Hordhac: Barcelona v Sevilla – Blaugrana Oo Ku Hamineysa Inay Soo Ceshato Hogaankeeda 8da Dhibcood Ee La Liga Islamarkaana Ay Dheereysato Rikoorkeeda Guuldarro La'aanta Caawa.

0
Sunday February 28, 2016 - 12:09:57 in Sports News by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Barcelona v Sevilla – Blaugrana Oo Ku Hamineysa Inay Soo Ceshato Hogaankeeda 8da Dhibcood Ee La Liga Islamarkaana Ay Dheereysato Rikoorkeeda Guuldarro La'aanta Caawa.

    Kulanka: Barcelona v Sevilla Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Barcelona v Sevilla Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika

Inay soo ceshtaan hogaankooda sideeda dhibcood ee horyaalka iyo inay sii dheereystaan rikoorkooda guuldarro la’aanta ah ayaa yoolka kooxda Luis Enrique ee caawa.

Kooxda FC Barcelona ayaa soo dhaweyneysa kooxda Sevilla kulanka 26aad ee horyalka La Liga iyagoo rajeynaya inay soo ceshtaan hogaankooda sideeda dhibcood ee La Liga islamarkaana ay sii dheereysteen 35ta kulan ee isku xiga ee aan weli laga badinin.

Tartanka horyaalka La Liga ayaa haatan noqday mid labo faras ay ku tartamayaan ka dib markii shalayto ay Real Madrid gurigeeda guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid, kuwaasoo haatan shan dhibcood u soo jirsaday kooxda koobka difaacaneysa ee Barcelona.

Laakiin Real Madrid ayaa farqi weyn u u dhaxeyn doonaa iyaga iyo Barcelona haddii ay caawa ka badiyaan kooxda Sevilla, iyadoo farqigaas uu noqon doono 12 dhibcood xilli ay 12 kulan kaliya ka harsanaaneyso horyaalka Spain.

Barcelona-Vs-Sevilla

MAXAA KA CUSUB?

Barcelona waxa ay heystaan koox taam ah oo la soo shirtagaan kulanka caawa, waxaana ay ku jiraan jawi wanaagsan ka dib guushii ay Arsenal ka soo gaareen bartamihii isbuucii hore ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacday London. Xiddiga kaliya ee dhaawac uga maqan waa Rafinha.

Taas bedelkeeda tababare Unai Emery waxaa ka maqan xiddigo waa weyn kulanka caawa iyadoo Ever Banega uu ganaax ku seegayo halka Grzegorz Krychowiak, Marco AndreolliiyoNicolas Parejaayaa dhaawacan yihiin. Fernando Llorente, MarianoiyoFederico Fazioayaa iyagana ku guuldareystay inay qeyb ka noqdaan kooxda u safreysa Barcelona.

Warka u wanaagsan Sevilla ayaa ah in xiddiga garabka ka ciyaara Vitolo inuu ku soo laabto kooxda ka dib dhaawac ka soo gaaray kulankii horyaalka ee ay isbuucii hore barbaraha la galeen Rayo Vallecano.

SHAXDA MACQUULK AH:

Barcelona (4-3-3): Bravo; Vidal, Pique, Mathieu, Alba; Busquets, Roberto, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Sevilla (4-2-3-1): Rico; Coke, Rami, Kolodziejczak, Tremoulinas; Cristoforo, N’Zonzi; Vitolo, Iborra, Krohn-Dehli; Gameiro




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip