HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 12-MARCH-2020

0
Thursday March 12, 2020 - 10:01:08 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 12-MARCH-2020

    DFS oo kafaala qaadey Nolosha Carru ur oo ka geeriyoodey Wariye ka tirsanaa Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxa med C/hi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardi meli ee M/Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DFS oo kafaala qaadey Nolosha Carru ur oo ka geeriyoodey Wariye ka tirsanaa Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxa med C/hi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardi meli ee M/Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ahaa Wariye ka tirsan Cii danka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxu umka ayaa sheegay in dowladdu ay damm aanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaa ma Aabahood uu u dhintey dalka iyo dadka Soomaaliyeed. "Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaa sir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difa aca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada ka le ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka". Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadi ga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-ga la gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalab kiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin u ga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha Ciidanka Qa labka Sida ay ka soo hoynayeen la-dag aalanka Al-Shabaab

Cawad oo faah faahiyey wada-hadalla dii uu la yeeshay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashi ga Caalamiga, Md.Danjire Axmed Ciise Ca wad ayaa Shalay wadahadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raych elle O mamo,waxaana Wasiirka uu faha faahin ka bixiyey wayaabihii ay ka wada hadleen.

Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khil aafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood.

Waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyey in dhowr mar ay wada hadallo yeesheen Mada xda labada dowladood,hayeeshee uusan dhaqan gelin heshiis ay wada gaareen, wax aana uu sheegay in labada dhinac ay dada alayaan uuna rajeynayo in heshiiskaan la dhaqan geliyo.

Ugu dambeyn waxaa uu Wasiirka Arrima ha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu beeniyey Warar soo baxayay oo sheega yay in wada-hadalladaan ay cadaadis kus aareen Soomaaliya dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya,waxaana uu sheegay in Sooma aliya ay tahay xur,isla markaana wada-hada lka an uu ka yimid dhinaca Madaxweyne Fa rmaajo si loo badbaadiyo Shacabka Maga alooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera maa daama dagaalkii halkaasi ka dhacay uu khil aafka xoojiyey.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxaa ay Muqdisho u soo dirtey Wafdi Wakiil ka ah Madaxweynaha dalkaas,iyaga oo kulamo la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Maxa med C/hi Farmaajo.

Shir Muqdisho ku dhexmaray QM iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya

R/wasaare ku-xigeenka JfS, Md. Ma hdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gud do omiyay shir dhex maray DfSiyo Q/Midoo bay oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Q/Midoobay iyo sii wadidda taageer ada Q/Midoobay ee shacabka iyo DS.

R/Wasaare ku-xigeenka oo Q/M uga ma had celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo D/Somaliya ayaa caddeeyay in D/S ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, la na sii xoojiyo wa da shaqeynta ka dhexey sa dowladda iyo Q/Midoobay si loo hagaa jiyo qorshaha adee gyada bulshada ee mu hiimka ah lagu gaa rsiinayo shacabka Soo maaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta Q/Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaa diyay horumarrada laga sameeyay dib-u-ha beynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wan aagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqe ynayaan gaaridda hormar ballaaran oo horm uud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaal iyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xig eenka wakiilka xogyahaya guud ee Q/ Mido obay u qaabishan arrimaha Soomaali ya,ah na isku dubba ridka arrimaha garg aarka dal ka, Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin kaloo ka socotay UNDP, WFP,UNOPS,UNHCR, UNIDO,UNICEF, UNFPA, WorldBank, FAO ,IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO.

Itoobiya oo qabatay hub sharci darro ah

Saraakiisha sirddoonka Itoobiya waxay u sheegeen Telefishinka D/Itoobiya inay qab teen koonteenar uu ka buuxo hub sha rci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dek edda Jabuuti.

Saraakiisha waxay sidoo kale shee geen inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dho ofiyay dhinaca Turkiga isla marka ana ay Ito obiya soo geliyeen kooxo caala mi ah oo ka ganacsato hubka sharci darra da ah, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Hubkan waxaa ku jiray ilaa 18,000 bas toolad, waxaana qiimahiisu lagu qiyaasay 13 Malyan oo doolar.Saraakiisha waxay ka dha waajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga sha kisan ya hay hubka, labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen Suudaan

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Odayaasha Xeraale & Huurshe Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxaa uu M/ Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaa sha Dhaqanka ee Deegaanada Xeraale iyo Huurshe. Madaxweyne Qoorqoor ayaa Oda yaasha Xeraale iyo Huurshe ka dhageystay warbixin la xiriirta, sida uu u dhaqangalay he shiiskii nabadeed ee kal horey uu dhex dhi gay R/Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Kheyre.

"Madaxweynaha Galmudug oo ku gudajira nabadeynta deegaanada Galmudug iyo sidii xal waara looga gaari lahaa, looguna wada noolaan lahaa nabad iyo iskaashi, Hormar.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxt ooyadda Galmudug. Md.Xasan Cali Khayre, R/W.Somaliya ayaa sanadkii hore heshiis na badeed kala dhex dhigay Odayaasha Dhaq anka Xeraale iyo Huurshe, ka dib muddo 3 sano oo ay u dhaxeysay colaad, ay dad ba dani ku waxyeeloobeen.

Uhuru Kenyatta oo qaaday tallaabo uu Farmaajo uga soo marayo Abiy Ahmed

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa Talaadadii M/ Addis Ababa kula kulmay R/was aa raha Itoobiya Abiy Ah med Ali, oo uu kala ha dlay dadaallada la do onayo in lagu qabooj iyo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

Matiang’I iyo wafdigiisa ayaa Addis Ab aba tagay kadib markii ay Muqdisho kula soo kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo, oo ay isku soo raa ceen inuu soo booqdo Kenya waqti aan weli la shaacin.

Qoraal kasoo baxay W/Arrimaha/ G/Ken ya ayaa lagu sheegay in Fred Matiang’I uu diray Uhuru Kenyatta si uu ula soo kulmo Abiy.

"Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa inuu wada-hadallo lasoo galo Abiy u diray mada xweynaha Kenyatta, ayada oo qorshaha uu yahay in Itoobiya ay Kenya kala shaqeyso si dii ay u hormarin lahayd xiriirka Soomaali ya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Faah-faahin dheeraad ah lagama bixin ku lanka labada mas’uul. Itoobiya ayaa la rum eysan yahay in madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo ay ku cadaadisay inuu talee fon kula hadlo Uhuru Kenyatta, si xiisadda xuduudda loo qaboojiyo.

R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ay aa aad ay isugu dhowyihiin madaxwey ne Farmaajo, oo uu hadda ka hor u kaxee yey Nayrobi, lana soo kulansiiyey Uhuru Keny atta. Kenya ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan G/Gedo ay awood u leedahay inay wax badan ka dhaadhiciso madaxweyne Farmaajo, oo ciidamadeeda ay taageero siiyaan.


Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Mashruuca Waxbarashada IFIYE

Madaxweynaha dowladda Puntland Md. Siciid C/Deni ayaa Daah-furay Mashr uuc W axbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifi ye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Was iirka Wasaaradda Wax barashada iyo Tacliin ta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq

Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee G/Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuse en oo ka mid ah Aasaas ayaasha Mashru uca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale.

Mashruucan oo in muddo ah howshii sa laga soo shaqaynaayey waxaaka faa ’iiday san doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa D/Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Ma shruucani waxa uu

xoogga saarayaa Waxbarashada Caruur ta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyada (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka. Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan Taageeraysa ayaa diiradda saa raya in 10,000 oo Kambiyuutar loo gadaayo Ar dayda dugsiyada Puntland, waxaana ma shruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo isku gu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Md.Dani ayaa balan qaa day in Madaxt ooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerays o mashruuca 1,000 Kambiyuu tar si kor loo gu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadoo yinka Sayniska. Md.Dani oo Mashruucan da ah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda

uu u leeyahay ardayda Puntland. Sidoo ka le W/Waxbarashada ku booriyay inay si ho ose u eegaan Waxbarashada farsama da gacanta.Ugu dambayn, Md. Deni ayaa u ma had celiyey W/W/Puntland iyo Qurba joo gta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-da armay in mashruucan iyo kuwa

lamidka ahba la dhowro.

7 qodob oo laga soo saaray shirkii saa mileyda siyaasadda Soomaaliya ee Nayirobi

Shir ay isugu yimaadeen saamileyda siya asadda Soomaaliya, oo looga hadlay musta qbalka siyaasadeed ee dalka iyo doorashoo yinka la dilayo ayaa 10-kii March ka dhacay M/Nayirobi.

Shirkan heerkiisu sarreeyo oo ahaa kulan kiisi 3aad, ayaa waxaa ka qeyb-gal ay mad ax kala duwan oo ka kala socotay, G/Shac abka JFS, dhammaan D/G-yada, G/Banaad ir, Xisbiyada, iyo Bulshada Ray idka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarey han na anka doorasho ee suuragalka ah haddii ay dhici weydo doorashada Qaranka ee hal qof iyo hal cod oo ku salaysan sharci ga doora shooyinka ee dhowaan la ansixi yey. Dhammaadkii shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobada hoos ku qoran

1. Xubnaha ka soo qaybgaley waxay si qo todheer oo aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay uga doodeen una lafa gure en xaaladda siyaasadeed ee dalka iyaga oo si gaar ah ugu kuurgalay doorashooyin ka ku beegan dabayaaqada sannadka 20 20ka iyo culeysyada baaxadda leh ee ku xeeran in doorasho qof iyo cod ah oo loo siman yahay ay dalka ka qabsoonto.

2. Waxaa la is xasuusiyey in muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ay ku eg ta hay 26 Diseembar 2020. Maalintaas oo sha rci ahaan ku asteysan xilliga lama dha afa anka ah ee ay tahay inay soo dhamm aato doorashada xubnaha G/Shacabka iyo wakiill ada Dowladaha Xubnaha ka ah DF/Soomaa liya.

3. Xubnaha shirku waxay si wadajir isugu raaceen in Baarlamaanka iyo XF ee haatan xilka haysa aan muddo kordhin loo sameyn karin laguna sababayn karin waq tiga gaa ban ee ka harsan muddo xileedka, xaalad amni, dhammeystirka xeerarka sha rciga do orashooyinka Qaranka ee uu Baar lamaanku gacanta ku hayo iyo khilaafka siyaasadeed.

4. Haddaba Shirku isagoo si weyn uga baaraandegay khataraha ka iman kara mud do kororsi loo sameeyo Baarlamaanka, Laan ta Fulinta ama 2daba waxay hoosta ka xarri iqeen inay lagama maarmaan tah ay in la he lo hannaan 2aad oo suuragelin aya doora shooyinka qaranka ee heer Federaal. Sidaa darteed waxay soo jeediye en qodobadan hoos ku taxan;

a) – In lagu qabto doorashada Goleyaa sha Qaranka 2020 hannaan ku salaysan do orasho dadban oo ka tayo sarreysa doo rashooyinkii 2016.

b) – Hannaankan kuraasta Goleyaashu waxay ku astaysan yihiin nidaamka saami qaybsiga matalaadda beelaha ee 4.5ka ee lagu heshiiyey.

c) – Murashaxa Golaha Shacabku wux uu ku imanayaa magacaabista axsaabta ras miga iyo murashax madaxbannaan.

d) – Tirada codbixiyayaasha ee kuraas ta G/Shacabka waxaa kor loogu qaadayaa ilaa boqol iyo kow (101) codbixiye ugu yar aan.

e) – Iyada oo kursigu jufeysanyahay haddana waxaa wadajir ugu codeyn kara codbixiyayaasha deegaanka kuraasta loo tartamayo oo ku salayasan heer Dowlad Goboleed.

f) –Xubnaha Aqalka Sare waxay ku im an ayaan hannaankii doorashadii 2016kii sidaa darteed waxaa wadajir u dooranaya Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ay mat alaan.

5. Shirku wuxuu aad uga baaraandeg ay nidaamka lagu suuragalin karo Doora shoo yinka xubnaha 2da Gole ee Baarlama anka JFS kasoo galaya Gobolada Waqoo yi (GW)-Somaliland ayadoo maanka lagu hayo duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran in doorashadu ka qabsoonto deegaanada ay matalayaan.

a) – Sidaa darteed shirku wuxuu isu ra acay in doorashada xubnaha labada Gole ee ka soo jeeda Soomaaliland loo samee yo habraac gaar ah oo lagu dhiso guddi doorasho oo heer Soomaaliland ah oo ka kooban waxgaradka ka soo jeeda GW-Somaliland.

b)– Guddiga doorashooyinka ee heer Somaliland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaaliland ayaa wada jir go’aan uga ga araya astaynta goobaha doorashada iyo hannaanka lagu xajiinayo dhowrista hufn aanta doorashada iyo xulista howlwadeen nada farsamo ee maamulaya iyo goobaha codbixinta ee heerkan si waafaqsan nida amka doorashooyinkan.

c) – Doorashada xubnaha labada Go le ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda GW-Somaliland waxay ka qabsoomi kar taa magaaladii iyo meeshii suuragal ah oo ammaankeedu suganyahay oo suuragel ina ysa in si sahlan looga codbixin karo, go obj oogayaasha korjoogeyaashana u furan sida G/Banaadir iyo caasimadaha D/G/da. 6. Shirka waxaa ka soo baxay hi ndise doora sho (Election Proposal) oo faah faahi naya nidaamka doorasho ee suuragal ka ah ka asoo lala wadaagayo dhammaan sa am ile yda siyaasadeed ee Soomaaliya.

7. Shirku wuxuu ku baaqayaa in si deg deg ah loo qabto shirweyne ay ka soo wa da qaybgalaan Saamileyda siyaaseed sida XFS,D/Goboleedyada iyo Axasaabta Siyaa saddu si looga wada xaajoodo han naanka doorashooyinka 2020/21 iyo arrim aha siyaasadeed ee ku hor gudban hanaq aadka nidaamka Federaalka iyo dimuqur aadiyad da. =DHAMMAAD=

Saciid Deni oo ka jawaabay CABASHO ka soo yeertay ardaydii loo qaaday Itoobiya

Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi (Deni) ayaa markii ugu horreysay ka jawa abay cabashadii dhowaan ka soo yeertay arday uu maamulkaasi u diray M/Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dalka Itdoobiya.

Md.Deni ayaa meesha ka saaray in ar daydaasi loo diray waxbarasho Jaamacad eed,balse wuxuu sheegay in looga faa’iide eyey fursado lagu barayo xirfado kala duw an oo ay ka heleen D/deegaanka Sooma alida, sida uu hadaka u dhigay.

Sidoo kale tirada saxda ah ee ardayda ayuu ku sheegay illaa 70 arday oo ka bax ay deegaanada maamulkaasi. "Maalin dha weyd 70 arday oo xirfado baranaya ayaa dowlad-deegaanku nagu caawiyey, waxaa lay tusay muuqaal laga soo duubay oo ay diid deen;mid baa soo noqday wuxuu yir, anigu Tumaal ma noqon karo; ma wuxuu rabaa in uu fadhi ku dirir noqdo, annagu waxa aan dhiirigelinaynaa waa waxsoo sa arka iyo farsamada.” ayuu yiri Siciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu carrabka ku dhu ftay inay jiraan dad badan oo cadow ku ah Puntland, islamarkaana faafinaya weerar liddi ku ah maamulkaasi. Puntland ayaa in muddo ah dhaleeceyn kala kulmeysa ard ayda ku sugan deegaanadeeda oo illaa iyo hadda aanan helin shahaada dugsiga sare,

DF/Soomaaliya.

WHO oo ku dhawaaqday Caabuqa Coro na inuu yahay Musiibo Caalami ah

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhaw aaqday in Caabuqa Corona uu yahay mus iibo caalami ah.

WHO ayaa in muddo ah isha ku heys ay dhaq-dhaqaaqa cudurkan. Ururka Caaf imaadka Adduunka ayaa Shalay ku dhaw aaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fay rasku, 114 dal oo adduunka ah.

Agaasimaha WHO ayaa Caalamka u gu baaqay in la qaado tilaabooyin deg deg ah loo baahan yahay in wax looga qabto dhibaatada taagan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowl adda Shiinaha ay tahay Tusaalaha Wana agsan ee hortagga Coronovirus.

Madaxweynaha Afghanistan oo Go’aan ku dhawaaqay

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Habeen hore waqti danbe xilliga Afgh anistan soo saaray wareegto ogol aaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daa yo kum anaan ka tirsan ururka Taliban, taa soo wa dda u xaareysa in milatariga Mar eykanka ay ka baxaan Afghanistan. Arri ntaan ayaa qeyb ka aheyd heshiis kii ay Tal iban iyo Mareykanka dhawaan ku gaareen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo hadafka ugu weyni yahay in lagu soo afjaro colaadda dalka Afghanstan ka jirta mudda 19-ka sano.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanstan uga baxaan dhamaan ciidamada Mare yk anka iyo kuwa xulufada lah ee NATO, halka Taliban looga baahanyahay in ay dib-u-heshiisiin siyaasadeed la gasho dowladda Afghanstan.

Mareykan durbaba wuxuu billaabay in uu ciidanka kasoo saaro. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa mu ddo 135 cisho gudahood. Ciidanka Marey kanka ee Afganstan jooga ayaa hadda ah 13 kun

Dadka magac leh ee uu ku dhacay Coronavirus

Tan iyo markii uu caalamka ku fiday Caabuqa cusub ee Corona, inkastoo uu soo ritay dad badan oo rayid ah, haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ku dhacay dad caan ah iyo madax ka tirsan dowlado.Qaar ka mid ah madax da caal amk a, ayaa loo soo jeediyay inay iska baar aan Caabuqa ama ay karantiil iskood ah galaan.

Waddanka Iiraan ayey mas’uuliyiinta u gu badan ku qaadeen Corona, halka qaar na lagu soo warramay inayba u geeriyood een.

Ilaa 7 mas’uul oo u dhashay waddanka as ayaa lasoo tabiyay inuu gaaray cudurka, halka wadaad caan ahna uu u geeriyooday. Dalka Mareykankana, shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo hal siya asi oo xisbiga Dimuqraaddiga ah ayaa isk ood isku karantiilay ka dib markii ay dare emeen inay halis ugu jiraan Caabuqa.

Siyaasiyiintan oo qaarkood ay yihiin ku wa ugu caansan xisbiga talada haya ee Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii la soo dhaafay la kulmay qof uu ku dhacay Corona.

Madaxweyne Donald Trump iyo ku xoge enkiisa, oo qudhooda goob joog ka ahaa shirkaas ayaa diiday inay iska baaraan cudurka ama ay is karantiilaan.

Haddaba maxaan ka ognahay dadka magaca leh ee illaa hadda la xaqiijiyay in laga helay caabuqa Corona?

UK waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula tacaalayan Caabuqan kusii fida ya dunida daafaheeda.

Ilaa 382 ruux ayuu cudurkan kula dhac ay gudaha UK, halka 6 qof oo kalena ay ilaa hadda ugu geeriyoodeen dalkaas gudihiisa. Dadka uu Caabuqa haleeyay waxaa ka mid ah haweeneysa Wasiirka Caafimaa dka ka ah UK, Nadine Dorries.

Ms Dorries ayaa sheegtay inay si iske ed ah isugu karantiileysay gurigeeda.

Xildhibaannadda xisbiga Shaqaalaha, Rachael Maskell ayaa iyadana sheegtay in lagu amray inay gurigeeda isku karantii sho, maadaama ay la kulantay Ms Dorries.

W/Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Ms.Dorries markii ugu horreysay calaama daha Caabuqa lagu arkay maalintii Khami ista.

Isla maalintaas waxay ka qeyb gashay shir uu marti galiyay R/ Wasaaraha.

Madaxda Iiraan ee uu ku dhacay Caabuqa Corona waxaa ka mid ah Masoumeh Ebt ekar, oo ah madaxweyne ku xigeenka arri maha haweenka u qaabilsan madaxweyna ha dalka Iiraan Xasan Rowxaani.

Masoumeh Ebtekar, oo sidoo kale ah haweeneyda xilka ugu sarreeya ka heysa dalka Iiraan ayaa cudurka laga helay daba yaaqadii bishii lasoo dhaafay, sida uu she egay ku xigeenkeeda.

Waxaa lagu amray inay gurigeeda iska joogto, si iskeed ah isku karantiisho.

Waxay ahayd sarkaalkii 7-aad oo reer Iiraan ah oo uu Caabuqa haleelay.

Iiraan waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Corona, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii ugu horreysay ee uu kasoo billowday.

Iraj Harirchi wuxuu ka mid yahay mad axda reer Iiraan ee laga helay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19.

Ninkan ayaa lagu eedeynayay inuu ka mid ahaa saraakiisha dalkaas ee isku day eysay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee uu haleelay cudurka. waxaa la shaaciyay muuqaal laga ark ayay wasiir ku xigeenka oo indhaha iyo wa jiga ku tirtinaya istiraasho, taasoo la aamin san yahay inay ka mid tahay calaamadaha Coronavirus. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama fila anka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iira an uu yahay ‘Mid walaac abuuraya’.

Waaxda caddaaladda ee Iiraan ayaa amartay in si KMG ah xabsiyada looga sii daayo maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000 oo ruux, si loo yareeyo fiditaanka cudurka.

Tirada guud ee maxaabiista ku xiran gudaha Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 189,500 oo qof. Dadka kale ee caanka ah ee laga helay Corona waxaa ka mid ah ganacsad aha leh kooxaha kubadda cagta ee Nottin gham Forest iyo Olympiakos, Evangelos Marinakis

Marinakis, oo 52 jir ah, ayaa ka qeyb galay kulan ay Jimcadii kooxdiisa Nottingh am Forest la ciyaareysay kooxda Millwall.

"Mr Marinakis waxaa laga helay cudurka ka dib markii ay kasoo muuqdeen calaam adaha Caabuqa, xilli uu kasoo laabtay waddanka Giriigga.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxdiisa Forest.

Marinakis ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa Instagram-ka ugu sha aciyay inuu ku dhacay Caabuqa. BBC.

Guddoomiyaha Hiiraan oo safar shaqo ku tegay degmada Buula-barde

Guddomiyaha G/Hiiraan ee D/G/HirSh abeelle Cali Maxamad Caraale oo maal mahii la soo dhaafay safar shaqo ku joog ay D/Buula-barde ee G/Hiiran ayaa dib u gu soo laabtay M/B/weyne G/Hiiraan.

safarka gudoomiye Md.Carraale uu ku tagay D/Buula- barde ayaa waxaa ujeed adiisu ahayd xallinta

khilafkii maamulka D/Buula-barde iyo odayaasha dhaqanka degmada .

Guddomiyaha G/Hiiraan ee D/G/HirSha beelle Md.Caraale intii uu D/Buula burde ku sugnaa waxa uu kulummo la qaatay od ayaasha dhaqanka iyo sarakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwo Amisom ee nabad ilalinta u jooga D/Buula barde. sido kale waxa uu u kuur galay xaladaha Amni iyo nololeed ee dagmada.

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray D/Baraawe

D/Baraawe ee G/Sh/Hoose waxaa Ma anta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Safi irka midowga Yurub ee Soomaaliya ,iyada oo siwyen halkaasi loogu so dhaw eeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaarada ha D/Baraawe kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaadiidka & dekadaha Maamulka K/G, G/ G/Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Xubno kale.Wafdiga M/Yurub ka socda ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee Dhismaha garoonka maada ama qarashka lagu dhisay Garoonka qeyb ka mid ah uu bixiyey Midowga Yurub.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kul an la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maa mul ka K/Galbeed ee ku sugan deg mada as, kaas oo looga hadli doono masha ariic

Laga fulinaayo degmadaasi Baraawe.


Go’aan kasoo baxay Sacuudiga oo meel sare gaarsiiyey xiisadda kala dhaxey so Ruushka

Waxaaa sii xoogeystay oo meel sare ga aray dagaalka dhanka Saliida ee u dhax eeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Ruu shka, kadib tallaabo cusub oo ay ku dhowaaqday dowladda Sacuudiga.

Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa Arbacada sheegtay Inay qorsheyneyso inay wax soo saarkee da saliid ceyriin ay ko rdhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaal ka shidaalka ee u dhaxeeya Sacuu diga iyo Russia.

"Saudi Aramco waxay ku dhowaaqey saa inay amar ka heshay wasaaradda tam arta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda Saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil ma alinkii, islamarkaana gaarsi iso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tiri baya an ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiy ada ee Sacu udiga.

Tallaabada Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dal alka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka aheyn, oo Russia ay qeyb ka tahay.

Sacuudiga ayaa markii hore soo jeediy ey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola taca alo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida cay riin ee caalamka. Hase yeeshee wax aa taas diiday Russia.

Dhowr sano ka hor, boqortooyada Sac u udiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida ceyriin uga ba din lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkii ba k adib markii hoos u dhac uu ku yimid dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Marey kanka ee soo sa ara shidaalka laga same eyo dhagaxa.

Russia, oo ah dalka 2aad ee dhoofiya Sal iidda ugu badan caalamka, ayaa Talaa dadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cus booneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sacuudiga kasii dar ay dagaal ka kuna dhowaaqay inuu suuqya da caamal ka ku soo farqi doobno shidaal badan.

Isku dhaca Sacuudi Carabiya iyo Rus sia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shid aalka caalamka, taasi oo horseeday in guud aha an suuqyada saamiyada caalam ka ay qiimo dhacaan. Abiy oo wasiir u magacaabay Ga bar Soomaali ah

R/wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Ito obiya. Filsan Cabdullaahi Axmed , oo ah ha weenay u dhaqdhaqaaqda arrimaha hawe e nka ayaa loo magacaabay Wasiirka Haween ka , dhallinyarada iyo Carruurta xuk uumad da Federaalka Itoobiya. "Maareeyaha guud ee Nabad TV, Marwo Filsan Cabdullaahi Axmed , ayaa loo magac aabay wasiirka wa saaradda Arrimaha Haw eenka, Dhalli nyarada iyo Carruurta ee dalka Itoobiya." Ayuu baahiyay telefishinka Nabad ee ka howlgalla deegaanka Soomaalida Itoo biya.

Filsan Cabdullaahi , ayaa ka mid aheyd qu rbajoogta gobolka Soomaalida ,iyadoo mud do kooban ku noqotay dadka saameynta leh ee gobolka ka soo jeeda, waxay aas aastay telefishinka kaliya ee madaxa bannaan de egaanka ee Nabad tv.

Puntland: Badeecad kasta oo canshuur ta lagala dhuunto dowladda la wareeg ays

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha gu ud ee dowladda Puntland

Maxamed Xareed Faar ax, oo warbaah inta kula ha dlay Garoowe, ayaa fasaxay in dowladdu la wareegi karto Badeecad kast oo ka soo degta furdooyinka Puntland, ha ddii lagala dhuunto Ca nshuurta ku waaaji btay.

"Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowlad da Puntland, wuxuu la socod-siinaya dha mmaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala ba xsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka W/Maaliyad da, wax aan u sheegayna ganacsatada in dhamm aan badeecaddaas ay la wareegay so dowl adda” ayuu yiri Maxamed Xareed

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ganacsade kasta oo lagu qabto inuu canshuur la dh uu ntay, ay Xeer ila alintu ku soo oogi doonto dac wad-ciqaab eedka uu mutaystay, islam arkaana la hor-geyn doono maxkamadaha Sharciga u lehqaadista dacwaddaas.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sidoo kale dowladda u fasa xay inay la wareegi karto gaadiid kasta oo la gu qabto kotorobaan (shay aan sharciy ay sneyn), waxaana uu ku hanjabay in cid kas ta oo leh gaadiidkaas sharciga la hor-geyn doono.

Somaliland oo war cusub ka soo saar tay maalgashiga Itoobiya ee Deked da Berbera

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Md.Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay war baahinta ayaa ka jawaab ay warbixin Dorraad uu daab acay wargeys ka Capital ee ka soo Addis Aababa, kaas oo shaaciyey in D/toobiya ay joojisay ma al gashigii ay ku laheyd horumarinta deked da Berbera.

Wasiir Faratoon ayaa gaashaanka u dar uuray warbixintaasi, isagoona ku tilma amay waxba kama jiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya oo ku aadan arrintaasi, sidoo kalena uus an jir in xiriir ay la soo sameyn dhinacooda. W/arrimaha dibadda maamulka So malil and oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilma amay in heshiiskii ku saabsanaa hor umar inta iyo ballaarinta dekadda M/Berbe ra oo ay horay ula galeen wadamada Ito obiya iyo Imaaraadka uu sidiisa yahay.

Dorraad ayey aheyd markii Capital uu qoray inay Itoobiya hakisay mashruucaasi, islamarkaana ay qorsheyneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Sudan. Heshiis ka Dekedda Berbera ayaa ah mid 3 geesood ah, waxaana Imaaraadka uu ku leeyahay 51 %, sidoo kale Itoobiya ayaa leh 19%, halka Soomaaliland ku leed ahay 31%.

Sababta keentay in Africom ay kordhiya an weerarada ka dhanka ah Al-Shabab

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRI COM, Stephen Townsend ayaa faah faa hin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howl gallada iyo duqeyma ha ka dhanka ah dagaalya hanna da Al-Shabaab oo weli ku xo ogan Soomaali ya. Towns end ayaa shee gay in sab abta ay sare ugu qaadeen howl galladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lah aa awooda Al-Shab aab, isagoo tilmaamay in ay weli qatar ku tahay gobolka.

idoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii xooganaa oo ay dagaalyahanna dooda dhowaan ay ku qaadeen xerada Ma nda Bay ee dalka Kenya.

"Al-Shabaab waa khatar, waa garab ka mid ah Al-Qaacida, waxa aynu aragnay iya ga oo fulinaya howlgalo dibadda ah, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhig Ciidama da Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku le eyihiin Xerada Manda Bay ee Kenya, wa xaa halis u ah in ay bartilmaameedsan kar aan muwa adiniinta Mareykanka xitaa gud aha dalk eena, si dhaqsi ah ayay u awoodi karaan” ay uu yiru taliyaha ciidamada AFRI COM. Si doo kale wuxuu tilmaamay in duqey maha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaali ya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeey ey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

"Sababta loo kordhiyay duqeynta Mar eykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaa qa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood ka hor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradoo da ay ka tallaabeen xuduud da” ayuu marka le yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka si da weyn DFS uga taageero dagaalka Al-Shab aab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonf urta iyo bartamaha Somaliya.


Askar ka tirsanaa ciidamada BURUNDI oo qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula bartilma ameedsaday duleedka D/Mahadaay oo G/ Sh/Dhexe ee maamulka Hir Shabelle.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ay aa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Burundi lala eegtay xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaani ay ku geeriydooeen ugu yaaraan illaa 2 askari oo ka tirsanaa askarta Burundi, iya doona ay ku dhaawacmeen tiro kale. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo tilma amtay inuu haleelay gaari nooca gaashaa man oo ay wateen ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMIS OM, gaar ahaan taliska ciidaka Burundi ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidama da dowladda iyo kuwa AMISOM marka is aga kala goshayaan D/nada HirShabelle

Mareykanka oo dad rayid ku laayay duqeyn uu ka gaystay Sh/hoose

Diyaaradaha Mareykanka ayaa dad shacab ah waxa ay ku laayeen G/ Sh/ho ose, kadib markii duqeyn ay ku garaaceen gaari maraayay duleedka Janaale.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay Homy/ Caasi, ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah waxaana uu ku sii jeeday M/ Muqdisho, balse markii uu maraayay dee gaanka ugunji ayaa duqeynta lagu garaa cay.

3ka mid ah 4ta qof ayaa waxa ay xidid la yihiin qoys caan ah oo la yiraahdo reer Xaaji Xayaysi, sida uu Warbaahinta ku ha dasha Afka Shabaab u sheegay Xaaji Nu ur Xaaji Xayaysi.

Xaajigu wuxuu sheegay in C/raxmaan Cali Waadhoor iyo Maxamad Axmad Sh/I sxaaq ay yihiin seediyaashii kuwaas oo ay carruur u dhaleen laba gabdhood oo reer Xaaji Xayaysi ah.

Wuxuu tibaaxay inay horey u geeriy oodeen 2da gabdhood ee ay raggan see diyaashii ah ka qabeen islamarkaana ay haatan la tacaalayeen 10 carruur ah oo gabdhahaasi ka dhinteen.

2da ruux ee kale oo dhintay ayaa waxa ay kala yihiin darawalkii waday gaariga & Oday kale oo saarnaa gaariga. Sawirada laga soo qaaday duqeyntan Mareykanka uu ku laayay dadka shacabka ayaa ah ku wa aanan la fiirin karin, marka loo eego sida dadka loo laayay.

Gabar Soomaali ah oo Xil Wasiir looga Magacaabey Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy A-xmed ayaa Gabar Soomaali ah kana soo je-eda deegaannada dowlad deegaanka Soo-maalida Itoobiya waxaa uu markii ugu hor-eysay xil Wasiirnimo uga Magacaabey Dow-ladda Federaalka Itoobiya.

Wasiirka Haweenka iyo Carruurta It-oobiya ayaa loo Magacaabey Filsan Cabdu-llaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Tel-efishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo (Nabad TV).

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa waxaa ay kamid tahay dhalinyarada ku dha-shay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobi-ya,isla markaana ugu firfircoon,waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta ba-dan Soomaalida dowladd eegaanka.


BOGGA CAYAARAHA


Mid ka mid ah cayaartoyda kooxda Juventus oo laga helay cudurka

Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa ku dhowaaqday in daafac dambeedka dhexe ee kooxdaas iyo xulka qaranka Talyaa-niga Daniele Rugani laga helay cudurka CoronaVirus.

Kooxda Seria A-da ayaa sheegtay "inay ku dhaqaaqeyso dhamm-aan xeerarka go’doominta ee sharcigu dhigayo” oo lagu sameynayo dhammaan dadkii uu xiriirka la sameeyey Rugani.

Juventus ayaa sheegtay in Rugani oo 25 jir ah "aan hadda lagu arag” astaamaha cudurka.

Dhammaan cayaaraha Talyaaniga ayaa la hakiyey ilaa 3-da April ayada oo dalka oo dhan la geliyey xanibaad, sababo la xiriira dillaaca cudurka CoronaVirus.

Rugani ayaa xilli cayaareedkan u saftay Juventus toddoba kulan oo kaliya, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Inter Milan uu fadhiyey kursiga keydka.

Waxa uu Juventus kula guuleystay afar horyaal oo Serie A ah, wuxuuna toddoba kulan u saftay xulka qaranka Talkyaaniga, isaga oo kulankii ugu dambeeyey saftay 2018.

Dowladda Talyaaniga ayaa Arbacadii ku dhwoaaqday talla-abooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka, wax-aana ka mid ah in la xiray dhammaan dukaamada marka laga reebo kuwa cuntada iyo farmashiyayaasha.Dalka Talyaaniga waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 12,000 oo kiis cudurka CoronaVirus ah, waxaana dhimashada ay mareysaa 827 qof.

Kooxaha PSG iyo Atletico Madrid oo u gudbay wareega siddeed dhamaadka UCL, kaddib markii ay garaaceen Liverpool iyo Borussia Dortmund…

Kooxda Atletico Madrid ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen Liverpool wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay farqiga goolasha ee 2-4 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 43-aad Liverpool ayaa la timid gool, waxaana 1-0 ka dhigay dheesha Georginio Wijnaldum, kaddib markii uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay Alex Oxlade-Cham-berlain.Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta iyaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay Liverpool, waxaana loo baahday in dheesha lagu daro 30 daqiiqo dheeri maadaama ay Atletico Madrid ku soo adkaatay 1-0 kulankii lugta hore.

Daqiiqadii 94-aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Liverpool ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Roberto Firmino.

Laakiin 97-aad kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay Marcos Llorente, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joao Felix.

Markale daqiiqadii 105-aad kooxda Atletico Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca ee ciyaartan, waxaana markale gool qurux badan ka dhaliyay Marcos Llorente, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Alvaro Morata ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay bar-bardhac 2-2 ah.

120 daqiiqo Atletico Madrid ayaa dhalisay goolka guusha, waxaana 2-3 ka dhigay Alvaro Morata, waxaana goolkan ka caawiyay Marcos Llorente.

Ugu dambyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Atletico Madrid, waxayna kooxda reer Spain sidaas ugu gudubtay wareega xiga ee siddeed dhamaadka tartankan, kaddib markii ay ku soo baxday cel celis ahaan labadii lugood ay ku ciyaareen wareega 16-ka 2-4.

Dhinaca kale kooxda PSG ayaa kaga adkaatay Borussia Dortmund 2-0 kulankii lugta labaad wareega 16-ka UEFA Champions League, waxayan u gudubtay wareega xigga ee siddeeda, kaddib markii ay cel celis ahaan labada kulan ay wada ciyaareen ku soo baxday 3-2, goolasha kooxda reer France waxay ka kala heshay Neymar Jr iyo Juan Bernat.

EUROPA LEAGUE - ROUND OF 16MARCH 12

20:55 Eintracht Frankfurt ? - ? Basel

20:55 Istanbul Basaksehir ? - ? FC Koebenhavn

20:55 LASK ? - ? Manchester United

23:00 Olympiacos ? - ? Wolverhampton Wanderers

23:00 Rangers ? - ? Bayer Leverkusen

23:00 Wolfsburg ? - ? Shakhtar Donetsk.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip