Puntland: Siyaasiyiin dhaliilay habka loo maamulayo shirka wadatashiga Puntland

0
Friday March 13, 2020 - 20:04:45 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland: Siyaasiyiin dhaliilay habka loo maamulayo shirka wadatashiga Puntland

    Dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa labo maalin kadib isugu imaandoona shirweynihii ugu horeeyay ee lagaga tashanayo masiirka Puntland ee Soomaaliya. Shirkaan oo la iclaamiyay bishii hore ayaa ka dambeeyay kadib markii Puntland ay she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa labo maalin kadib isugu imaandoona shirweynihii ugu horeeyay ee lagaga tashanayo masiirka Puntland ee Soomaaliya. Shirkaan oo la iclaamiyay bishii hore ayaa ka dambeeyay kadib markii Puntland ay sheegtay in dowladda federalka ee hadda jirta ay ka leexatay dariiqii dowladnimada ee lagu heshiiyay, sidaas darteedna ay muhiim u tahay in ay wadatashi isugu timaado. Siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilal ka haya dowladda federalka Soomaaliya ayaa kusoo qulqulaya magaalada Garowe oo uu shirka ka dhacayo, sidoo kale dad badan oo qurbe joog ah ayaa shirkaan dibada uga yimid. Balse, shirkaan dareen ayaa ku xeeraan, dareenkaas oo ah Hadba sida loo maamulo, qaar kamid aha siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in guddiga qaban qaabadu uu shirka ku casuumay dad firkir ahaaan aaminsan in lasiii kala fogaado. Siciid Faarax Maxamed (Siciid Sanweyne), oo ah siyaasi reer Puntland, guddoomiyana ka ah urur siyaasadeed lagu magacaabo UDAD, ayaa madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu eego danaha shacabka Puntland oo doonaya in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu ugu baaqay in madaxweynuhu hormuud ka noqdo in dalkaan ay ka dhacdo doorasho hal qof, hal cod.
Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka ururka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip