ka qayb galeen 12,000 oo caruur ah,halka warbixinta ay ku sheegtay in dalka Yemen saddex meelood meel ka mid ah ay dagaalka ku jiraan caruur ay da’doodu ka yartahay 18 sano jirka.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in dowladda Mareykanka ay ku bixisay taageeradeeda milateri illaa iyo 15 Million oo dollar 5-tii sano ee la soo dhaafay waxa ayhuman rights watch xustay in askar ahaan loo qortay 200 , oo caruur ah

ITOOBIYA OO CIIDAMO DHEERAAD AH U SOO DIREYSA SOOMAALIYA

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo dheereed ah ay ku soo kordhin doonto ciidamada ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah Howl galka AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa daaha ka rogay in qorshahaan uu yahay mid haqab tiraya booskii ay ka baxeen Ciidamadii Sera Leon ee Howl galka ku jiray, kuwaas oo ku sugnaa Gobolka Jubbada Hoose.

Dhawaan Xubno Saraakiil ah oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Dowladda Itoobiya oo booqday Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sheegay in ay halkaas geyn doonaan Kudhawaad 1000 Askari (kun Askari) oo bedelaya Ciidamadii Sera Leon ee horay halkaas uga tagay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay kulamo la lahaayeen Masuuliyiinta maamulka Jubba oo ay ka wada hadlayeen qaabka ay uga howl gali karaan Gobolka Jubbada Hoose.

AL-SHABAAB OO LA SHEEGAY INAY XIRTAY SHAN KA MID AH AJAANIBTA KA BARBAR DAGAALLAMA

Al-shabaab ayaa la Sheegay inuu soo Saaray Amar Mamnuucaya jeedinta Khudbado ama hadallo Ururka dhexdiisa ka abuuraya iska horimaad ku saabsan ku biiritaanka ururka Daacish ama ISIS.

Qoraal soo baxay Bishaan ayaa la sheegay in Ururku uu ku Adkaystay inuu ka mid ahaado Al-Qaacida, isla markaana meel cad ay ka istaagi doonaan ciddii dariiqaas ka leexata.

Muddo, ayaa Al-Shabaab, waxa ay dhexdeeda isku haysay inay ku biiraan Daacish, sida ay xu bnaha kooxda qaarkood ay soo jeediyeen ama ay kasii mid ahaadaan Al-Qacida.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay darraad shan qof oo ajaanib ah ku qabteen magaalada Jamaame, kuwaasi oo ay soo xireen amniyaatka Al-Shabaab. Haaruun Macruuf – Xigasho:- VOA SOMALIA

FANNAANIINTII XIRNAA OO LASII DAAYEY IYO WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO KA HADLAY XARIGGOODA

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa dib xoriyad oodii u siiyey afartii fanaan ee kooxda Xidigaha geeska saddex cisho xabsiga ku jiray.

Maxkamadda Hargeysa qoraal ay soo saartay ayey ku cadaysay in Boolisku maxkamadda hor teedda keeni kari waayeen sababo sharci oo macquul ah oo xabsiga ugu hayaan afarta fanaan.

Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu illaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cada-ymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kale oo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiya adka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamaddu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaddho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.

Sidoo kale, guddoomiyaha xiddigaha geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa isna u mahad celiyey dadkii ka qaybgallay soo deynta afartaasi fanaan, isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay in la siidaayey fanaaniintaasi.

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in aanay ogolayn in dadka saameynta leh ama caanka ahi tagaan Somaaliya, isla markaana aanay ogolayn in dal aan Somaliland u aqoonsanayn dal madax banaan aanay tagi Karin fanaaniintu.

"Xukuumadda,Ciidanka Booliska iyo maxkamaddu dawlad baa la isku yidhaahda, waana dawlad nidaam wanaagsan leh oo dalal badan ka horaysa, waana la siidaayey fanaanintaasi, waxaase idin sheegaya arrintan oo laga dhigay arrin weyn oo camal laga dhigta in aanan ogolayn in dal iyo dad ku sheegaya oo aanku aqoonsan inaad madax banaan tahay tagtid wadankoodda, wada hadalkii turkiga ka socday waxa uu madaxweynaha Soomaaliya aad u rabay is dhex galka dadka iyo fanka, anaga caqabad bay nagu tahay in dal iyo dad na sheegaya inaanu isku socodno mana ogolaan doonin, fana aniintan waa inamo yaryar oo u baahan in wax loo sheego,m waana inamadayadii .”ayuu yiri Cukuse oo kahadlayey xadhiga iyo soodeynta fanaaniintaasi.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xusay inuu dib u eegayo heshiishkii ay kula jireen VOA-da, iya doo Gabi ahaanba FM-tii Idaacaddaas la Xidhay.


DAB KA KACAY DHISMAYAAL GANACSI OO KU YAALLA AGAGAARKA ISBITAALKA BANAADIR, DEGMADA HODAN EE GOBOLKA BANAADIR..

Waxaa gellinkii dambe ee shalay uu dab Qabaday Goobo Ganacsi oo ku yaalla Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dabka Qabsaday goobahan Ganacsi ayaa la sheegay inuu ka dhashay mid ka mid ah baar ku yaalla halkaas oo isticmaalayay ogsijiinta wax lagu karsado; iyadoo dabku uu si dhaqso ah ugu fiday goobihii ganacsi ee ku dhawaa.

Sidoo kale, dabkan ayaa wuxuu geystay khasaare Hantiyeed, balse ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Inkastoo dabkan uu baab’iyay goobo ganacsi oo aad u fara badan.

Xarumahan ganacsi ayaa waxay ka koobnaayeen goobo lagu iibinayay ganacsi kala duwan, iyadoo qaar ka mida ah goobahan ganacsi laga badbaadiyay qaar ka mid ah hantidii taallay.

Baabuurta dabka damiya ayaa goobta tagay, iyagoo ku guuleystay ugu dambeyn inay baq-tiiyaan dambka. Iyadoo ganacsatadii goobahan lahaa qaarkood ay sheegeen in Hanti Fara badan ay kaga gubteen dabka.

MAXKAMAD KU TAALLO MAGAALADA NEYROOBI OO XUKUN DALDALAAD AH KU RIDDAY NIN HOREY U DILAY XAASKIISA …

Maxkamad ku taallo Magaalada Nayroobi, ayaa darraad oo tallaado ah waxa ay xukun dal da laad ah ku riday nin horay u dilay u dilay xaaskiisa, xilli eedeysanahan uu ka soo hor muuqday maxk amada.

Dambiilahaan oo lagu magacaabo Bernard Mwenga Wilson ayaa dilka xaaskiisa u adeegsaday toorri, isaga oo uga dhuftay ilaa 23 meelood oo jirkeeda ka mid ah.

Garsooraha maxkamada oo lagu magacaabo Luka Kimaru ayaa amar ku bixiyay in Mr Wilson la Dal dalo ka dib markii lagu helay dambiga uu galay.

Sababta ka dambeysay dilka ninkaan uu xaaskiisa u geystay ayaa waxa ay tahay inay ku wada murmeen Taleefoonka gacanta, ka dibna taasi ay sababtay in uu Xaaskiisa u adeegsado tooreey uu ku dilo.

Ninkaan Xaaskiisa dilay ayaa waxa ay u dhashay saddex caruur ah, wuxuuna dilkan dhacay October 28, 2010, xilliga ninkan xaaskiisa uu dilaayay waxa ay ku wada sugnaayeen goob dumarka lagu qurxiyo oo haweenayda la dilay ay ka shaqeynaysay.

Ehelada Gabadha laga dilay, ayaa soo dhaweeyay xukunka dal dalaadda ah ee maxkamada Magaalada Nayroobi ay ku ridday.

Ninkan la xukumay ayaa wuxuu haystaa muddo 14 Maalmood ah oo xukunka lagu riday racfaan uu kaga qaadan karo. Ninka wax dilay iyo haweenayda la dilay labaduba waxa ay u dhasheen dalka Kenya.

DIYAARADAHA DAGAALKA RUUSHKA OO BILAABAY INAY DUQEEYAAN DEEGAANO KA MID AH DALKA SIIRIYA

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa bilaabay inay duqeeyaan mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweynaha dalka Siiriya ka dib markii uu shalay ansixiyay baarlamaanka Ruushka in ciidamado oda ay howlgalo ka sameyn karaan wadamada dibadda.

Warka duqeynta ayaa waxaa shaaciyay dowlada Maraykanka oo shalay ka digtey in ciidamada Ruushku ay qorsheynayaan inay duqeeyaan dalka Siiriya.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday magaalada Galbedka Siiriya ee Homs, hase aha atee lama sha-acin wax qasaare ah oo ay geysteen. Dowlada Maraykanka iyo xulafadeeda ayaa ku adkeysanaya in Madaxweyne Assad uu talada ka dago halka huwanta taageerta Ruushkana ay ka soo horjeedaan in Assad uu xafiiska baneeyo.

Madaxweynah Siiriya Assad ayaa la rumeysan yahay inuu si rasmi ah uu ugaga codsaday dowl ada Ruushka inay taageero Milatari siiso. Dagaal rayid ah ayaa ka socda dalka Siiriya muddo afar sano ah iyadoo kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay Dowlada Islaamiga ah ama IS ay la dagaalamayaan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Bashar al-Assad iyagoo doonaya in ay afgambiyaan,

Dad tiradoodu ka badan tahay 250,000 oo ruux ayaa ku dhimatay Hal malyan oo kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaaladan halka tiro ka badan 11 malyan ay ka carareen guryahooda waxaana haa tan ku qulqulaya wadamo ku yaal qaarada Yurub dad ka qaxaya dagaalada mudada dheer sii socda ee dalka Siiriya.

Duqeynta ay haatanka bilaabeen dalka Siiriya ciidamada Ruushka ayaa waxa ay ku soo beeg maysaa iyadoo la isku mari waayay in siyaasad mideysan laga yeesho dalka Siiriya si halista ka iman karta ururka IS loogaga hortago

 


 

MADAXWEYNAHA SHIINAHA OO FACEBOOK SAMEYSTAY XILLI DALKIISA UU KA MAMNUUCAY

Madaxweynaha Shiinaha Xi jinping oo haatan ku sugan shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhaxe ysa ee Newyork ayaa ku dhaaqaqay arin dadkiisa la yaab ku noqotay.

Madaxweynaha ayaa sameyntay Bog Facebook ah xilli dalkaasi oo mamnuuc ka yahay Face book.

Sawiro iyo Codad laga duubey Madaxweynaha iyo waftiga la socda ayaa lagu soo daacabay Bogaas oo loo sameeyay safarka Madaxweynaha, kulan isaga iyo xaaskiisa ay la qaateen Madaxwe yne ku xigeenka Mareykanka iyo sawiro kale.

Sawirada Bogga Madaxweynaha lagu soo bandhigay waxaa kaloo ka mid ah iyadoo Madaxw-eynaha uu kulan la qaatay, ninka iska leh Facebook Mark, sawirada labadooda ayaa la soo galiyay Bogga Fac-ebook ee Madaxweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa soo bandhigay Casho sharaf uu ka qeyb galay, isagoo dhagey sanaya heesta calanka Shiinaha oo caruur Mareykan ah ay qaadayaan.

Shiinaha ayaa Mamnuucey Facebook iyagoo ku tilmaamay Dabri Naaziga, waxaa kaloo Shiinaha uu mamnuucay Google iyo Twetter.

Hogaamiyaal badan oo Caalamka ah ayaa isticmaalo Facebook sida Madaxweynaha Mareyka nka oo Saaxiibadiisa xagga facebook ay gaarayaan ilaa 45 Milyan, Ra’isul Wasaaraha Jarmalka 1.5 Mil yan halka Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska uu leeyahay 750 Kun oo saxiib.

Arinta si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha uu soo bandhigo Madaxweynaha Shiinaha waxaan arki doonin ilaa 1.3 Bilyan oo dadkiisa ah oo ku dhaqan gudaha Shiinaha.

DOWLADA FILAND OO JOOJISAY MANGALYO SIINTA QAXOOTIGA SOOMAALIDA

Dowlada Finland ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay go'aanka ay Magangalyada ku siinayso muhaajiriinta ka soo jeeda Wadamada Ciraaq iyo Soomaaliya iyagoo muhaajiriinta ka soo jeeda dalalkaasi ku marmar siyoonaya dhibaatooyinka kajira dalalkooda.

Waaxda Socdaalka Finland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay ku badashay hab ra acii dadka Soomaalida ah iyo kuwa reer Ciraaq ay ku siinaysay Magangalyada kadib qiimeyn xafiisku uu sameeyay.

17,000 in ka badan ayaa sanadkan kaliya gaaray wadanka Finland oo muhaajiriin ah kuwaa oo 69% ay yihiin Ciraaqiyiin halka 10% ay yihiin soomaali.

Finland waxay sanadkan ka mitahay dalalka Yurub oo ay gaareen muhaajiriinta ugu badan ee magangalyada uraadsaday qaaradaasi,.

Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ayaa warbixin ay sanadkan soo saartay waxay ku sheegtay in Nus malyuun qaxooti ah ay sanadkan galeen Yurub , waxaana qeyb ka ah muhaajir-iintaasi Kuwa Soomaali ah.

AMIIR NAWAAF BIN CABDI CASIS OO GEERIYOODAY

Nawaaf Bin Cabdi Casis oo ahaa La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Talaadadii geeriyooday sidaa waxaa sheegtay dowladda Sacuudiga.

Amiir Nawaaf, waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka arimaha gudaha iyo Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga.

Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa sheegay in Amiirka lagula dukan doono Xaramka salaadda Cishaha Shalay oo arbaco aheyd.

Amiir Nawaaf waxaa uu ahaa 82 jir, waxaa horay 2002-dii looga qalay Wadnaha xilligaas uu aad u xanuunsaday.

M/WEYNAHA NIGERIA OO WASIIR ISKU MAGACAABAYA.

M/weynaha wadanka Nigeria Max’ud Buxaari ayaa la ogaaday inuu wado qorshe uu ku doonayo inuu isku magacaabo wasiir xukuumadda uu soo dhisayo.

Max’ud Buxaari waxaa laga soo xigtay afhayeenkiisa in M/weynuhu doonayo inuu isku magacaabo wasiirka batroolka iyo kheyraadka.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku waramaysa ayadoo soo xiganaysa afhayeenka M/weynaha in M/weynuhu is magacaabayo sababtoo ah waxaa uu waayay shaqsi uu xilkaas ku aamino.

Femi Adesini waxaa uu sheegay in M/weyne Buxaari uu waqti badan ku bixiyay baadi goobka shaqsi uu xilkaas ku aamino haddase uu asagu ku darsanayo xilkaas wasiirnimada ah.

M/weynuhu hadda waxaa uu joogaa magaalada New York halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka golaha guud ee Q,M waxaana uu doonayaa in marka uu dalkiisa dib ugu laabto uu asagu kasoo dhex muuqdo liiska wasiirada ee uu magacaabayo.

M/weynaha Nigeria Max’ud Buxari oo 72 sanno jir ah ayaa wasiirkii batroolka ee dalkaasi la shaqeeyay sanadkii 1977.

Sidoo kalena sanadkii 1990 waxaa uu madax ka ahaa hay’adda ka shaqaysa tirokoobka shidaalka Nigeria.

DABINNADA IYO UUBAHA SIYAASADEED

Dhowaan ayaan aljazeera.net ka akhirstay maqaal ciwaankiisu ahaa ”Snowden oo soo nooleeyay aragtidii mumaamaradda ee Ruushku qabay: Bin Laadin wuu nool yahay”. Dabadeed waxaa baraarugay feejignaan iyo digniin aan hore u qabay oo ku saabsan indhasarcaadka iyo jahawareerka fikir iyo siyaasadeed ee ay quwadaha waaweyni dunida ka wadaan. Masaladaas oo laba waji leh middood waa ta ta qoraalkaa kor ku xusan la gu soo qaaday, waana mu’aamaradaha Maraykanku bulshooyinka muslinka ah ku hayo. Ta kalena iyada ayay la caynad tahay laakiin ka horjeeddaa, waana xeeladaha Ruushka ee amuurtaa ku saabsan.

Qoraalkaa aynnu ka hadlaynno oo loo la jeeday fashilinta siyaasadda dahsoon ee Maraykanka ee cadaawadda iyo dhagarta tabadan, sida aynnu arki doonno runnimadeeda waxaa marag loo ga dhigayaa laba sarkaal oo Ruush ah.

Run buuxda ayay taasi ahaan kartaa, waana aragti muddo dheer soo jirtay. Waxaa se qumman arrinta in wajigeeda kalena la eego; wajigeeda kale ee ah kaalinta Ruushka oo ah quwad si adag u la loollanta Maraykanka. Sida hadalka labadan sarkaal innooga dhadhamaysa, Ruushku u gu yaraan wax uu ka shaqaynayaa xoojinta sheyddaannnimada Maraykanka la gu tuhunsan yahay ee ah in uu dunida xumaato uun ka wado.

Waxaa maxay danta ka dambaysa faafinta aragtida ”maleegidda” ee sheegaysa hoog wal oo Maraykanka ku dhacay in is la Maraykanku maleegay si uu dano kale oo waaweyn u meelmarsado? Wax aynnu odhan karnaa afar qolo oo afar danood oo ka la duwan leh ayay mid waliba fikraddan dhankeeda ka faafisaa. Dabadeed muhiim ma aha in ay run tahay iyo in kale, waxaa se muhiim ah in in ay dhab ahaan karto, sidaana la is la qaatay.

Qolada hore waa muslinka badidooda aan dagaalyahanka ahayn se diiddan siyaasadaha Maraykanka ee dalalkooda ku wajahan. Qoladan oo kalsooni darro aad u weyn Maraykanka u haysaa iyada oo dhaliilaysa siyaasadaha dalkaas iyo faragelinta taban ee uu ku hayo, wax ay u aragtaa in uu samaynayo tab iyo xeelad walba oo uu muslinka wax ku yeelayo. Halkaas ayay ka timid in la yidhaahdo la-Qaacida, al-Shabaab, IS, Daalibaan iyo koox walba oo la dhibsaday in la gu sheego balaayo uu Maraykanku soo hubeeyay, oo haddana in uu col la yahay ha is ka dhigayo. Maamullada dawladaha muslinka badankoodu dadweynaha waa ay u daayaan rumaysnaantan, waayo wax ay ku qariyaan fashilkooda iyo bulshadooda ay nabadayn kari waayeen.

Qolada labaad waa quwadaha waaweyn ee awoo-dda dunida Maraykanka ku la loollama, siiba Ruushka, kuwaas oo aad u xoojiya aragtidaa cabashada ah ee ay muslinka taagta darani qabaan. Danta Ruushka ee halkan ku jirtaa waa in Maraykanka la ga dhigo sheyddaan dunida shar la dhex wareegaya, sida uu isaguba Ruushka sidaa u ga dhigo, waana in la dilo kalsoonida muslinka iyo Mar-ayanka dhexdooda. Sidaas bay u naaxiyaan shakiga iyo niyad xumada ay bulshooyinka muslinka ahi qabaan. Ha-ddii aynnu u fiirsanno labada sarkaal ee halkan la gu soo qaatay hadalkooda eray walba dantaas baa ku jirta.

Qolada saddexaad waa qaybo bulshada Maray-kanka ka mid ah oo sababo ka la duwan u diiddan hann-aanka dawladeed, ama bulsheed, ama dhaqaale ee dalk-ooda. Kooxahan oo arrinkoodu aydoolajiyad iyo cabasho bulsheed u dhexeeyo, dareenkan waxaa geliyay kalsooni xumo ay u hayaan dawladnimadooda iyo guud ahaan awo-odaha dalkooda ka jira.

Qolada afraad ee u gu dambaysaa waa sirdoonka Maraykanka qudhiisa. Tusaale ahaan in ay bulshooyinka muslinka ah ku dhex faafto kooxaha dagaalyahanka ah ee sheegta in ay jihaadayaan in ay yihiin ciidammo uu Mara-ykanka qudhiisu u soo abaabulay hagardaamada muslinka, wax ay dhaawacaysaa sumcadda kooxahaas, dhallin-yaradii niyadsamida u gu biiri lahayd ayayna shaki gel-inaysaa. Sababtaas ayaanay Maraykanku dan u ga gelin beeninta aragtiyaha caynkaas ah ee bulshooyinka musl-inka dhex wareegaya.

Sida ay doontaba ha ahaatee, haddii ay xaqiiqo tahay siyaasadaha dunida iyo xidhiidhka ummadaha in ay ka buuxdo is xeeladayn, is jahawareerin, is basaasid, is dumin iyo is qabsasho, waxaa kale oo dhab ah in ay jiraan dawlado shalay taa ku foogan oo ku fogaaday.

Dhanka kalena waaxaa jira dawlado aynnu ka mid nahay oo wacyigooda siyaasadeed aad iyo aad u liito, kuwaas oo tab walba iyo dabin kasta oo loo dhigo si fudud u gu dhaca. Ayaandarrooyinka dadyow badan shalay haysta shaki la’aan cid kale ayaa soo maleegtay.

Waa kan hoos ku yaalla haddaba qoraalka aynnu ka hadlaynnaa isaga oo aan soomaaliyeyay.

”Snowden oo soo nooleeyay aragtidii mumaama-radda ee Ruushku qabay: Bin Laadin wuu nool yahay”

Waxaa qoray Ashraf Rashiid – Aljazeera.net

Hoggaamiyihii al-Qaacida, Usaama bin Laadin, in kasta oo ay warbaahinta Maraykanku sheegtay in sannado ka hor la dilay, haddana waxaa muuqata in uu weli yahay barta ay dhacdooyinku ku wareegayaan. Edward Snowden wax uu shaaciyay in uu hayo caddaymo taariikheed oo xaqiijinaya bin Laadin dhab ahaan in uu nool yahay, oo deggan yahay jasiiradaha Bahamas, halkaas oo ay sirdoonka Maraykanka ee CIA ku ilaaliyaan.

Edward Snowden oo hore u ga tirsanaa sirdoonka Maraykanku xogtii yaabka lahayd ee uu hore u faafiyay oo dhami waxba ka ma aha tan u gu dambaysay oo dad badan amakaag ku ridday, oo ah xidhiidhka dhabta ah ee hoggaamiyihii la dilay ee al-Qaacida Usaama bin Laadin iyo Maraykanka, iyo kaalintii uu ninkaasi xidhiidhkaa ku lahaa sanooyin badan, iyada oo ay malyuumaad qof moodi jireen in uu ahaa nacabka kowaad ee Maraykanka.

Snowden wax uu sheegay in uu hayo caddaymo aan muran lahayn iyo xogo sugan oo xaqiijinaya Usaama bin Laadin in uu nool yahay, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, oo deggan yahay jasiiradaha Bahamas, halkaas oo ay sirdoonka Maraykanka ee CIA ku ilaaliyaan.

Snowden oo imika ku nool Moosko wax uu u sheegay wargeyska Ruushka ee Moscow Tribune in uu hayo caddaymo ah sirdoonka Maraykanku in ay lacago u direen qaar ka mid ah dadka raacsan hoggaamiyaha al-Qaacida. Wax uu kale oo uu sheegay isaga qudhiisu (Snowden ahaan) in uu ka tirsanaa kooxda diyaarisay qorshaha dilkii indhasarcaadka ahaa, wax uuna ballanqaaday in uu xaqiiqooyin kale ku soo bandhigi doono buug uu dhowaan soo saarayo.

Snowden oo ahaa sirdoon Maraykan, markii uu hawsha ka fadhiistay inta uu iyagii is ku rogay ayuu goostay in uu faafiyo siro iyo fadeexado basaasnimo oo ay hay’adda sirdoonka Maraykanku waddo,

isaga oo baxsad ah ayuuna Ruushka magangalay halkaas oo uu imika deggan yahay.

Lamafilaan ma aha tani

Janan Ruush ah oo la yidhaahdo Leonid Ivashov isaga oo faallaynaya waxyaalaha uu Snowden ka hadlay wax uu sheegay taasi in aanay isaga lamafilaan ku ahayn, waxa uu Snowden yidhina aanay xaqiiqada ka fogayn, waayo isaguba (Ivashov ahaan ) wuu arkay siro iyo caddaymo qoran oo sirdoonka Maraykanku lee yahay, wax uuna yidhi ”haddii la eego sidii degdegga ahayd ee ay Usaama bin Laadin u ga faraxasheen, iyo sida ay maydkiisa badda u gu rideen, waa la rumaysanayaa sheekada dilku in ay ahayd ruwaayad si liidata loo jilay”.

Ivashov intaa wax uu ku daray ”Maraykanku kolkii uu hawshaa fulinayay wax uu baahi aad u weyn u qabay in uu sheegto guul beenabuur ah oo uu ku daboolo guuldarrooyinkii badnaa ee gudaha iyo debeddaba ka haystay, kuwaas oo ka dhashay siyaasad xumadii iyo khasaarihii uu meelo badan oo dunida ah ka la kulmay”.

Wax uu sii yidhi ”haddii sheekada Maraykanka wax runnimo ahi ku jiri lahayd, oo Usaama bin Laadin ahaa lahaa argagixiyaha kowaad ee ay ugaadhsanayeen, sidii ay odhan jireen, waxaa la ga filayay in ay qabtaan oo maxkamadeeyaan”. Wax uu intaa sii raaciyay ”wax qarsoon ma aha Usaama bin Laadin in uu ahaa sirdoon Maraykan, mana ahayn taasi wax sirdoonka Ruushka ka dahsoon, is la markaa Maraykanku ma beenin”.

Mu’aamaradda qarsoon

Dhanka kale danjire Anrey Pakalnov, oo ah kuxigeenka Ururka Diblomaasiyiinta Ruushka, wax ay la tahay ”waxa uu Snowden ka warramayaa wax ay marag u tahay in ay jirto duni ka duwan tan aynnu ku nool nahay, oo ay jiraan mu’aamarado si qarsoon loo maleego, taas oo ay xaqiiqadeedu liddi ku tahay muuqaalka dusha ee dadka caadiga ah la tuso”.

Wax uu ku sii daray ”tusaale ahaan waxaa la hirgeliyay dareen nafsiyadda dadka dunida oo dhan la gu beeray, kaas oo ah in ay jirto awood argagixiso oo fallaago ahi, taas oo ay is hayaan quwadda samaha iyo ilbaxnim-ada oo Maraykanku matalayo”.

Isaga oo u warramaya Aljazeera.net intaa wax uu raaciyay in xogta uu Snowden shaaciyay ay xoojinayso ”in Maraykanku yahay hormuudka argagixisada, kooxaha arg-agixisada ah oo dhamina yhiin laamo ay hay’addooda sird-oonku sida ay doonto u maamusho”. Wax uuna caddeeyay ”ma suurawdeen argagixisadu in ay sii jirto haddii aanay jirin cid nafaqaysa oo siisa dhaqaale, hub iyo xog, taas oo aynnu ku arki karno cidda ka dambaysa falalka argagixi-sada siyaasadaysani dhab ahaan cidda ay tahay”.

Wax uu ku daray, baqdinta la ga qabo argagixisadu wax ay sii jirsiinaysaa dawladuhu in ay dagaal heegan u ahaadaan, iyo gadashaa hubku in ay xoogaysato, iyo in Maraykanku sii haysto awoodda uu talada adduunka ku lee yahay, una dhaqmo si sharciga ka baxsan, iyada oo marm-arsiinyuhu yahay argagixiso la dagaallan.

Danjire Anrey Pakalnov wax uu xusay ”waxyaalo ay dadka dunidu sannado badan rumaysigooda caadaysteen dhab ahaantii waa been la ururiyay oo uu Maraykanku faafiyay si uu u ga dhigto xeelad uu soohdimaha ummad-aha ku bedbeddelo, weerarrada shalay la gu wado ururka Dawladda Islaamkuna wax kale ma aha ee waa qayb cus-ub oo khiyaanada Maraykanka ka mid ah, siiba iyada oo la wada og yahay ururka Dawladda Islaamku in uu yahay waji kale oo ah al-Qaacida taas oo uu maamulka Washington sheegi jiray in uu la col yahay”.

QALINKII: IBRAAHIN YUUSUF AXMED "HAWD”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip