Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Derby d'italia Ee Horyaalka Serie A Ee Juventus v Inter Milan.

0
Sunday February 28, 2016 - 12:17:59 in Sports News by
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Derby d'italia Ee Horyaalka Serie A Ee Juventus v Inter Milan.

    Kulanka: Juventus v Inter Milan Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:George Rinaldi Xilli ciyaareedkii hore:Juventus 1-1 Inter

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Juventus v Inter Milan Garoonka: Juventus Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:George Rinaldi Xilli ciyaareedkii hore:Juventus 1-1 Inter

Juventus ayaa raadineysa inay ku soo laabato wadada guusha marka ay Turin ku soo dhaweeyaan kooxda aan qaab ciyaareedka joogtada ah laheyn ee Inter Milan.

Kooxda Bianconeri ayaa ku riyaaqday ilaa iyo haatan sannadkan 2016, xitaa barbaro ay la galeen Bologna iyo mid ay dagaal soo laabasho fiican ah ka sameeyeen Bayern Munich waxba uma dhimeyso ka hor kulankooda caawa ee derby d’italia.

Hal nin oo garoonka ka dhex muuqan doona waa Paulo Dybala kaasoo u sheegay Corriere dello Sport isbuucaan inuu iska diiday kooxda ayJuventus caawa la ciyaareyso.

"Ka hor inta aanan ku biirin Juventus waxaana la sheekeystay Mancini” ayuu yiri Dybala. "Waan uga mahadceliyay soo wicitaankiisa, laakiin waxaan mar walba doonayay inaan ku biiro Juventus sababtoo ah iyaga ayaa ah kooxda xoogan.”

Inkastoo lagu tilmaamay "kooxda xoogan” waxa ay u muuqataa in Claudio Marchiso inuu noqon doono xiddiga ugu weyn ee ka maqnaan doona tababare Massimiliano Allegri isagoo dhaawac uu soo gaaray bartamihii isbuuca. Marka taas laga soo tago Juventus waxa ay heystaan koox buuxda oo ay shaxdooda ka soo xulan karaan.

Serie-A_Juventus-vs-Inter-foto

Inter ayaa kulankaan u safreysa Juventus Stadium iyagoo ku jira qaab ciyaareed iska meel dhexaad ah, laakiin waxa ay ka badiyeen kooxda kaalimaha hoose ee Sampdoria oo weliba ay 3-1 uga badiyeen kulankoodii ugu danbeeyay.

Eder ayaa weli ugaarsi ugu jira goolkiisii ugu horeysay, isagoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto shan jeer, waxaana uu gool ka dhaliyay kaliya Juventus markii uu u ciyaarayay Brescia sannadii 2011. Ninka ay isku wadanka yihiin Mauro Icardi ayaase ku jira xaalad midiisa aad uga wanaagsan isagoo shabaqa soo taabtay guushoodii ugu danbeysay, waxaana uu ka hadlay waxa loo baahan yahay si ay u garaacaan Juventus.

"Waa inaan soo bandhigno qaab ciyaareedkeena ugu fiican” ayuu Icardi u sheegay Inter Channel. "Fekerkeena waa inaan badino kulan walba, kulankaana waxa uu inoogu dhigmaa seddex dhibcood marka loo eego kulankii Coppa Italia.”

Mancini ayaase heysta koox taam ah oo dhameystiran iyadoo kaliya xiddiga reer Croatia Marcelo Brozovic uu ganaax kaga maqan yahay.

Kulanka Turin waxa uu isku keenayaa labo kooxood oo ay aheyd inay horyaalka ku tartamaan, laakiin hoos u dhicii weynaa ee soo wajahay Nerazzurri sannadkan 2016 ayaa ka dhigtay inay taas bedelkeeda u dagaalamayaan booska kaalinta seddexaad ee Champions League.

Ma Ogtahay:Goolal ayaa la filan karaa caawa iyadoo kulankii ugu danbeeyay ee 0-0 ku dhamaada ee ay martigeliso Juventus uu ahaa sannadii 2001 kulan horyaalka Serie A ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus (3-5-2):Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Sturaro, Hernanes, Pogba, Alex Sandro; Dybala, Mandzukic

Inter (4-4-2):Handanovic; Nagatomo, Murillo, Miranda, D’Ambrosio; Biabiany, Medel, Kondogbia, Perisic; Eder, Icardi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip