Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay Karantiishay Afar qof

0
Thursday March 12, 2020 - 20:01:43 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay Karantiishay Afar qof

    Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay karantiishay Afar ruux oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus. Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishaan h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay karantiishay Afar ruux oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus. Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishaan halka Saddexda kalena ay dalka soo gaareen Maanta sidda ay shaacisay Wasiirka. Waxa ay sidoo kale sheegtay in lagu haayo hadda meel gaar ah oo lagu tala galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan ayna fulinayaan Awaamiirta Caalamiga ah ee Coronovirus ah. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah. WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 114 dal oo adduunka ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip