Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland

0
Thursday March 12, 2020 - 10:05:01 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland

    Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo xalay saqdii Dhexe lagu qaadey Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari. Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo xalay saqdii Dhexe lagu qaadey Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari. Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhiga Af-urur ee gobolka Bari,waxaana dad ku sugan gobolka Bari ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta culus. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah,waxaana warar kale oo la helayo ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay madaafiic ugu jawaabeen Al-Shabaab. Al-Shabaab oo ka hadley weerarka madaafiicda ah oo ay la beegsadeen Saldhiga Af-urur ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhowr madfac ku tuureen Gudaha Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Af-urur,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada. Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Af-urur weli kama hadlin weerarka madaafiicda ah ee lagu qaadeey,iyada oo 15-kii Bishii November ee sanadkii 2019 weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigaas ay ku dhinteen laba askari laba kalena ay ku dhaawacmeen. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip