Dowladda oo Amartay in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka

0
Wednesday March 18, 2020 - 07:17:39 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Amartay in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka

    Ra'iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

                     Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo Maanta, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

                    Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo – Alla ma qaddaree-.

                Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa.



               Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip