Hordhac: Liverpool v Man City – Yaa Ku Guuleysan Doona Capital One Cup Maanta? Koobkii Ugu Horeysay Ee Klopp Mise Koobkii Lagu Macsalaameynayay Pellegrini?

0
Sunday February 28, 2016 - 12:07:59 in Sports News by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool v Man City – Yaa Ku Guuleysan Doona Capital One Cup Maanta? Koobkii Ugu Horeysay Ee Klopp Mise Koobkii Lagu Macsalaameynayay Pellegrini?

    Kulanka: Liverpool v Man City Finalka Capital One Cup Garoonka: Wembley Stadium Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Liverpool v Man City Finalka Capital One Cup Garoonka: Wembley Stadium Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa fursad u heysta inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horeysay ee Ingariis ah marka maanta Wembley lagu ciyaaro finalka Capital One Cup, halka Manuel Pellegrini uu rajeynayo inuu xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee Manchester City uu ku dhameysto koob.

Klopp ayaa diiday inuu ka hadlo taatikadiisa ka hor ciyaartaan isagoo yiri: "Waxaan qabaa xitaa magaalada Manchester waxay telefishino.”

Pellegrini ayaa isna si dadban u sheegay inuu ku soo shirtagi doonto koox adag. Waxaa bedelaya xagaaga tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola.

Klopp_Pellegrini-Head-to-head

Tababaraha City oo kooxdiisa ay weli ku jirto tartanka horyaalka Premier League ayaa Reds ku wajahaya kulan horyaalka ka tirsan habeenka arbacada.

Axadii hore, Pellegrini ayaa soo safay koox u badan da’ yar oo uu kala hortagay Chelsea kulankii FA Cup waxaana looga badiyay 5-1 isagoo ciyaartoy u dhigtay kulankii bartamaha isbuuca ee Champions League ay 3-1 kaga badiyeen Dynamo Kiev.

Laakiin waxa uu yiri: "Inaad ku guuleysato koob bisha Febraayo waxa ay ku siineysaa aaminaad ah inaad sii u wado u dagaalanka tartamada kale.”

_88469655_headtohead

MAXAA KA CUSUB?

Xiddigaha khadka dhexe ee Liverpool Adam Lallana iyo Joe Allen iyo sidoo kale daafaca Martin Skrtel ayaa dhamaantood ku soo laabtay tababarka, inkastoo la filayo inaysan ciyaari doonin maanta.

Daafaca dhexe Dejan Lovren ayaa ka soo kabsaday xumad heysay. Tababare Klopp ayaa xiddiga khadka dhexe Lucas ka ciyaarsiiyay daafaca dhexe kulankii Europa League ee ay ka badiyeen Augsburg habeenkii khamiista.

Weeraryahanka Man City Wilfried Bony, xididga garabka Jesus Navas iyo daafaca Eliaquim Mangala aya dhamaantood ka soo laaban kara dhaawac kulanka maanta ee Wembley. Mangala ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Kiev habeenkii arbacada.

Pellegrini ayaa ku rajo weyn in kabtanka Vicente Kompany, xiddigii hore ee Liverpool Raheem Sterling iyo daafaca midig Bacary Sagna inay ciyaari karaan ka dib markii ay sameeyeen tababaro soo kabsasho ah.

Fabian Delph, Kevin de Bruyne iyo Samir Nasri ayaa dhamaantood dhaawac muddo dheer ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-2-3-1): Mignolet; Moreno, Sakho, Lovren, Clyne; Henderson, Can; Firmino, Coutinho, Milner; Sturridge.

Man City (4-2-3-1): Caballero; Sagna, Kompany, Otamendi, Kolarov; Fernando, Fernandinho; Silva, Toure, Sterling, Aguero.

MA OGTAHAY?

  • Waa markii 12aad oo ay Liverpool finalka ka soo gaarto tartankaan League Cup. 11kii ka horeysay waxa ay qaadeen sideed ka mid ah intii u dhaxeysay 1981 iyo 2012 iyadoo kii ugu danbeeyay ay rigoore kaga qaadeen Cardiff City.
  • Manchester City ayaa afar jeer oo hore soo gaartay finalka League Cup, waxa ay ku soo guuleysteen 1970, 1976 iyo dhawaan 2014. Waxaase laga qaaday 1974 markii ay guuldarro ka soo gaartay Wolves.
  • Waa markii ugu horeysay ee ay Liverpool iyo Manchester City ciyaaraan kulan final ah tartan walba uu noqdo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip