Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo soo gaaray Garowe

0
Friday March 13, 2020 - 19:20:12 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo soo gaaray Garowe

    Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Masuuliyiinta ayaa ka kooban Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku matala Puntlnd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Masuuliyiinta ayaa ka kooban Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku matala Puntlnd, waxaana garoonka diyaarada Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golayaasha Puntland, Gudiga qaban-qaabada shirweynaha wadatashiga Puntland iyo masuuliyiin kale. Wafdigan ayaa soo ajiibey casumaad ay ka heleen dawlada Puntland oo ku casuntey shirka wadatashiga ee 15 Maarso 2020 ka furmaya magaalada Garowe. Wafdigan waxaa hoggaanimayey Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka mid ahaa Wasiir Beeraha iyo Waraabka Siciid Xuseen Ciid iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Magaalada Garowe ayaa la ciirciiraysa wufuud ka qeyb galaysa shirka wadatashiga Puntland oo furmaya maalinta Axadda ee todobaadka dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip