Taliska Booliska Soomaaliya oo xiraya Waaxda Faraha ee CID-DA

0
Wednesday March 18, 2020 - 21:23:01 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska Soomaaliya oo xiraya Waaxda Faraha ee CID-DA

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Faraha ee Xarunta Hay'adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Coronavirus. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Faraha ee Xarunta Hay'adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Coronavirus. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in iyada oo la raacayo awaamiirta Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka taxadarka Caabuqa karoona feyras in wixii ka bilaawda maalinta Berri la xirayo Waaxda Faraha ee CID. "Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la'aanta muddo 15 cisho ah"ayeey tiri Taliye Zakiya. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaallo ku aaddan sidii looga hortegi lahaa faafida cudurka karoona, waxeyna amartay in la laga fogaado dhammaan goobaha sabab u noqo karo in uu faafo xanuunkaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip