Muwaadiniin Soomaaliyeed oo la hubinayo in ay ka bed qabaan cudurka Coronavirus

0
Friday March 13, 2020 - 20:07:16 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Soomaaliyeed oo la hubinayo in ay ka bed qabaan cudurka Coronavirus

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jiraan afar muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, oo ay u karan tiileen si ay u xaqiijiyaan inay ka bed qabaan fayruska Coronavirus ee dunida faraha ba'an ku haya. War-saxaafadeed ka soo ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jiraan afar muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, oo ay u karan tiileen si ay u xaqiijiyaan inay ka bed qabaan fayruska Coronavirus ee dunida faraha ba'an ku haya. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in afartaasi qof ay galeen Soomaaliya 10-kii iyo 11-kii Maarso 2020, laguna hakiyay gegida diyaaradaha ee Aadan Cabdulle. Dadkan ayaa sida ay wasaaradda sheegtay kaddib loo gudbiyey goob gaar ah oo lagu haynayo inta ay ka dhamaasanyaan mudadada xilli-huuriska ee loogu tala galay in la haayo dadka soo maray meelo uu ka jiro cudurka COVID-19. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in dadkaasi ay ka qaaday dheecaanno si baaritaan loogu diro looguna soo sameeyo dalka dibaddiisa. Waxey sheegtay in ilaa iyo hadda aysan dadkaasi ka muuqan wax calaamada ah oo muujinaya inay qabaan cudurka COVID-19, isla markaana aanu jirin welwel laga qabo, laakiin ay marsiinayaan habraaca hubinta. Wasaarrada caafimaadka ayaa kula talinaysay dhamaan dadka kasoo safraya waddamada uu ka jiro feyruskan inay hakiyaan safarada ay ku imanayaan Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip