Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlay howl-gallada ka socda Dalka.

0
Friday March 13, 2020 - 19:29:30 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlay howl-gallada ka socda Dalka.

    Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa sharaxaad ka bixiyay howl-gallada ay Ciidanka qalabka sida ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ee lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa sharaxaad ka bixiyay howl-gallada ay Ciidanka qalabka sida ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ee lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab iyo hadafka ay Dowladdu ka leedahay tayaynta Ciidanka xoogga Dalka. Mudane;Ammar-dambe ayaa sheegay in ay dib u dhis ku samayn doonaan dhammaan Xeryahii Ciidanka Xoogga uu ku lahaa Dalka, isagoo intaa raaciyay in ay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ka hirgelinayaan talisyo kale si loo ballaariyo tayada iyo howl-gallada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay Wasiirku in ka Dowlad ahaan ay ka go'an tahay in ay soo nooleeyaan cududdii Ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in ay haatan ahmiyadda siinayaan Ciidanka Lugta si loo ugaarsado cadowga Al-Shabaab,, iyadoo ay xigi doonaan tayaynta Ciidamada Cirka iyo Badda, si ay Soomaaliya ula soo laabato awooddii ay horay u lahayd. Dhinaca cuna-qabataynta Hubka ayuu sheegay in ay guulo ka gaareen, taas oo ku xirnayn sida ay Dowladdu ugu fal-celiso la dagaallanka musuqa, habaynta miisaaniyadda iyo sare u qaadidda tayada Ciidanka taasina ay kasoo baxeen, wixii haatan ka dambeeyana ay filayaan in laga qaado xayiraadda Hubka, si ay usoo Afjaraan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip