Muuse Biixi oo Guddi u saarey xaalad ka jirta Somaliland

0
Thursday March 12, 2020 - 19:52:14 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Guddi u saarey xaalad ka jirta Somaliland

    Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax laga cabsi qabo., iyo xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax laga cabsi qabo., iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha oo uu madaxweynuhuna guddi u saaray. Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaalada Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda laga nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto. Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax laga cabsi qabo, sida lagu xusay war-bixinaha hay'adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan. Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha,War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa. Ugu danbayntiina Madaxweynaha Soomaaliland waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabey Madaxweynaha Soomaaliland.

1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, M Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).


5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal.

7. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.

8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

9. Wasiirka Cadaaladda Mustafe Maxamuud Cali Bile.

10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip