Cawad oo faah faahiyey wada-hadalladii uu la yeeshay dhiggiisa Kenya

0
Thursday March 12, 2020 - 10:10:35 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawad oo faah faahiyey wada-hadalladii uu la yeeshay dhiggiisa Kenya

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo,waxaana Wasiirka uu faha faahin ka bixiyey wayaabihii ay ka wada hadleen. Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo,waxaana Wasiirka uu faha faahin ka bixiyey wayaabihii ay ka wada hadleen. Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood. Waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyey in dhowr mar ay wada hadallo yeesheen Madaxda labada dowladood,hayeeshee uusan dhaqan gelin heshiis ay wada gaareen,waxaana uu sheegay in labada dhinac ay dadaalayaan uuna rajeynayo in heshiiskaan la dhaqan geliyo. Ugu dambeyn waxaa uu Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu beeniyey Warar soo baxayay oo sheegayay in wada-hadalladaan ay cadaadis kus aareen Soomaaliya dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya,waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay tahay xur,isla markaana wada-hadalkaan uu ka yimid dhinaca Madaxweyne Farmaajo si loo badbaadiyo Shacabka Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera maadaama dagaalkii halkaasi ka dhacay uu khilaafka xoojiyey. Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxaa ay Muqdisho u soo dirtey Wafdi Wakiil ka ah Madaxweynaha dalkaas,iyaga oo kulamo la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip