Madaxweyne Deni"Anoo taladiina ka duulaya waxaan ku dhawaaqaya gogol Shir isdhegaysi"

0
Tuesday March 17, 2020 - 22:27:54 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni"Anoo taladiina ka duulaya waxaan ku dhawaaqaya gogol Shir isdhegaysi"

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex maalmood ka socday xarunta Jaamacadda PSU ee magaaladda Garoowe. Madaxweynaha ayaa khudbadd uu jeediyey uga mahadceliyey dhammaan kasoo qeybgalaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex maalmood ka socday xarunta Jaamacadda PSU ee magaaladda Garoowe. Madaxweynaha ayaa khudbadd uu jeediyey uga mahadceliyey dhammaan kasoo qeybgalayaasha Shirka sida ay usoo ajiibeen, waxaana uu sharaxay ujeedka shirkan wadatashi. "Shirkan Shir wadatashi ayuu ahaa Puntland cidna ka caban mayso cidna u caban mayso, waxaa ay ka tashanaysa danaheeda Puntland, waxay wax ka talinaysa danaha Soomaaliya, waxay wax ku biirinaysa ummada Soomaaliyeed wanaagooda iyo horumarkooda, waxaan dhegaysanaynaa cidkastoo naga feker duwan, waxaana jecelnahay khilaafkasta oo dadkale oo reer Puntland aheyn wadahadal iyo isqancin inaan ku gaarno oo xabad iyo qori aan meel lagu gaari Karin" Ayuu yiri Madaxweyne Deni . Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay talooyinkii kasoo baxay Shirka Wadatashi, isagoo ka hadlaya wuxuu yiri "Wixii halkan laga soo jeediyey idinka soo jeediyey, waxaa usoo jeediseen Goleyaasha Dowladda Puntland, anoo magacooda ku hadlaya wixii aad soo jeediseen waan aqbalnay, wixii ka hagaagsana waan fullin doonaa, wixii u baahan toosina waan hagaajin doonaa, Kalsooni buuxda nagu qaba inaan taladiin aanan dayaceen oo aysan noqon waxaa soo jeediseen oo keliya" Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Gogol Soomaaliyeed oo la isugu yimaado. "Anoo taladiina ka duulaya waxaan ku dhawaaqaya gogol Shir isdhegaysi, Ismaqal, isku dhibrin iyo in talo mideysan la wadaqaato, waxaan aad idiinku baaqay in dadka reer Puntland hormuud u noqdaan Ummada Soomaaliyeed in ay badbaadiyaan, in ay mustaqablkooda ka shaqeeyaan in ay taladoodana ay meeshaasi geeyaan" Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip